Check out the new design

Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub * - Mục lục các bản dịch

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Ma-idah   Câu:
وَقَالَتِ ٱلۡيَهُودُ وَٱلنَّصَٰرَىٰ نَحۡنُ أَبۡنَٰٓؤُاْ ٱللَّهِ وَأَحِبَّٰٓؤُهُۥۚ قُلۡ فَلِمَ يُعَذِّبُكُم بِذُنُوبِكُمۖ بَلۡ أَنتُم بَشَرٞ مِّمَّنۡ خَلَقَۚ يَغۡفِرُ لِمَن يَشَآءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَآءُۚ وَلِلَّهِ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَاۖ وَإِلَيۡهِ ٱلۡمَصِيرُ
18. Yuhuudda iyo Nasaarada waxay yidhaahdaan: Waxaanu nahay ilmahii Alle iyo kuwa uu jecel yahay. Dheh: Muxuu haddaba idiinku cadaabaa denbiyadiinna?. Mayee, waxaad tihiin Aadmi ka mid ah wuxuu abuuray. Wuxuu u denbi dhaafi qofkuu doono, oo cadaabi qofkuu doono. Alle baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya. Waa Xaggiisa aayotiinka dambe iyo meel noqodkiinna.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ قَدۡ جَآءَكُمۡ رَسُولُنَا يُبَيِّنُ لَكُمۡ عَلَىٰ فَتۡرَةٖ مِّنَ ٱلرُّسُلِ أَن تَقُولُواْ مَا جَآءَنَا مِنۢ بَشِيرٖ وَلَا نَذِيرٖۖ فَقَدۡ جَآءَكُم بَشِيرٞ وَنَذِيرٞۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
19. Ehlu-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Waxaa idiin yimid Rasuulkayaga (Nabi Muxammad) isagoo idiin caddeynaya (Xaqa) hakasho kaddib (soo diristii) Rususha, si aydaan u odhan, Nooma imaan bishaareeye iyo dige midna. (Haatan) waxaa idiin yimid bishaareeye iyo dige. Alle wax walba wuu Karaa.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَإِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوۡمِهِۦ يَٰقَوۡمِ ٱذۡكُرُواْ نِعۡمَةَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ إِذۡ جَعَلَ فِيكُمۡ أَنۢبِيَآءَ وَجَعَلَكُم مُّلُوكٗا وَءَاتَىٰكُم مَّا لَمۡ يُؤۡتِ أَحَدٗا مِّنَ ٱلۡعَٰلَمِينَ
20. Oo (xus, Nabiyow) markuu Muuse ku yidhi qolodiisii: Tolkaygiiyow! Xusuusta Nicmadda Alle dushiinna, markuu idinka soo dhex saaray Nabiyo, idinkana dhigay boqorro, idin siiyeyna waxaan la siin cid ka mid ah caalamka (waqtigiinnii).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَٰقَوۡمِ ٱدۡخُلُواْ ٱلۡأَرۡضَ ٱلۡمُقَدَّسَةَ ٱلَّتِي كَتَبَ ٱللَّهُ لَكُمۡ وَلَا تَرۡتَدُّواْ عَلَىٰٓ أَدۡبَارِكُمۡ فَتَنقَلِبُواْ خَٰسِرِينَ
21. Dadkaygiiyow (Muslimiinta ah)! Gala arladaan daahirka ah (Qudus) ee Alle idiin qoray (oo idinku waajibshay ka xoreynteeda mushrikiinta) , hana u noqonnina gadaashiinna, waayo markaas waxaad soo laaban idinkoo ku sugan khasaaro dhan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
قَالُواْ يَٰمُوسَىٰٓ إِنَّ فِيهَا قَوۡمٗا جَبَّارِينَ وَإِنَّا لَن نَّدۡخُلَهَا حَتَّىٰ يَخۡرُجُواْ مِنۡهَا فَإِن يَخۡرُجُواْ مِنۡهَا فَإِنَّا دَٰخِلُونَ
22. Waxay yidhaahdeen: Muusow! Waxaa jooga halkaa qolo xoog badan (haraagii reer Caad oo ahaa dad dhaadheer oo xoog badan oo mushrikiin ah), mana galeyno jeer ay ka baxaan; hadday ka baxaan markaas baanu gali.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
قَالَ رَجُلَانِ مِنَ ٱلَّذِينَ يَخَافُونَ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمَا ٱدۡخُلُواْ عَلَيۡهِمُ ٱلۡبَابَ فَإِذَا دَخَلۡتُمُوهُ فَإِنَّكُمۡ غَٰلِبُونَۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَتَوَكَّلُوٓاْ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ
23. Labo nin (Yuushac bin Nuun iyo Kaalib bin Yoofinaa) oo ka mid ah kuwa (Alle ka) cabsada oo uu Alle u nicmeeyey waxay yidhaahdeen: Uga gala (cadowga) albaabka, markaad gashaan idinkaa adkaan. Alle tala saarta, haddaad tihiin mu’miniin.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
 
Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Ma-idah
Mục lục các chương Kinh Số trang
 
Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub - Mục lục các bản dịch

Người dịch 'Abdullah Hassan Ya'qub.

Đóng lại