Check out the new design

Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub * - Mục lục các bản dịch

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Sajadah   Câu:
وَلَنُذِيقَنَّهُم مِّنَ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡأَدۡنَىٰ دُونَ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡأَكۡبَرِ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ
21. Waxaanu dhadhansiineynaa cadaabka dhow [5] cadaabka weyn (ee Aakhiro) ka sokow, bal inay (u soo) noqdaan ( Xaqa oo tawbad keenaan).
[5]. Waa dhibaatooyinka iyo musiibadaha adduunka.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن ذُكِّرَ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِۦ ثُمَّ أَعۡرَضَ عَنۡهَآۚ إِنَّا مِنَ ٱلۡمُجۡرِمِينَ مُنتَقِمُونَ
22. Yaa ka dulmi badan mid lagu waaniyo Aayadaha Rabbigi oo ka jeesada? Waanu ka aarsan denbiilayaasha.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ فَلَا تَكُن فِي مِرۡيَةٖ مِّن لِّقَآئِهِۦۖ وَجَعَلۡنَٰهُ هُدٗى لِّبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ
23. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka [6], ee ha ka shakiyin la kulankiisa [7], Waxaana uga yeelnay (Tawraadda) hanuun reer Israa’iil.
[6]. Towraadda ee lagu soo dejiyey Nabi Muuse c.s., Qur’aankana waxaa lagu soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w., waana u hanuun dhammaan ummadaha.
[7]. La kulankii Nabi Muxammad s.c.w. uu la kulmay Nabi Muuse c.s. habeenkii Micraajka.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَجَعَلۡنَا مِنۡهُمۡ أَئِمَّةٗ يَهۡدُونَ بِأَمۡرِنَا لَمَّا صَبَرُواْۖ وَكَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا يُوقِنُونَ
24. Waxaanu ka yeellay qaar ka mid ah (ilmahii Israa’iil) hoggaamiyaal wax ku hanuuniya Amarkayaga, markay samreen [8], waxayna ahaayeen kuwo yaqiinsan Aayadahayaga.
[8]. Markay ku samreen oogidda Xaqa iyo ku dhaqanki.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ يَفۡصِلُ بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ
25. Hubaal, Rabbigaa baa kala xukumi (mu'miniinta iyo gaalada) dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsanayeen.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أَوَلَمۡ يَهۡدِ لَهُمۡ كَمۡ أَهۡلَكۡنَا مِن قَبۡلِهِم مِّنَ ٱلۡقُرُونِ يَمۡشُونَ فِي مَسَٰكِنِهِمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٍۚ أَفَلَا يَسۡمَعُونَ
26. Miyaanay u caddaan intaan hallignay hortood oo facyo ah oo ay guryahoodii maraan, hubaal arrinkaasi waxaa ku sugan calaamooyin. Ee miyaanay wax maqleyn?
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا نَسُوقُ ٱلۡمَآءَ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ ٱلۡجُرُزِ فَنُخۡرِجُ بِهِۦ زَرۡعٗا تَأۡكُلُ مِنۡهُ أَنۡعَٰمُهُمۡ وَأَنفُسُهُمۡۚ أَفَلَا يُبۡصِرُونَ
27. Miyaanay arkayn inaanu u soo kaxeyno biyaha dhul abaar ah aan dhir laheyn, oo aan ka soo saarno sarac ay wax ka cunaan xoolahooda iyo nafahoodaba? Ee miyaanay wax arkeyn?
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡفَتۡحُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
28. Waxay odhan: Waa goorma kala xukunku haddaad run sheegaysaan?
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
قُلۡ يَوۡمَ ٱلۡفَتۡحِ لَا يَنفَعُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِيمَٰنُهُمۡ وَلَا هُمۡ يُنظَرُونَ
29. Dheh: Maalinta kala xukunku [9] ma anfaco gaalada iimaankoodu (markaas), lamana siiyo fursad (tawbad keen).
[9]. Maalinta kala baxa waa maalinta loo kala garsoori doono dadka oo dhan, waxaana loola jeedaa Maalinta Qiyaamaha.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
فَأَعۡرِضۡ عَنۡهُمۡ وَٱنتَظِرۡ إِنَّهُم مُّنتَظِرُونَ
30. Ee isaga jeeso oo sug [10], iyaguna (gaalada) waxay sugayaan (waxaad ku dambeysaan).
[10]. Nabi Muxmmad s.c.w. iyo mu’miniinta waxaa la amray inay ka sugaan guul xagga Alle iyo halaagga gaalada dulmiga badan gooray ahaataba.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
 
Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Sajadah
Mục lục các chương Kinh Số trang
 
Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub - Mục lục các bản dịch

Người dịch 'Abdullah Hassan Ya'qub.

Đóng lại