Check out the new design

Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Loowdi firooji ɗi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore.: Simoore sujjannde   Aaya.:
وَلَنُذِيقَنَّهُم مِّنَ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡأَدۡنَىٰ دُونَ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡأَكۡبَرِ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ
21. Waxaanu dhadhansiineynaa cadaabka dhow [5] cadaabka weyn (ee Aakhiro) ka sokow, bal inay (u soo) noqdaan ( Xaqa oo tawbad keenaan).
[5]. Waa dhibaatooyinka iyo musiibadaha adduunka.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن ذُكِّرَ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِۦ ثُمَّ أَعۡرَضَ عَنۡهَآۚ إِنَّا مِنَ ٱلۡمُجۡرِمِينَ مُنتَقِمُونَ
22. Yaa ka dulmi badan mid lagu waaniyo Aayadaha Rabbigi oo ka jeesada? Waanu ka aarsan denbiilayaasha.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ فَلَا تَكُن فِي مِرۡيَةٖ مِّن لِّقَآئِهِۦۖ وَجَعَلۡنَٰهُ هُدٗى لِّبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ
23. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka [6], ee ha ka shakiyin la kulankiisa [7], Waxaana uga yeelnay (Tawraadda) hanuun reer Israa’iil.
[6]. Towraadda ee lagu soo dejiyey Nabi Muuse c.s., Qur’aankana waxaa lagu soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w., waana u hanuun dhammaan ummadaha.
[7]. La kulankii Nabi Muxammad s.c.w. uu la kulmay Nabi Muuse c.s. habeenkii Micraajka.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَجَعَلۡنَا مِنۡهُمۡ أَئِمَّةٗ يَهۡدُونَ بِأَمۡرِنَا لَمَّا صَبَرُواْۖ وَكَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا يُوقِنُونَ
24. Waxaanu ka yeellay qaar ka mid ah (ilmahii Israa’iil) hoggaamiyaal wax ku hanuuniya Amarkayaga, markay samreen [8], waxayna ahaayeen kuwo yaqiinsan Aayadahayaga.
[8]. Markay ku samreen oogidda Xaqa iyo ku dhaqanki.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ يَفۡصِلُ بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ
25. Hubaal, Rabbigaa baa kala xukumi (mu'miniinta iyo gaalada) dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsanayeen.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
أَوَلَمۡ يَهۡدِ لَهُمۡ كَمۡ أَهۡلَكۡنَا مِن قَبۡلِهِم مِّنَ ٱلۡقُرُونِ يَمۡشُونَ فِي مَسَٰكِنِهِمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٍۚ أَفَلَا يَسۡمَعُونَ
26. Miyaanay u caddaan intaan hallignay hortood oo facyo ah oo ay guryahoodii maraan, hubaal arrinkaasi waxaa ku sugan calaamooyin. Ee miyaanay wax maqleyn?
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا نَسُوقُ ٱلۡمَآءَ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ ٱلۡجُرُزِ فَنُخۡرِجُ بِهِۦ زَرۡعٗا تَأۡكُلُ مِنۡهُ أَنۡعَٰمُهُمۡ وَأَنفُسُهُمۡۚ أَفَلَا يُبۡصِرُونَ
27. Miyaanay arkayn inaanu u soo kaxeyno biyaha dhul abaar ah aan dhir laheyn, oo aan ka soo saarno sarac ay wax ka cunaan xoolahooda iyo nafahoodaba? Ee miyaanay wax arkeyn?
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡفَتۡحُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
28. Waxay odhan: Waa goorma kala xukunku haddaad run sheegaysaan?
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
قُلۡ يَوۡمَ ٱلۡفَتۡحِ لَا يَنفَعُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِيمَٰنُهُمۡ وَلَا هُمۡ يُنظَرُونَ
29. Dheh: Maalinta kala xukunku [9] ma anfaco gaalada iimaankoodu (markaas), lamana siiyo fursad (tawbad keen).
[9]. Maalinta kala baxa waa maalinta loo kala garsoori doono dadka oo dhan, waxaana loola jeedaa Maalinta Qiyaamaha.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَأَعۡرِضۡ عَنۡهُمۡ وَٱنتَظِرۡ إِنَّهُم مُّنتَظِرُونَ
30. Ee isaga jeeso oo sug [10], iyaguna (gaalada) waxay sugayaan (waxaad ku dambeysaan).
[10]. Nabi Muxmmad s.c.w. iyo mu’miniinta waxaa la amray inay ka sugaan guul xagga Alle iyo halaagga gaalada dulmiga badan gooray ahaataba.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
 
Firo maanaaji Simoore.: Simoore sujjannde
Loowdi cimooje ɗe Tonngoode hello ngon
 
Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Loowdi firooji ɗi

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddu