Check out the new design

قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب * - ترجمے کی لسٹ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

معانی کا ترجمہ سورت: انعام   آیت:
فَمَن يُرِدِ ٱللَّهُ أَن يَهۡدِيَهُۥ يَشۡرَحۡ صَدۡرَهُۥ لِلۡإِسۡلَٰمِۖ وَمَن يُرِدۡ أَن يُضِلَّهُۥ يَجۡعَلۡ صَدۡرَهُۥ ضَيِّقًا حَرَجٗا كَأَنَّمَا يَصَّعَّدُ فِي ٱلسَّمَآءِۚ كَذَٰلِكَ يَجۡعَلُ ٱللَّهُ ٱلرِّجۡسَ عَلَى ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ
125. Qofkii uu Alle rabo inuu hanuuniyo, wuxuu u waasiciyaa laabtiisa Islaamka, qofkiise uu rabo inuu lumiyo wuxuu ka yeelaa laabtiisa cidhiidhi dhibboon sida isagoo kor ugu baxaya xagga samada. Sidaasuu Alle dusha uga saaraa fadarada kuwa aan (Xaqa) rumayn.
عربی تفاسیر:
وَهَٰذَا صِرَٰطُ رَبِّكَ مُسۡتَقِيمٗاۗ قَدۡ فَصَّلۡنَا ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَذَّكَّرُونَ
126. Kani waa Jidka Rabbigaa ee toosan. Waxaan uga yeelnay Aayadaha caddaan ciddii xusuusan oo ku waantoobi.
عربی تفاسیر:
۞ لَهُمۡ دَارُ ٱلسَّلَٰمِ عِندَ رَبِّهِمۡۖ وَهُوَ وَلِيُّهُم بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
127. Waxay leeyihiin Daarta Nabadda (Jannada) Rabbigood agtiis ah, Isagaa ah Gargaarahood waxay camal san falayeen darteed.
عربی تفاسیر:
وَيَوۡمَ يَحۡشُرُهُمۡ جَمِيعٗا يَٰمَعۡشَرَ ٱلۡجِنِّ قَدِ ٱسۡتَكۡثَرۡتُم مِّنَ ٱلۡإِنسِۖ وَقَالَ أَوۡلِيَآؤُهُم مِّنَ ٱلۡإِنسِ رَبَّنَا ٱسۡتَمۡتَعَ بَعۡضُنَا بِبَعۡضٖ وَبَلَغۡنَآ أَجَلَنَا ٱلَّذِيٓ أَجَّلۡتَ لَنَاۚ قَالَ ٱلنَّارُ مَثۡوَىٰكُمۡ خَٰلِدِينَ فِيهَآ إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۚ إِنَّ رَبَّكَ حَكِيمٌ عَلِيمٞ
128. Maalinta uu soo kulmin dhammaan (kuna dhihi): Kulanka jinkow! Waxaad badsateen (luminta) in badan oo dadka ah. Saaxiibbadoodii ka mid ahaa dadka waxay odhan: Rabbiyow! Wuxuu ku dan gaaray qaarkayoba qaarka kale, waxaana gaarnay muddadayada aad noo goysay. Wuxuu odhan: Naartaa hoygiinna ah aad ku dhex waaraysaan, wuxuu Alle doono mooyee. Hubaal Rabbigaa waa Xakiim, wax kasta Ogsoon.
عربی تفاسیر:
وَكَذَٰلِكَ نُوَلِّي بَعۡضَ ٱلظَّٰلِمِينَ بَعۡضَۢا بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
129. Sidaasaan ugu salladnaa daalimiinta qaarkoodba qaarka kale, waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah).
عربی تفاسیر:
يَٰمَعۡشَرَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ أَلَمۡ يَأۡتِكُمۡ رُسُلٞ مِّنكُمۡ يَقُصُّونَ عَلَيۡكُمۡ ءَايَٰتِي وَيُنذِرُونَكُمۡ لِقَآءَ يَوۡمِكُمۡ هَٰذَاۚ قَالُواْ شَهِدۡنَا عَلَىٰٓ أَنفُسِنَاۖ وَغَرَّتۡهُمُ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا وَشَهِدُواْ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمۡ أَنَّهُمۡ كَانُواْ كَٰفِرِينَ
130. Kulanka jinka iyo dadkow! Miyaanay idiin imaan Rusul idinka mid ah, idiin soo tebinaya Aayadahayga idiinkana digaya la kulanka maalintiinnaan? Waxay odhan: Waxaan ku marag furaynaa nafahayaga. Waxaana hodday noloshan adduunka. Waxay ku marag furi nafahooda inay ahaayeen Xaq diid (gaalo).
عربی تفاسیر:
 
معانی کا ترجمہ سورت: انعام
سورتوں کی لسٹ صفحہ نمبر
 
قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب - ترجمے کی لسٹ

عبد اللہ حسن یعقوب نے ترجمہ کیا

بند کریں