Check out the new design

قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب * - ترجمے کی لسٹ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

معانی کا ترجمہ سورت: کہف   آیت:
۞ قَالَ أَلَمۡ أَقُل لَّكَ إِنَّكَ لَن تَسۡتَطِيعَ مَعِيَ صَبۡرٗا
75. (Khadir) wuxuu yidhi: Miyaanan kugu odhan:Adigu ma kareysid la jirkeyga samir?
عربی تفاسیر:
قَالَ إِن سَأَلۡتُكَ عَن شَيۡءِۭ بَعۡدَهَا فَلَا تُصَٰحِبۡنِيۖ قَدۡ بَلَغۡتَ مِن لَّدُنِّي عُذۡرٗا
76. (Muuse) wuxuu yidhi: Haddaan ku weydiiyo wax ka dambeeya tani, haba yee- lin inaan kula socdo, waxaad dhab ahaan heshay cudur daar xagga arrinkeyga.
عربی تفاسیر:
فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَآ أَتَيَآ أَهۡلَ قَرۡيَةٍ ٱسۡتَطۡعَمَآ أَهۡلَهَا فَأَبَوۡاْ أَن يُضَيِّفُوهُمَا فَوَجَدَا فِيهَا جِدَارٗا يُرِيدُ أَن يَنقَضَّ فَأَقَامَهُۥۖ قَالَ لَوۡ شِئۡتَ لَتَّخَذۡتَ عَلَيۡهِ أَجۡرٗا
77. Way tageen jeer markay ku yimaadeen dad magaalo deggan, waxay weydiisteen cunno dadkeeda, wayse diideen inay marti sooraan [17]; markaasay waxay heleen gudaheeda gidaar dumi raba, markaasuu (Khadir) toosiyey. (Muuse) Wuxuu yidhi: Haddaad doonto, waxaad ku qaadan lahayd ujro.
[17]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro waa inuu wanaajiyo martidiisa, oo qofkii rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro waa inuu ka ilaaliyo dhib oo dhan jaarkiis, oo qofkii rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro waa inuu ku hadlo hadal wanaagsan oo khayr ah ama iska aamuso. (W.w. Abuu Daawuud)
عربی تفاسیر:
قَالَ هَٰذَا فِرَاقُ بَيۡنِي وَبَيۡنِكَۚ سَأُنَبِّئُكَ بِتَأۡوِيلِ مَا لَمۡ تَسۡتَطِع عَّلَيۡهِ صَبۡرًا
78. (Khadir) wuxuu yidhi: Kan waa kala tagga dhexdeenna aniga iyo adiga, ee waxaan kuu sheegi fasiraadda waxaad u samir yeelan kari weyday.
عربی تفاسیر:
أَمَّا ٱلسَّفِينَةُ فَكَانَتۡ لِمَسَٰكِينَ يَعۡمَلُونَ فِي ٱلۡبَحۡرِ فَأَرَدتُّ أَنۡ أَعِيبَهَا وَكَانَ وَرَآءَهُم مَّلِكٞ يَأۡخُذُ كُلَّ سَفِينَةٍ غَصۡبٗا
79. Ma doonnida, waxaa lahaa dad masaa- kiin ah oo badda ka xoogsada. Waxaana doonay inaan ceeb u yeelo, waayo waxaa hortooda ahaa boqor ku qaata doonni walba (oo hagaagsan) qasab.
عربی تفاسیر:
وَأَمَّا ٱلۡغُلَٰمُ فَكَانَ أَبَوَاهُ مُؤۡمِنَيۡنِ فَخَشِينَآ أَن يُرۡهِقَهُمَا طُغۡيَٰنٗا وَكُفۡرٗا
80. Wiilkana, waxay labadiisii waalid ahaayeen mu’ miniin, waxaana ka baqnay inuu ku dhibo xadgudub iyo abaal dhac.
عربی تفاسیر:
فَأَرَدۡنَآ أَن يُبۡدِلَهُمَا رَبُّهُمَا خَيۡرٗا مِّنۡهُ زَكَوٰةٗ وَأَقۡرَبَ رُحۡمٗا
81. Waxaana doonnay inuu ugu beddelo Rabbigood mid ka khayr roon daahirinimo oo naxariisasho dhow.
عربی تفاسیر:
وَأَمَّا ٱلۡجِدَارُ فَكَانَ لِغُلَٰمَيۡنِ يَتِيمَيۡنِ فِي ٱلۡمَدِينَةِ وَكَانَ تَحۡتَهُۥ كَنزٞ لَّهُمَا وَكَانَ أَبُوهُمَا صَٰلِحٗا فَأَرَادَ رَبُّكَ أَن يَبۡلُغَآ أَشُدَّهُمَا وَيَسۡتَخۡرِجَا كَنزَهُمَا رَحۡمَةٗ مِّن رَّبِّكَۚ وَمَا فَعَلۡتُهُۥ عَنۡ أَمۡرِيۚ ذَٰلِكَ تَأۡوِيلُ مَا لَمۡ تَسۡطِع عَّلَيۡهِ صَبۡرٗا
82. Gidaarkana, waxaa lahaa labo wiil oo agoomo ah oo magaalada jooga; waxaana hoostiisa yaalay khaznad maal ah ay iyagu leeyihiin; wuxuuna ahaa aabbahood qof wanaagsan, marka Wuxuu Rabbigaa doonay inay qaan gaaraan oo la soo baxaan khasnaddooda, naxariis ka ahaatay xagga Rabbigaa; kumana aan samayn waxaan falay amarkayga. Waana kaas tafsiirka (arrimihii) aad u samir yeelan kari weyday.
عربی تفاسیر:
وَيَسۡـَٔلُونَكَ عَن ذِي ٱلۡقَرۡنَيۡنِۖ قُلۡ سَأَتۡلُواْ عَلَيۡكُم مِّنۡهُ ذِكۡرًا
83. Waxay wax kaa weydiin Dul Qarnayn. Dheh: Waxaan idiin akhrin war ku saabsan isaga.
عربی تفاسیر:
 
معانی کا ترجمہ سورت: کہف
سورتوں کی لسٹ صفحہ نمبر
 
قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب - ترجمے کی لسٹ

عبد اللہ حسن یعقوب نے ترجمہ کیا

بند کریں