Check out the new design

పవిత్ర ఖురాన్ యొక్క భావార్థాల అనువాదం - సోమాలి అనువాదం - అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖుబ్ * - అనువాదాల విషయసూచిక

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

భావార్ధాల అనువాదం సూరహ్: సబా   వచనం:
قَالَ ٱلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُواْ لِلَّذِينَ ٱسۡتُضۡعِفُوٓاْ أَنَحۡنُ صَدَدۡنَٰكُمۡ عَنِ ٱلۡهُدَىٰ بَعۡدَ إِذۡ جَآءَكُمۖ بَلۡ كُنتُم مُّجۡرِمِينَ
32. Kuwii isla weynaa (madaxdii) waxay ku odhan kuwii la daciifsaday (raciyaddii): Ma innagaa iska kiin hortaagnay hanuunka kaddib markuu idiin yimid? Mayee’ idinka (naf ahaantiinna) ayaa ahaa denbiilayaal.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ ٱسۡتُضۡعِفُواْ لِلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُواْ بَلۡ مَكۡرُ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ إِذۡ تَأۡمُرُونَنَآ أَن نَّكۡفُرَ بِٱللَّهِ وَنَجۡعَلَ لَهُۥٓ أَندَادٗاۚ وَأَسَرُّواْ ٱلنَّدَامَةَ لَمَّا رَأَوُاْ ٱلۡعَذَابَۚ وَجَعَلۡنَا ٱلۡأَغۡلَٰلَ فِيٓ أَعۡنَاقِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۖ هَلۡ يُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
33. Kuwii la daciifsaday (raciyaddii) waxay ku odhan kuwii isla weynaa (madaxdii): Mayee’ waa dabinkaad noo dhigeyseen habeen iyo maalinba, markaad na amarteen inaan ku gaalowno Alle oo u yeello shariigyo. Waxayna muujin qoomamo markay arkaan cadaabka, waxaanu u suri luqumaha kuwa gaaloobay mereegyo bir ah. Miyaa laga abaal marin (gaalada) waxay camal xun faleen mooyee?
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا فِي قَرۡيَةٖ مِّن نَّذِيرٍ إِلَّا قَالَ مُتۡرَفُوهَآ إِنَّا بِمَآ أُرۡسِلۡتُم بِهِۦ كَٰفِرُونَ
34. Ma jirto magaalo aan u dirnay dige, oo aysan ladanayaasheedii odhan: Innagu waxa la idinla soo diray ku gaalownay.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَقَالُواْ نَحۡنُ أَكۡثَرُ أَمۡوَٰلٗا وَأَوۡلَٰدٗا وَمَا نَحۡنُ بِمُعَذَّبِينَ
35. Waxayna yidhaahdeen: Innagaa idinka maal iyo awlaad badan, mana nihin kuwa la cadaabayo [17].
[17]. Waxaa hoda gaalada waxa uu Alle ku siiyey adduunka, waxayna moodaan inuu u naxariisan Aakhirada oo cadaabeyn.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
قُلۡ إِنَّ رَبِّي يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
36. Dheh: Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), dadka badankiisuse ma oga.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَمَآ أَمۡوَٰلُكُمۡ وَلَآ أَوۡلَٰدُكُم بِٱلَّتِي تُقَرِّبُكُمۡ عِندَنَا زُلۡفَىٰٓ إِلَّا مَنۡ ءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَأُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ جَزَآءُ ٱلضِّعۡفِ بِمَا عَمِلُواْ وَهُمۡ فِي ٱلۡغُرُفَٰتِ ءَامِنُونَ
37. Ma aha maalkiinna iyo awlaaddiinna waxa noo kiin soo dhoweeya meeqaan ahaan, hase yeeshee qofkii (Xaqa) rumeeya oo sama fala, waa kuwan kuwa iska leh abaalmarin labolaab ah waxay camalsan faleen darteed, waxayna ku sugnaan iyagoo nabdoon rugaha ugu sarreeya (ee Jannada).
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَٱلَّذِينَ يَسۡعَوۡنَ فِيٓ ءَايَٰتِنَا مُعَٰجِزِينَ أُوْلَٰٓئِكَ فِي ٱلۡعَذَابِ مُحۡضَرُونَ
38. Kuwase ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga, kuwaas cadaabkaa la keeni.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
قُلۡ إِنَّ رَبِّي يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦ وَيَقۡدِرُ لَهُۥۚ وَمَآ أَنفَقۡتُم مِّن شَيۡءٖ فَهُوَ يُخۡلِفُهُۥۖ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلرَّٰزِقِينَ
39. Dheh: Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo addoomahiisa ka mid ah, oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), waxaad bixisaanna oo wuxuun ah (sadaqo ah), wax ka khayr badan buu idin siin. Alle waa Kan u wanaagsan inta wax arsaaqda.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
 
భావార్ధాల అనువాదం సూరహ్: సబా
సూరాల విషయసూచిక పేజీ నెంబరు
 
పవిత్ర ఖురాన్ యొక్క భావార్థాల అనువాదం - సోమాలి అనువాదం - అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖుబ్ - అనువాదాల విషయసూచిక

దానిని అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖూబ్ అనువదించారు.

మూసివేయటం