Check out the new design

Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Abdoellah Hassan Ya'qub. * - Index van vertaling

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Vertaling van de betekenissen Surah: Asj-Sjoera   Vers:
ذَٰلِكَ ٱلَّذِي يُبَشِّرُ ٱللَّهُ عِبَادَهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِۗ قُل لَّآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ أَجۡرًا إِلَّا ٱلۡمَوَدَّةَ فِي ٱلۡقُرۡبَىٰۗ وَمَن يَقۡتَرِفۡ حَسَنَةٗ نَّزِدۡ لَهُۥ فِيهَا حُسۡنًاۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ شَكُورٌ
23. (Arrin)kaasi waa waxa uu Alle ugu bishaareeyo addoomahiisa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala. Dheh: Idinku weydiisan maayo wax abaalgud ah baaqakani, aan aheyn kalgacal qaraabannimo. Qofkii kasbada wanaagna waxaanu siin wanaag ka badan.Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Mahdin Badan.
Arabische uitleg van de Qur'an:
أَمۡ يَقُولُونَ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗاۖ فَإِن يَشَإِ ٱللَّهُ يَخۡتِمۡ عَلَىٰ قَلۡبِكَۗ وَيَمۡحُ ٱللَّهُ ٱلۡبَٰطِلَ وَيُحِقُّ ٱلۡحَقَّ بِكَلِمَٰتِهِۦٓۚ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
24. Mise waxay leeyihin: Wuxuu ka been sheegay Alle? Hadduu doono Alle, wuxuu dabooli lahaa qalbigaaga [12]. Alle wuu tirtiri baadilka, kuna sugi xaqa Kelmadihiisa. Hubaal Alle wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
[12]. Wuxuu kaa yeeli karaa inaad illowdo Qur’aanka oo lagu hilmaansiiyo.
Arabische uitleg van de Qur'an:
وَهُوَ ٱلَّذِي يَقۡبَلُ ٱلتَّوۡبَةَ عَنۡ عِبَادِهِۦ وَيَعۡفُواْ عَنِ ٱلسَّيِّـَٔاتِ وَيَعۡلَمُ مَا تَفۡعَلُونَ
25. (Alle) waa Kan ka aqbala tawbada addoomahiisa ee cafiya denbiyada, wuuna Og yahay waxaad fashaan.
Arabische uitleg van de Qur'an:
وَيَسۡتَجِيبُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَيَزِيدُهُم مِّن فَضۡلِهِۦۚ وَٱلۡكَٰفِرُونَ لَهُمۡ عَذَابٞ شَدِيدٞ
26. Wuxuu (Alle) ajiibaa kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo siiyaa wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Gaaladuse waxay leeyihiin Cadaab Daran.
Arabische uitleg van de Qur'an:
۞ وَلَوۡ بَسَطَ ٱللَّهُ ٱلرِّزۡقَ لِعِبَادِهِۦ لَبَغَوۡاْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَٰكِن يُنَزِّلُ بِقَدَرٖ مَّا يَشَآءُۚ إِنَّهُۥ بِعِبَادِهِۦ خَبِيرُۢ بَصِيرٞ
27. Hadduu Alle u fidin lahaa risiqa addoomahiisa, waxay ku qooqi lahaayeen arlada, Wuxuuse u soo dejiyaa qaddar waafaqsan siduu rabo. Alle addoomahiisa waa u Xog ogaal, Arkaa.
Arabische uitleg van de Qur'an:
وَهُوَ ٱلَّذِي يُنَزِّلُ ٱلۡغَيۡثَ مِنۢ بَعۡدِ مَا قَنَطُواْ وَيَنشُرُ رَحۡمَتَهُۥۚ وَهُوَ ٱلۡوَلِيُّ ٱلۡحَمِيدُ
28. (Alle) waa Kan soo dejiya roobka kaddib markay quusteen oo faafiya Raxmaddiisa. Waa Isaga Gargaaraha mudan ammaan idilkeed ee la mahdiyo.
Arabische uitleg van de Qur'an:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦ خَلۡقُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَثَّ فِيهِمَا مِن دَآبَّةٖۚ وَهُوَ عَلَىٰ جَمۡعِهِمۡ إِذَا يَشَآءُ قَدِيرٞ
29. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa (muujin Weynadiisa iyo Waxdaaniyadiisa) abuurista samooyinka iyo arlada iyo wuxuu ku fidiyey (abuuray) dhexdooda oo (nafley) dhul socod ah. Alle inuu soo kulmiyo dhammaantood markuu doono wuu Karaa.
Arabische uitleg van de Qur'an:
وَمَآ أَصَٰبَكُم مِّن مُّصِيبَةٖ فَبِمَا كَسَبَتۡ أَيۡدِيكُمۡ وَيَعۡفُواْ عَن كَثِيرٖ
30. Wixii idinku dhaca oo masiibo ah waa waxay kasbadeen gacmiihiinnu (oo denbiyo ah), Wuxuuna (Alle) idinka cafiyaa wax badan.
Arabische uitleg van de Qur'an:
وَمَآ أَنتُم بِمُعۡجِزِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِۖ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِن وَلِيّٖ وَلَا نَصِيرٖ
31. Kuma baxsan kartaan dhulka, mana lihidin Alle ka sokow ilaaliye iyo gargaare midna.
Arabische uitleg van de Qur'an:
 
Vertaling van de betekenissen Surah: Asj-Sjoera
Surah's Index Pagina nummer
 
Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Abdoellah Hassan Ya'qub. - Index van vertaling

Vertaald door Abdoellah Hassan Yaqoeb.

Sluit