Check out the new design

Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Abdoellah Hassan Ya'qub. * - Index van vertaling

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Vertaling van de betekenissen Surah: Joenoes   Vers:
۞ وَٱتۡلُ عَلَيۡهِمۡ نَبَأَ نُوحٍ إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦ يَٰقَوۡمِ إِن كَانَ كَبُرَ عَلَيۡكُم مَّقَامِي وَتَذۡكِيرِي بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ فَعَلَى ٱللَّهِ تَوَكَّلۡتُ فَأَجۡمِعُوٓاْ أَمۡرَكُمۡ وَشُرَكَآءَكُمۡ ثُمَّ لَا يَكُنۡ أَمۡرُكُمۡ عَلَيۡكُمۡ غُمَّةٗ ثُمَّ ٱقۡضُوٓاْ إِلَيَّ وَلَا تُنظِرُونِ
71. U Akhri qisadii Nuux. Markuu ku yidhi dadkiisii: Tolkaygiiyow! hadday joogiddeyda (la jirkiin), iyo (idinku) waaninteyda Aayadaha Alle ay idinku cuslaatay - haddaba Alle baan tala saartay - ee tala goosta arrankiinna oo (soo kulmiya) kuwa aad cibaadadiinna wax ka wadaajisaan, markaas yuusan ahaan arrinkiinnu mid uu ku jiro mugdi [19], markaas igu fuliya xukunkiinna hana i siininnaba wax fursad ah.
[19]. Ha ka yeelina wax uu ku jiro shaki ama walaac, ee ha ahaato wax idiin cad, muuqda, oo aan mugdi ku jirin.
Arabische uitleg van de Qur'an:
فَإِن تَوَلَّيۡتُمۡ فَمَا سَأَلۡتُكُم مِّنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِۖ وَأُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ
72. Haddaad jeesataan, idinma weydiisan idinka wax abaalgud ah, abaalgudkeyga wuxuu saaran yahay Alle Keliya, waxaana la i amray inaan ka mid ahaado Muslimiinta 'kuwa u hoggaansan Alle'.
Arabische uitleg van de Qur'an:
فَكَذَّبُوهُ فَنَجَّيۡنَٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ فِي ٱلۡفُلۡكِ وَجَعَلۡنَٰهُمۡ خَلَٰٓئِفَ وَأَغۡرَقۡنَا ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَاۖ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُنذَرِينَ
73. Wayse beeniyeen, markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii ku wehlisay Doonida, Waxaana ka dhignay kuwa u hara dhulka oo ka taliya, oo aanu harqinnay kuwii beeniyey Aayadahayaga. Ee fiiri siduu ahaa aayaha kuwii loo digay.
Arabische uitleg van de Qur'an:
ثُمَّ بَعَثۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِۦ رُسُلًا إِلَىٰ قَوۡمِهِمۡ فَجَآءُوهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَمَا كَانُواْ لِيُؤۡمِنُواْ بِمَا كَذَّبُواْ بِهِۦ مِن قَبۡلُۚ كَذَٰلِكَ نَطۡبَعُ عَلَىٰ قُلُوبِ ٱلۡمُعۡتَدِينَ
74. Markaasaan u soo bixinnay isaga kaddib Rusul dadkoodii, oo ula yimaadeen Xujooyin Cad, mase rumeyn lahayn waxay horayba u beeniyeen [20]. Sidaasaan u yeelnaa shaabbad daboosha quluubta xadgudbayaasha.
[20]. Facyadii ku xigay waxay ahaayeen kuwo ku adkeysta gaalnimada.
Arabische uitleg van de Qur'an:
ثُمَّ بَعَثۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِم مُّوسَىٰ وَهَٰرُونَ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ بِـَٔايَٰتِنَا فَٱسۡتَكۡبَرُواْ وَكَانُواْ قَوۡمٗا مُّجۡرِمِينَ
75. Markaasaan soo dirnay iyaga kaddib Muuse iyo Haaruun xagga Fircoon iyo xildhibaannadii iyagoo u sida Aayadahayaga, wayse is kibriyeen oo waxay ahaayeen qolo denbiilayaal ah.
Arabische uitleg van de Qur'an:
فَلَمَّا جَآءَهُمُ ٱلۡحَقُّ مِنۡ عِندِنَا قَالُوٓاْ إِنَّ هَٰذَا لَسِحۡرٞ مُّبِينٞ
76. Markuu uga yimid Xaqu Xaggayaga, waxay yidhaahdeen: Kanu waa sixir cad.
Arabische uitleg van de Qur'an:
قَالَ مُوسَىٰٓ أَتَقُولُونَ لِلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَكُمۡۖ أَسِحۡرٌ هَٰذَا وَلَا يُفۡلِحُ ٱلسَّٰحِرُونَ
77. Muuse wuxuu yidhi: Ma waxaad ka leedihiin (sidatan) Xaqa markuu idiin yimid? Ma sixir baa kani? Sixiroolaayaashu ma liibaanaan.
Arabische uitleg van de Qur'an:
قَالُوٓاْ أَجِئۡتَنَا لِتَلۡفِتَنَا عَمَّا وَجَدۡنَا عَلَيۡهِ ءَابَآءَنَا وَتَكُونَ لَكُمَا ٱلۡكِبۡرِيَآءُ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا نَحۡنُ لَكُمَا بِمُؤۡمِنِينَ
78. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso waxaan ka hellay aabbayaashayo, iyo (inaad) ku sarreynta arlada markaas aad idinku yeelataan? Innaguna ma nihin kuwo idin rumeysanaya.
Arabische uitleg van de Qur'an:
 
Vertaling van de betekenissen Surah: Joenoes
Surah's Index Pagina nummer
 
Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Abdoellah Hassan Ya'qub. - Index van vertaling

Vertaald door Abdoellah Hassan Yaqoeb.

Sluit