Check out the new design

पवित्र कुरअानको अर्थको अनुवाद - सोमाली भाषामा अनुवाद : अब्दुल्लाह हसन याकूब । * - अनुवादहरूको सूची

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

अर्थको अनुवाद सूरः: द्दुखान   श्लोक:
وَأَن لَّا تَعۡلُواْ عَلَى ٱللَّهِۖ إِنِّيٓ ءَاتِيكُم بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٖ
19. Ha iska sare yeelina Alle. Waxaan idiinla imid xujo cade.
अरबी व्याख्याहरू:
وَإِنِّي عُذۡتُ بِرَبِّي وَرَبِّكُمۡ أَن تَرۡجُمُونِ
20. Waxaana ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiin inaad i dhagaxyeysaan [6].
[6]. Si aydaan dhagax iigu shiidin ilaa geeri. Ama si aydaan iigu dhaleeceyn carrabyadiinna ama si aydaan iigu dhibaateyn si kale.
अरबी व्याख्याहरू:
وَإِن لَّمۡ تُؤۡمِنُواْ لِي فَٱعۡتَزِلُونِ
21. Ee hadddaydaan i rumeyn, iga fogaada (I daaya).
अरबी व्याख्याहरू:
فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنَّ هَٰٓؤُلَآءِ قَوۡمٞ مُّجۡرِمُونَ
22. Markaasuu (markay beeniyeen) u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh): Kuwakanu waa qolo denbiilayaal ah.
अरबी व्याख्याहरू:
فَأَسۡرِ بِعِبَادِي لَيۡلًا إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ
23. (Alle wuxuu yidhi), "La Guuree (Muusow) addoomahayga habeennimo. Waa la idin soo daba galiye.
अरबी व्याख्याहरू:
وَٱتۡرُكِ ٱلۡبَحۡرَ رَهۡوًاۖ إِنَّهُمۡ جُندٞ مُّغۡرَقُونَ
24. Oo dhaaf baddoo deggan [7] oo qaybsan: waa ciidan la qarqine".
[7]. Kaddib markay labo u kala dhanbalantay, si ay askarta Fircoon u soo raacaan ilmahii Israa’iil oo markaa Fircoon iyo dadkiisa loo qarqiyo.
अरबी व्याख्याहरू:
كَمۡ تَرَكُواْ مِن جَنَّٰتٖ وَعُيُونٖ
25. Intee bay ka tageen beero iyo ilo.
अरबी व्याख्याहरू:
وَزُرُوعٖ وَمَقَامٖ كَرِيمٖ
26. Iyo dalagyo iyo degaan wanaagsan.
अरबी व्याख्याहरू:
وَنَعۡمَةٖ كَانُواْ فِيهَا فَٰكِهِينَ
27. Iyo nicmooyin ay ku raaxaysanayeen.
अरबी व्याख्याहरू:
كَذَٰلِكَۖ وَأَوۡرَثۡنَٰهَا قَوۡمًا ءَاخَرِينَ
28. Waa sidaase! Waxaanu dhaxalsiinnay qolo kale (reer Israa’iil).
अरबी व्याख्याहरू:
فَمَا بَكَتۡ عَلَيۡهِمُ ٱلسَّمَآءُ وَٱلۡأَرۡضُ وَمَا كَانُواْ مُنظَرِينَ
29. Uma ay ooyin samada iyo arladu, lamana siin wax fursad (kansho) ah.
अरबी व्याख्याहरू:
وَلَقَدۡ نَجَّيۡنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ مِنَ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡمُهِينِ
30. Waxaana dhab ahaan ka badbaadinnay ilmihii Israa’iil cadaab wax dulleeya.
अरबी व्याख्याहरू:
مِن فِرۡعَوۡنَۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَالِيٗا مِّنَ ٱلۡمُسۡرِفِينَ
31. Xagga Fircoon ah; wuxuu ahaa islaweyne, ka mid ahaa xadgudbayaasha.
अरबी व्याख्याहरू:
وَلَقَدِ ٱخۡتَرۡنَٰهُمۡ عَلَىٰ عِلۡمٍ عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ
32. Waxaana ka doorannay (dadkii waqtigoodii), Annagoo ogsoon.
अरबी व्याख्याहरू:
وَءَاتَيۡنَٰهُم مِّنَ ٱلۡأٓيَٰتِ مَا فِيهِ بَلَٰٓؤٞاْ مُّبِينٌ
33. Waxaana siinnay calaamado [8] ay ku sugnaayeen imtixaan cad.
[8]. Sida in lagu hareeyey daruuraha, loo soo dejiyey Manni iyo Salwaa, biyo looga burqiyey dhagax, badda cas oo loo kala dhanbalay, iwm.
अरबी व्याख्याहरू:
إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَيَقُولُونَ
34. Kuwaasi (gaaladu) waxay yidhaahdaan:
अरबी व्याख्याहरू:
إِنۡ هِيَ إِلَّا مَوۡتَتُنَا ٱلۡأُولَىٰ وَمَا نَحۡنُ بِمُنشَرِينَ
35. Ma jirto waxaa aheyn dhimashadayada hore mana nihin kuwo dib loo soo nooleyn.
अरबी व्याख्याहरू:
فَأۡتُواْ بِـَٔابَآئِنَآ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
36. Ee (dib) u soo cesha aabbayaashayadii hore, haddaad run sheegaysaan.
अरबी व्याख्याहरू:
أَهُمۡ خَيۡرٌ أَمۡ قَوۡمُ تُبَّعٖ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ أَهۡلَكۡنَٰهُمۡۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ مُجۡرِمِينَ
37. Ma iyagaa khayr badan mise qolodii Tubbac [9] iyo kuwii ka horreeyey? Waanu hallignay, waxay ahaayeen denbiilayaal.
[9]. Waxaa loolaa jeedaa reer Ximyar ee degganaa Yaman, Tubbacna waa naynaasta boqorkooda.
अरबी व्याख्याहरू:
وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا لَٰعِبِينَ
38. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ciyaar.
अरबी व्याख्याहरू:
مَا خَلَقۡنَٰهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
39. Uma aanu abuurin waxaan Xaq aheyn, badankooduse ma oga.
अरबी व्याख्याहरू:
 
अर्थको अनुवाद सूरः: द्दुखान
अध्यायहरूको (सूरःहरूको) सूची رقم الصفحة
 
पवित्र कुरअानको अर्थको अनुवाद - सोमाली भाषामा अनुवाद : अब्दुल्लाह हसन याकूब । - अनुवादहरूको सूची

अनुवाद : अब्दुल्लाह हसन याकुब ।

बन्द गर्नुस्