Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አድ ዱኻን   አንቀጽ:
وَأَن لَّا تَعۡلُواْ عَلَى ٱللَّهِۖ إِنِّيٓ ءَاتِيكُم بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٖ
19. Ha iska sare yeelina Alle. Waxaan idiinla imid xujo cade.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنِّي عُذۡتُ بِرَبِّي وَرَبِّكُمۡ أَن تَرۡجُمُونِ
20. Waxaana ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiin inaad i dhagaxyeysaan [6].
[6]. Si aydaan dhagax iigu shiidin ilaa geeri. Ama si aydaan iigu dhaleeceyn carrabyadiinna ama si aydaan iigu dhibaateyn si kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِن لَّمۡ تُؤۡمِنُواْ لِي فَٱعۡتَزِلُونِ
21. Ee hadddaydaan i rumeyn, iga fogaada (I daaya).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنَّ هَٰٓؤُلَآءِ قَوۡمٞ مُّجۡرِمُونَ
22. Markaasuu (markay beeniyeen) u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh): Kuwakanu waa qolo denbiilayaal ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَسۡرِ بِعِبَادِي لَيۡلًا إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ
23. (Alle wuxuu yidhi), "La Guuree (Muusow) addoomahayga habeennimo. Waa la idin soo daba galiye.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱتۡرُكِ ٱلۡبَحۡرَ رَهۡوًاۖ إِنَّهُمۡ جُندٞ مُّغۡرَقُونَ
24. Oo dhaaf baddoo deggan [7] oo qaybsan: waa ciidan la qarqine".
[7]. Kaddib markay labo u kala dhanbalantay, si ay askarta Fircoon u soo raacaan ilmahii Israa’iil oo markaa Fircoon iyo dadkiisa loo qarqiyo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَمۡ تَرَكُواْ مِن جَنَّٰتٖ وَعُيُونٖ
25. Intee bay ka tageen beero iyo ilo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَزُرُوعٖ وَمَقَامٖ كَرِيمٖ
26. Iyo dalagyo iyo degaan wanaagsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَنَعۡمَةٖ كَانُواْ فِيهَا فَٰكِهِينَ
27. Iyo nicmooyin ay ku raaxaysanayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَٰلِكَۖ وَأَوۡرَثۡنَٰهَا قَوۡمًا ءَاخَرِينَ
28. Waa sidaase! Waxaanu dhaxalsiinnay qolo kale (reer Israa’iil).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَمَا بَكَتۡ عَلَيۡهِمُ ٱلسَّمَآءُ وَٱلۡأَرۡضُ وَمَا كَانُواْ مُنظَرِينَ
29. Uma ay ooyin samada iyo arladu, lamana siin wax fursad (kansho) ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ نَجَّيۡنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ مِنَ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡمُهِينِ
30. Waxaana dhab ahaan ka badbaadinnay ilmihii Israa’iil cadaab wax dulleeya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مِن فِرۡعَوۡنَۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَالِيٗا مِّنَ ٱلۡمُسۡرِفِينَ
31. Xagga Fircoon ah; wuxuu ahaa islaweyne, ka mid ahaa xadgudbayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدِ ٱخۡتَرۡنَٰهُمۡ عَلَىٰ عِلۡمٍ عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ
32. Waxaana ka doorannay (dadkii waqtigoodii), Annagoo ogsoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَءَاتَيۡنَٰهُم مِّنَ ٱلۡأٓيَٰتِ مَا فِيهِ بَلَٰٓؤٞاْ مُّبِينٌ
33. Waxaana siinnay calaamado [8] ay ku sugnaayeen imtixaan cad.
[8]. Sida in lagu hareeyey daruuraha, loo soo dejiyey Manni iyo Salwaa, biyo looga burqiyey dhagax, badda cas oo loo kala dhanbalay, iwm.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَيَقُولُونَ
34. Kuwaasi (gaaladu) waxay yidhaahdaan:
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنۡ هِيَ إِلَّا مَوۡتَتُنَا ٱلۡأُولَىٰ وَمَا نَحۡنُ بِمُنشَرِينَ
35. Ma jirto waxaa aheyn dhimashadayada hore mana nihin kuwo dib loo soo nooleyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأۡتُواْ بِـَٔابَآئِنَآ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
36. Ee (dib) u soo cesha aabbayaashayadii hore, haddaad run sheegaysaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَهُمۡ خَيۡرٌ أَمۡ قَوۡمُ تُبَّعٖ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ أَهۡلَكۡنَٰهُمۡۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ مُجۡرِمِينَ
37. Ma iyagaa khayr badan mise qolodii Tubbac [9] iyo kuwii ka horreeyey? Waanu hallignay, waxay ahaayeen denbiilayaal.
[9]. Waxaa loolaa jeedaa reer Ximyar ee degganaa Yaman, Tubbacna waa naynaasta boqorkooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا لَٰعِبِينَ
38. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ciyaar.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا خَلَقۡنَٰهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
39. Uma aanu abuurin waxaan Xaq aheyn, badankooduse ma oga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አድ ዱኻን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት