Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: അഅ്റാഫ്   ആയത്ത്:
قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
121. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu rumeynay Rabbiga caalamka.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
رَبِّ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ
122. Rabbiga Muuse iyo Haaruun.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قَالَ فِرۡعَوۡنُ ءَامَنتُم بِهِۦ قَبۡلَ أَنۡ ءَاذَنَ لَكُمۡۖ إِنَّ هَٰذَا لَمَكۡرٞ مَّكَرۡتُمُوهُ فِي ٱلۡمَدِينَةِ لِتُخۡرِجُواْ مِنۡهَآ أَهۡلَهَاۖ فَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ
123. Fircoon wuxuu yidhi: Ma waxaad rumeyseen ka hor intaan idiin idmin? Arrinkani waa tab aad ku soo degteen si qarsoodi ah magaalada si aad uga saartaan dadkeeda, waadse ogaan doontaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
لَأُقَطِّعَنَّ أَيۡدِيَكُمۡ وَأَرۡجُلَكُم مِّنۡ خِلَٰفٖ ثُمَّ لَأُصَلِّبَنَّكُمۡ أَجۡمَعِينَ
124. Waxaan u goyn gacmahiinna iyo lugahiinna is dhaaf, waana idin wada dal-dali dhammaantiin.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قَالُوٓاْ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا مُنقَلِبُونَ
125. Waxay yidhaahdeen: Waxaan innagu u noqon xagga (Alle) Rabbigayo.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَمَا تَنقِمُ مِنَّآ إِلَّآ أَنۡ ءَامَنَّا بِـَٔايَٰتِ رَبِّنَا لَمَّا جَآءَتۡنَاۚ رَبَّنَآ أَفۡرِغۡ عَلَيۡنَا صَبۡرٗا وَتَوَفَّنَا مُسۡلِمِينَ
126. Ma jiro waxaad nagu naceyso aan ahayn inaan rumeynay Calaamooyinka Rabbigayo markay noo yimaadeen! Rabbigayow! Nagu shub samir oo na oofso innagoo kuu hoggaansan Muslimiin ah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَقَالَ ٱلۡمَلَأُ مِن قَوۡمِ فِرۡعَوۡنَ أَتَذَرُ مُوسَىٰ وَقَوۡمَهُۥ لِيُفۡسِدُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَيَذَرَكَ وَءَالِهَتَكَۚ قَالَ سَنُقَتِّلُ أَبۡنَآءَهُمۡ وَنَسۡتَحۡيِۦ نِسَآءَهُمۡ وَإِنَّا فَوۡقَهُمۡ قَٰهِرُونَ
127. Xildhibaannadii ka mid ahaa qolodii Fircoon waxay yidhaahdeen: Ma waxaad u deynaysaa Muuse iyo qolodiisa inay fasahaadiyaan arlada, oo ka tagaan adiga iyo ilaahyadaadaba? (Fircoon) wuxuu yidhi: Waxaan dili wiilashooda, oo deysan haweenkooda (si ay noogu adeegaan oo u addoonsanno), waxaanu nahay kuwa ka sarreeya oo maquuniya.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قَالَ مُوسَىٰ لِقَوۡمِهِ ٱسۡتَعِينُواْ بِٱللَّهِ وَٱصۡبِرُوٓاْۖ إِنَّ ٱلۡأَرۡضَ لِلَّهِ يُورِثُهَا مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦۖ وَٱلۡعَٰقِبَةُ لِلۡمُتَّقِينَ
128. Muuse wuxuu ku yidhi qolodiisii: Ka barya kaalmo Alle oo samra, arlada waxaa iska leh Alle, Wuxuu dhaxalsiiyaa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa, cidhibta (sanna) waxaa iska leh kuwa iska jira (xumaha oo ku dhaqma diinta Alle).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قَالُوٓاْ أُوذِينَا مِن قَبۡلِ أَن تَأۡتِيَنَا وَمِنۢ بَعۡدِ مَا جِئۡتَنَاۚ قَالَ عَسَىٰ رَبُّكُمۡ أَن يُهۡلِكَ عَدُوَّكُمۡ وَيَسۡتَخۡلِفَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرَ كَيۡفَ تَعۡمَلُونَ
129. Waxay yidhaahdeen: Waxaa na soo gaaray dhibaatooyin ka hor intaad noo imaan iyo kaddib intaad noo timidba. Wuxuu yidhi: Waa intaasoo uu Rabbigiin halligo cadowgiinna oo idiinka yeelo madax arlada, markaas wuxuu eegi sida aad u dhaqantaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَلَقَدۡ أَخَذۡنَآ ءَالَ فِرۡعَوۡنَ بِٱلسِّنِينَ وَنَقۡصٖ مِّنَ ٱلثَّمَرَٰتِ لَعَلَّهُمۡ يَذَّكَّرُونَ
130. Waxaana ku qabannay reer Fircoon abaaro iyo mirahoo ka yaraada bal inay waansamaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: അഅ്റാഫ്
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക