Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: അഅ്റാഫ്   ആയത്ത്:

Al-acraaf

الٓمٓصٓ
1. Alif Laam Miim Saad [1].
[1]. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
كِتَٰبٌ أُنزِلَ إِلَيۡكَ فَلَا يَكُن فِي صَدۡرِكَ حَرَجٞ مِّنۡهُ لِتُنذِرَ بِهِۦ وَذِكۡرَىٰ لِلۡمُؤۡمِنِينَ
2. (Kani Qur’aanku) waa Kitaab lagugu soo dejiyey (Nabiyow), ee yeysan ahaan laabtaadu wax dhib (cidhiidhi) ah xaggiisa, inaad ugu digto (dadka), waana u waano mu’miniinta.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ٱتَّبِعُواْ مَآ أُنزِلَ إِلَيۡكُم مِّن رَّبِّكُمۡ وَلَا تَتَّبِعُواْ مِن دُونِهِۦٓ أَوۡلِيَآءَۗ قَلِيلٗا مَّا تَذَكَّرُونَ
3. Raaca 'Qur’aanka' la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin, hana raacina sokadii awliyo (aad la barbar caabuddaan Alle oo u yeedhataan).Yaraa intaad waantowdaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَكَم مِّن قَرۡيَةٍ أَهۡلَكۡنَٰهَا فَجَآءَهَا بَأۡسُنَا بَيَٰتًا أَوۡ هُمۡ قَآئِلُونَ
4. Badanaa intaan magaalo hallignay (denbiyadoodii darteed) oo Cuquubadaya- da ay u timid habeennimo ama iyagoo hurda goor barqo ah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَمَا كَانَ دَعۡوَىٰهُمۡ إِذۡ جَآءَهُم بَأۡسُنَآ إِلَّآ أَن قَالُوٓاْ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
5. Calaacalkoodu markuu u yimid Ciqaabkayaga ma ahayn waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Waxaanu ahayn daalimiin (gar diid).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَلَنَسۡـَٔلَنَّ ٱلَّذِينَ أُرۡسِلَ إِلَيۡهِمۡ وَلَنَسۡـَٔلَنَّ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
6. Waxaanu weydiin kuwa loo soo diray (Rususha waxay ku Jawaabeen) waxaanuna sidoo kale weydiin Rususha (inay gaadhsiiyeen Farriimahii Alle dadka).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَلَنَقُصَّنَّ عَلَيۡهِم بِعِلۡمٖۖ وَمَا كُنَّا غَآئِبِينَ
7. Waxaanu hubaal ugu aqoon warrami (camalladoodii oo dhan), mana aanaan ahayn (marnaba) kuwo maqan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَٱلۡوَزۡنُ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡحَقُّۚ فَمَن ثَقُلَتۡ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ
8. Miisaanku Maalintaasi (Qiyaamada) waa Xaq. kuwa uu ahaado miisankooda (camallada wanaagsan) culeys, waa kuwaasi kuwa liibaani.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَمَنۡ خَفَّتۡ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُم بِمَا كَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا يَظۡلِمُونَ
9. Kuwa se uu ahaado miisaankooda (camallada wanaagsan) fudeyd, waa kuwaasi kuwa khasaariyey nafahooda dulmigay ku falayeen Aayadahayaga dartiis.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَلَقَدۡ مَكَّنَّٰكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَجَعَلۡنَا لَكُمۡ فِيهَا مَعَٰيِشَۗ قَلِيلٗا مَّا تَشۡكُرُونَ
10. Waxaan idinku awood siinnay dhulka, waxaana idiinku dhex yeelnay asbaab noolaansho.Yaraa intaad mahdisaan (Alle).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَٰكُمۡ ثُمَّ صَوَّرۡنَٰكُمۡ ثُمَّ قُلۡنَا لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ ٱسۡجُدُواْ لِأٓدَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآ إِبۡلِيسَ لَمۡ يَكُن مِّنَ ٱلسَّٰجِدِينَ
11. Dhabtii waan idin abuurnay, oo idin suuraynay, markaasaan ku nidhi Malaa’igta u sujuuda Aadam. Markaasay sujuudeen Ibliis mooyee, kama uu mid ahayn kuwa sujuuday (xasad iyo kibir darti).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: അഅ്റാഫ്
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക