Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: മുൽക്   ആയത്ത്:

Al-mulk

تَبَٰرَكَ ٱلَّذِي بِيَدِهِ ٱلۡمُلۡكُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ
1. Waxaa khayr iyo barako badan (Alle) ay Gacantiisu ku jirto Mulkiga (iyo Maamulka uunka oo dhan), Isagaana wax walba Kara.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلۡمَوۡتَ وَٱلۡحَيَوٰةَ لِيَبۡلُوَكُمۡ أَيُّكُمۡ أَحۡسَنُ عَمَلٗاۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡغَفُورُ
2. Ee ah Kan abuuray geeri iyo nololba, si uu idiin imtixaano kiinna idiinku camal wanaagsan. Waana Adkaadaha sare, Denbi Dhaafka Badan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ٱلَّذِي خَلَقَ سَبۡعَ سَمَٰوَٰتٖ طِبَاقٗاۖ مَّا تَرَىٰ فِي خَلۡقِ ٱلرَّحۡمَٰنِ مِن تَفَٰوُتٖۖ فَٱرۡجِعِ ٱلۡبَصَرَ هَلۡ تَرَىٰ مِن فُطُورٖ
3. Kan abuuray toddobo samooyin dabaqyo ah kala korreeya, ku arki meysid wax isdhaafsanaan ah abuurka Raxmaanka. Ee ku celi araggee: Miyaad ku aragtaa wax dillaac ah iyo duleello.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ثُمَّ ٱرۡجِعِ ٱلۡبَصَرَ كَرَّتَيۡنِ يَنقَلِبۡ إِلَيۡكَ ٱلۡبَصَرُ خَاسِئٗا وَهُوَ حَسِيرٞ
4. Misna ku celi aragga mar labaad, araggaagu adiga buu kugu soo noqon isagoo dulleysan oo daallan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَلَقَدۡ زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِمَصَٰبِيحَ وَجَعَلۡنَٰهَا رُجُومٗا لِّلشَّيَٰطِينِۖ وَأَعۡتَدۡنَا لَهُمۡ عَذَابَ ٱلسَّعِيرِ
5. Waxaan dhab ahaan ku qurxinnay samada dhow nalal (xiddigo), Waxaana ka yeellay (xiddigahaa) gantaallo lagu gano shayaadiinta [1], waxaanuna u diyaarinnay cadaab Naar hureysa ah.
[1]. Xiddigahaa waa qurux iyo ilaalo.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَلِلَّذِينَ كَفَرُواْ بِرَبِّهِمۡ عَذَابُ جَهَنَّمَۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ
6. Kuwa ku gaalooba Rabbigood waxay leeyihiin cadaab jahannamo, oo u xun aayotiin iyo meel la ahaado.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِذَآ أُلۡقُواْ فِيهَا سَمِعُواْ لَهَا شَهِيقٗا وَهِيَ تَفُورُ
7. Marka (gaalada) lagu tuuro Naarta, waxay ka maqli cartan daran iyadoo karaysa.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
تَكَادُ تَمَيَّزُ مِنَ ٱلۡغَيۡظِۖ كُلَّمَآ أُلۡقِيَ فِيهَا فَوۡجٞ سَأَلَهُمۡ خَزَنَتُهَآ أَلَمۡ يَأۡتِكُمۡ نَذِيرٞ
8. Waxay ku sigan inay la kala dillaacdo cadho. Mar kastoo guuto lagu tuuro, wuxuu waardiyaheeda weydiin: Miyuusan idiin imaan dige (Rasuul Alle)?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قَالُواْ بَلَىٰ قَدۡ جَآءَنَا نَذِيرٞ فَكَذَّبۡنَا وَقُلۡنَا مَا نَزَّلَ ٱللَّهُ مِن شَيۡءٍ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا فِي ضَلَٰلٖ كَبِيرٖ
9. Waxay odhan: Haayoo waa noo yimid dige, waanse beeninnay oo nidhi: Alle ma soo dejin wax (Waxyi ah), waxaad uun idinku ku sugan tihiin habow weyn.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَقَالُواْ لَوۡ كُنَّا نَسۡمَعُ أَوۡ نَعۡقِلُ مَا كُنَّا فِيٓ أَصۡحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ
10. Waxay odhan: Haddaan wax maqli laheyn ama garowsan laheyn, kama aanu mid ahaaneyn ehlu Naarka.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَٱعۡتَرَفُواْ بِذَنۢبِهِمۡ فَسُحۡقٗا لِّأَصۡحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ
11. Marka waxay qiran denbigooda, ee ha fogaadeen [2] qolada Naarta Hureysa.
[2]. Iyagoo laga fogeeyey wax khayr ah oo dhan ama wax Naxariis Alle ah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَخۡشَوۡنَ رَبَّهُم بِٱلۡغَيۡبِ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَأَجۡرٞ كَبِيرٞ
12. Hubaal, kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba) waxay leeyihiin Denbi Dhaaf iyo Ajar Weyn (Janno).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: മുൽക്
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക