Check out the new design

Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Loowdi firooji ɗi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore.: Simoore laamu (al-mulku)   Aaya.:

Al-mulk

تَبَٰرَكَ ٱلَّذِي بِيَدِهِ ٱلۡمُلۡكُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ
1. Waxaa khayr iyo barako badan (Alle) ay Gacantiisu ku jirto Mulkiga (iyo Maamulka uunka oo dhan), Isagaana wax walba Kara.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلۡمَوۡتَ وَٱلۡحَيَوٰةَ لِيَبۡلُوَكُمۡ أَيُّكُمۡ أَحۡسَنُ عَمَلٗاۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡغَفُورُ
2. Ee ah Kan abuuray geeri iyo nololba, si uu idiin imtixaano kiinna idiinku camal wanaagsan. Waana Adkaadaha sare, Denbi Dhaafka Badan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
ٱلَّذِي خَلَقَ سَبۡعَ سَمَٰوَٰتٖ طِبَاقٗاۖ مَّا تَرَىٰ فِي خَلۡقِ ٱلرَّحۡمَٰنِ مِن تَفَٰوُتٖۖ فَٱرۡجِعِ ٱلۡبَصَرَ هَلۡ تَرَىٰ مِن فُطُورٖ
3. Kan abuuray toddobo samooyin dabaqyo ah kala korreeya, ku arki meysid wax isdhaafsanaan ah abuurka Raxmaanka. Ee ku celi araggee: Miyaad ku aragtaa wax dillaac ah iyo duleello.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
ثُمَّ ٱرۡجِعِ ٱلۡبَصَرَ كَرَّتَيۡنِ يَنقَلِبۡ إِلَيۡكَ ٱلۡبَصَرُ خَاسِئٗا وَهُوَ حَسِيرٞ
4. Misna ku celi aragga mar labaad, araggaagu adiga buu kugu soo noqon isagoo dulleysan oo daallan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَلَقَدۡ زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِمَصَٰبِيحَ وَجَعَلۡنَٰهَا رُجُومٗا لِّلشَّيَٰطِينِۖ وَأَعۡتَدۡنَا لَهُمۡ عَذَابَ ٱلسَّعِيرِ
5. Waxaan dhab ahaan ku qurxinnay samada dhow nalal (xiddigo), Waxaana ka yeellay (xiddigahaa) gantaallo lagu gano shayaadiinta [1], waxaanuna u diyaarinnay cadaab Naar hureysa ah.
[1]. Xiddigahaa waa qurux iyo ilaalo.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَلِلَّذِينَ كَفَرُواْ بِرَبِّهِمۡ عَذَابُ جَهَنَّمَۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ
6. Kuwa ku gaalooba Rabbigood waxay leeyihiin cadaab jahannamo, oo u xun aayotiin iyo meel la ahaado.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
إِذَآ أُلۡقُواْ فِيهَا سَمِعُواْ لَهَا شَهِيقٗا وَهِيَ تَفُورُ
7. Marka (gaalada) lagu tuuro Naarta, waxay ka maqli cartan daran iyadoo karaysa.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
تَكَادُ تَمَيَّزُ مِنَ ٱلۡغَيۡظِۖ كُلَّمَآ أُلۡقِيَ فِيهَا فَوۡجٞ سَأَلَهُمۡ خَزَنَتُهَآ أَلَمۡ يَأۡتِكُمۡ نَذِيرٞ
8. Waxay ku sigan inay la kala dillaacdo cadho. Mar kastoo guuto lagu tuuro, wuxuu waardiyaheeda weydiin: Miyuusan idiin imaan dige (Rasuul Alle)?
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
قَالُواْ بَلَىٰ قَدۡ جَآءَنَا نَذِيرٞ فَكَذَّبۡنَا وَقُلۡنَا مَا نَزَّلَ ٱللَّهُ مِن شَيۡءٍ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا فِي ضَلَٰلٖ كَبِيرٖ
9. Waxay odhan: Haayoo waa noo yimid dige, waanse beeninnay oo nidhi: Alle ma soo dejin wax (Waxyi ah), waxaad uun idinku ku sugan tihiin habow weyn.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَقَالُواْ لَوۡ كُنَّا نَسۡمَعُ أَوۡ نَعۡقِلُ مَا كُنَّا فِيٓ أَصۡحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ
10. Waxay odhan: Haddaan wax maqli laheyn ama garowsan laheyn, kama aanu mid ahaaneyn ehlu Naarka.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَٱعۡتَرَفُواْ بِذَنۢبِهِمۡ فَسُحۡقٗا لِّأَصۡحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ
11. Marka waxay qiran denbigooda, ee ha fogaadeen [2] qolada Naarta Hureysa.
[2]. Iyagoo laga fogeeyey wax khayr ah oo dhan ama wax Naxariis Alle ah.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَخۡشَوۡنَ رَبَّهُم بِٱلۡغَيۡبِ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَأَجۡرٞ كَبِيرٞ
12. Hubaal, kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba) waxay leeyihiin Denbi Dhaaf iyo Ajar Weyn (Janno).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
 
Firo maanaaji Simoore.: Simoore laamu (al-mulku)
Loowdi cimooje ɗe Tonngoode hello ngon
 
Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Loowdi firooji ɗi

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddu