Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: ദ്ദുഖാൻ   ആയത്ത്:

Ad-dukhaan

حمٓ
1. Xaa Mim [1].
[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ
2. Waxaan (Aniga Alle ah) ku dhaartay kitaabka (Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنَّآ أَنزَلۡنَٰهُ فِي لَيۡلَةٖ مُّبَٰرَكَةٍۚ إِنَّا كُنَّا مُنذِرِينَ
3. Xaqiiq, waxaanu soo dejinnay (Qur’aanka) habeen barakaysan [2]. Waxaanu nahay kuwa diga.
[2]. Waa Laylatul Qaddarka ee loo soo waxyooday Nabiga s.c.w. Qur’aanka.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فِيهَا يُفۡرَقُ كُلُّ أَمۡرٍ حَكِيمٍ
4. Habeenkaas (Laylatul Qaddarka) baa la gooyaa arrin kasta oo xigmo leh.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَمۡرٗا مِّنۡ عِندِنَآۚ إِنَّا كُنَّا مُرۡسِلِينَ
5. Amar ka yimid Xaggayaga. Hubaal waxaanu nahay kuwa soo dira (Rusul),
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
رَحۡمَةٗ مِّن رَّبِّكَۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
6. Naxariis ka ahaatay xagga Rabbigaa (Alle). Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
رَبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَآۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ
7. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddaad yaqiinsaneysaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۖ رَبُّكُمۡ وَرَبُّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ
8. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga aheyn, Waa isaga Kan bixiya nolol, oo sababa dhimasho, waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
بَلۡ هُمۡ فِي شَكّٖ يَلۡعَبُونَ
9. Waxayse ku sugan yihiin shaki, iyagoo iska cayaari.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَٱرۡتَقِبۡ يَوۡمَ تَأۡتِي ٱلسَّمَآءُ بِدُخَانٖ مُّبِينٖ
10. Ee sug Maalinta ay samadu keeni qiiq muuqda.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
يَغۡشَى ٱلنَّاسَۖ هَٰذَا عَذَابٌ أَلِيمٞ
11. kaasoo dabooli dadka, kani waa cadaab xanuun badan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
رَّبَّنَا ٱكۡشِفۡ عَنَّا ٱلۡعَذَابَ إِنَّا مُؤۡمِنُونَ
12. (Waxay odhan), "Rabbigayow! Naga feyd cadaabka [3], waan rumeynaye".
[3]. Waxaa loola jeedaa abaartii iyo habaaskii iyo gaajadii lagu salladay kufaaru Quraysh beenintooda Nabiga s.c.w. awgeed.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَنَّىٰ لَهُمُ ٱلذِّكۡرَىٰ وَقَدۡ جَآءَهُمۡ رَسُولٞ مُّبِينٞ
13. Goormay waantoobi, waxaana u yimid Rasuul iska cad (Nabi Muxammad).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ثُمَّ تَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ وَقَالُواْ مُعَلَّمٞ مَّجۡنُونٌ
14. Markaasay ka jeesteen oo yidhaahdeen: waa mid si fiican wax la soo baray, Jinnoole ah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنَّا كَاشِفُواْ ٱلۡعَذَابِ قَلِيلًاۚ إِنَّكُمۡ عَآئِدُونَ
15.Waxaan idinka feydi cadaabka wax yar. Waxaadse ku noqoneysaan (gaalnimo).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
يَوۡمَ نَبۡطِشُ ٱلۡبَطۡشَةَ ٱلۡكُبۡرَىٰٓ إِنَّا مُنتَقِمُونَ
16. Maalintaan qabaneyno qabashada weyn [4]. Hubaal waanu aarsan.
[4]. Qabashadii weyneyd waxay dhacday dagaalkii Badar markii la jabiyey gaaladii oo badi madaxdoodii lagu dilay dagaalkaasi, qaar kalena la soo qafaashay.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
۞ وَلَقَدۡ فَتَنَّا قَبۡلَهُمۡ قَوۡمَ فِرۡعَوۡنَ وَجَآءَهُمۡ رَسُولٞ كَرِيمٌ
17. Waxaanu dhab ahaan imtixaannay hortood qolodii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh (Nabi Muuse).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَنۡ أَدُّوٓاْ إِلَيَّ عِبَادَ ٱللَّهِۖ إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
18. 'Isagoo leh': Ii dhiiba adoommaha Alle [5]. Waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.
[5]. Reer Israa’iil.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: ദ്ദുഖാൻ
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക