Check out the new design

Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Loowdi firooji ɗi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore.: Simoore Cuurki   Aaya.:

Ad-dukhaan

حمٓ
1. Xaa Mim [1].
[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ
2. Waxaan (Aniga Alle ah) ku dhaartay kitaabka (Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
إِنَّآ أَنزَلۡنَٰهُ فِي لَيۡلَةٖ مُّبَٰرَكَةٍۚ إِنَّا كُنَّا مُنذِرِينَ
3. Xaqiiq, waxaanu soo dejinnay (Qur’aanka) habeen barakaysan [2]. Waxaanu nahay kuwa diga.
[2]. Waa Laylatul Qaddarka ee loo soo waxyooday Nabiga s.c.w. Qur’aanka.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فِيهَا يُفۡرَقُ كُلُّ أَمۡرٍ حَكِيمٍ
4. Habeenkaas (Laylatul Qaddarka) baa la gooyaa arrin kasta oo xigmo leh.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
أَمۡرٗا مِّنۡ عِندِنَآۚ إِنَّا كُنَّا مُرۡسِلِينَ
5. Amar ka yimid Xaggayaga. Hubaal waxaanu nahay kuwa soo dira (Rusul),
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
رَحۡمَةٗ مِّن رَّبِّكَۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
6. Naxariis ka ahaatay xagga Rabbigaa (Alle). Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
رَبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَآۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ
7. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddaad yaqiinsaneysaan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۖ رَبُّكُمۡ وَرَبُّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ
8. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga aheyn, Waa isaga Kan bixiya nolol, oo sababa dhimasho, waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
بَلۡ هُمۡ فِي شَكّٖ يَلۡعَبُونَ
9. Waxayse ku sugan yihiin shaki, iyagoo iska cayaari.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَٱرۡتَقِبۡ يَوۡمَ تَأۡتِي ٱلسَّمَآءُ بِدُخَانٖ مُّبِينٖ
10. Ee sug Maalinta ay samadu keeni qiiq muuqda.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
يَغۡشَى ٱلنَّاسَۖ هَٰذَا عَذَابٌ أَلِيمٞ
11. kaasoo dabooli dadka, kani waa cadaab xanuun badan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
رَّبَّنَا ٱكۡشِفۡ عَنَّا ٱلۡعَذَابَ إِنَّا مُؤۡمِنُونَ
12. (Waxay odhan), "Rabbigayow! Naga feyd cadaabka [3], waan rumeynaye".
[3]. Waxaa loola jeedaa abaartii iyo habaaskii iyo gaajadii lagu salladay kufaaru Quraysh beenintooda Nabiga s.c.w. awgeed.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
أَنَّىٰ لَهُمُ ٱلذِّكۡرَىٰ وَقَدۡ جَآءَهُمۡ رَسُولٞ مُّبِينٞ
13. Goormay waantoobi, waxaana u yimid Rasuul iska cad (Nabi Muxammad).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
ثُمَّ تَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ وَقَالُواْ مُعَلَّمٞ مَّجۡنُونٌ
14. Markaasay ka jeesteen oo yidhaahdeen: waa mid si fiican wax la soo baray, Jinnoole ah.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
إِنَّا كَاشِفُواْ ٱلۡعَذَابِ قَلِيلًاۚ إِنَّكُمۡ عَآئِدُونَ
15.Waxaan idinka feydi cadaabka wax yar. Waxaadse ku noqoneysaan (gaalnimo).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
يَوۡمَ نَبۡطِشُ ٱلۡبَطۡشَةَ ٱلۡكُبۡرَىٰٓ إِنَّا مُنتَقِمُونَ
16. Maalintaan qabaneyno qabashada weyn [4]. Hubaal waanu aarsan.
[4]. Qabashadii weyneyd waxay dhacday dagaalkii Badar markii la jabiyey gaaladii oo badi madaxdoodii lagu dilay dagaalkaasi, qaar kalena la soo qafaashay.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
۞ وَلَقَدۡ فَتَنَّا قَبۡلَهُمۡ قَوۡمَ فِرۡعَوۡنَ وَجَآءَهُمۡ رَسُولٞ كَرِيمٌ
17. Waxaanu dhab ahaan imtixaannay hortood qolodii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh (Nabi Muuse).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
أَنۡ أَدُّوٓاْ إِلَيَّ عِبَادَ ٱللَّهِۖ إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
18. 'Isagoo leh': Ii dhiiba adoommaha Alle [5]. Waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.
[5]. Reer Israa’iil.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
 
Firo maanaaji Simoore.: Simoore Cuurki
Loowdi cimooje ɗe Tonngoode hello ngon
 
Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Loowdi firooji ɗi

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddu