Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: മുഅ്മിനൂൻ   ആയത്ത്:
وَٱلَّذِينَ يُؤۡتُونَ مَآ ءَاتَواْ وَّقُلُوبُهُمۡ وَجِلَةٌ أَنَّهُمۡ إِلَىٰ رَبِّهِمۡ رَٰجِعُونَ
60. Ah kuwa bixiya waxay bixiyaan (oo sadaqo ah ama fala camallo wanaagsan), iyagoo qalbiyadoodu baqo ka qabto [10] 'inaan laga aqbalin, oo yaqiinsan' inay Rabbigood u soo noqon.
[10]. Waxaa la weydiiyey Nabiga s.c.w. in kuwaa ka baqa taasi ay yihiin kuwa wax xada ama zinaysta ama khamri cabba. Wuxuu yidhi: Ma aha kuwaasi, ee waa kuwa tukada salaadda, sooma oo wax sadaqeysta, haddana ka baqa in aan laga aqbalin.”
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أُوْلَٰٓئِكَ يُسَٰرِعُونَ فِي ٱلۡخَيۡرَٰتِ وَهُمۡ لَهَا سَٰبِقُونَ
61. Kuwaasaa u degdega khayraadka, una dheereeya.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَلَا نُكَلِّفُ نَفۡسًا إِلَّا وُسۡعَهَاۚ وَلَدَيۡنَا كِتَٰبٞ يَنطِقُ بِٱلۡحَقِّ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ
62. Ma saarno nafna culeys aan aheyn karaankeeda, Waxaana agtannada ah Kitaab ku hadla xaq iyagoon la dulmineyn.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
بَلۡ قُلُوبُهُمۡ فِي غَمۡرَةٖ مِّنۡ هَٰذَا وَلَهُمۡ أَعۡمَٰلٞ مِّن دُونِ ذَٰلِكَ هُمۡ لَهَا عَٰمِلُونَ
63. Waxayse quluubtooda kaga jiraan jahli daran kan (Qur’aankani), waxayna leeyihiin acmaal (kale oo xun) oo kuwan u wehliya oo ay falaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
حَتَّىٰٓ إِذَآ أَخَذۡنَا مُتۡرَفِيهِم بِٱلۡعَذَابِ إِذَا هُمۡ يَجۡـَٔرُونَ
64. Jeer markaan ku qabbanno kuwooda ladan ee ka mid ah cadaab [11], markaasay calaacalaan.
[11]. Waa ciqaabka Quraysh lagu ciqaabay abaarta iyo gaajada. Waxaa sidoo kale jab iyo hoog ku soo gaaray dagaalkii Badar, iyagoo badi madaxdoodii lagu dilay Badar, qaarna lagu soo qafaashay.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
لَا تَجۡـَٔرُواْ ٱلۡيَوۡمَۖ إِنَّكُم مِّنَّا لَا تُنصَرُونَ
65. Ha calaacalina maanta! Hubaal idinku xaggayaga laydiin kama gargaaro’e.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قَدۡ كَانَتۡ ءَايَٰتِي تُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ فَكُنتُمۡ عَلَىٰٓ أَعۡقَٰبِكُمۡ تَنكِصُونَ
66. Aayadahaygii baa la idiin akhrinayey, waxaadse ahaydeen kuwo dib ugu gurta cirbihiinna (oo Xaq iyo Nabad diid ah).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
مُسۡتَكۡبِرِينَ بِهِۦ سَٰمِرٗا تَهۡجُرُونَ
67. Idinkoo isku kibrin (inaad tihiin ehlu Xaramka - Kacbada), ku caweeya habeenka hadal xun aad ka sheegtaan [12].
[12]. Qur’aanka ama waxaa loola jeedaa Nabiga s.c.w.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَفَلَمۡ يَدَّبَّرُواْ ٱلۡقَوۡلَ أَمۡ جَآءَهُم مَّا لَمۡ يَأۡتِ ءَابَآءَهُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ
68. Miyaanay (gaalada) u fiirsan Qowlka (Qur’aanka), mise waxaa u yimid waxaan u iman aabbayaashoodii hore?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَمۡ لَمۡ يَعۡرِفُواْ رَسُولَهُمۡ فَهُمۡ لَهُۥ مُنكِرُونَ
69. Mise waxaanay garan Rasuulkooda (Muxammad) sidaas darteed diidaan?.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَمۡ يَقُولُونَ بِهِۦ جِنَّةُۢۚ بَلۡ جَآءَهُم بِٱلۡحَقِّ وَأَكۡثَرُهُمۡ لِلۡحَقِّ كَٰرِهُونَ
70. Mise waxay leeyihiin: “jin baa ku jira?” mayee, wuxuu u keenay Xaq (Qur’aanka), badankooduse Xaqa bay neceb yihiin [13].
[13]. Towxiidka, halkii ay fahmi lahaayeen ama garowsan lahaayeen.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَلَوِ ٱتَّبَعَ ٱلۡحَقُّ أَهۡوَآءَهُمۡ لَفَسَدَتِ ٱلسَّمَٰوَٰتُ وَٱلۡأَرۡضُ وَمَن فِيهِنَّۚ بَلۡ أَتَيۡنَٰهُم بِذِكۡرِهِمۡ فَهُمۡ عَن ذِكۡرِهِم مُّعۡرِضُونَ
71. Hadduu Xaqu raaci lahaa hawadooda, waxaa fasaadi lahaa samooyinka iyo arlada iyo waxa ku sugan. Waxaanse u keennay xuskooda (Qur'aankan), ha yeeshee xuskooda way ka sii jeestaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَمۡ تَسۡـَٔلُهُمۡ خَرۡجٗا فَخَرَاجُ رَبِّكَ خَيۡرٞۖ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلرَّٰزِقِينَ
72. Mise waxaad adigu weydiisataa kharaj (ujuuro)? Kharajka Rabbigaa baa se kheyr badan, waana Isaga Kan u wanaagsan inta risiq bixisa.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَإِنَّكَ لَتَدۡعُوهُمۡ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
73. Waxaadna adigu (Nabiyow) ugu yeedhaa Jid Toosan (Islaamka).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَإِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ عَنِ ٱلصِّرَٰطِ لَنَٰكِبُونَ
74. Kuwa aan rumeysneyn Aakhirona Jidka (Toosan) way ka iishaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: മുഅ്മിനൂൻ
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക