Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: മുഅ്മിനൂൻ   ആയത്ത്:

A-lmu'minuun

قَدۡ أَفۡلَحَ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ
1.Waxaa dhab ahaan liibaanay mu’miniinta.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي صَلَاتِهِمۡ خَٰشِعُونَ
2. Kuwa iyagu salaaddooda ku khushuuca.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَنِ ٱللَّغۡوِ مُعۡرِضُونَ
3. Ee ah kuwa ka dhowrsada oo jeesada hadalka kiisa xun.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِلزَّكَوٰةِ فَٰعِلُونَ
4. Ee ah kuwa fala zakada (bixiya).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِفُرُوجِهِمۡ حَٰفِظُونَ
5. Ee ah kuwa ilaaliya xubnahooda hoose ee gaarka ah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِلَّا عَلَىٰٓ أَزۡوَٰجِهِمۡ أَوۡ مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُمۡ فَإِنَّهُمۡ غَيۡرُ مَلُومِينَ
6. Xaasaskooda ama kuwa ay gacmahoo- du midig hantaan mooyee [1], xaqiiq laguma eedo taasi;
[1]. Ma aha addoon ama addoonad mid aan lagu soo qafaalan dagaal lala galay gaalada.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَمَنِ ٱبۡتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡعَادُونَ
7. Qofkii se doona wax intaas dhaafsiisan, waa kuwaa xad gudbayaasha.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِأَمَٰنَٰتِهِمۡ وَعَهۡدِهِمۡ رَٰعُونَ
8. Ee ah kuwa ammaanooyinkooda iyo ballankooda dhowra.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَلَىٰ صَلَوَٰتِهِمۡ يُحَافِظُونَ
9. Ee ah kuwa xafida salaadahooda.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡوَٰرِثُونَ
10. Waa kuwaa dhaxlayaasha.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ٱلَّذِينَ يَرِثُونَ ٱلۡفِرۡدَوۡسَ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
11. Kuwa dhaxli Al-Firdaws [2] way ku dhex waadhi weligood.
[2]. Al-Firdaws waa qaybta ugu heer sarreysa Jannada.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِن سُلَٰلَةٖ مِّن طِينٖ
12. Waxaan dhab ahaan ka abuurnay Aadmiga wax laga soo soocay dhoobo.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ثُمَّ جَعَلۡنَٰهُ نُطۡفَةٗ فِي قَرَارٖ مَّكِينٖ
13. Dabeeto ka yeellay (ka abuurnaa ilmaha Aadam) dhibic mani ah ku sugnaata gunta meel aamin ah (riximka).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ثُمَّ خَلَقۡنَا ٱلنُّطۡفَةَ عَلَقَةٗ فَخَلَقۡنَا ٱلۡعَلَقَةَ مُضۡغَةٗ فَخَلَقۡنَا ٱلۡمُضۡغَةَ عِظَٰمٗا فَكَسَوۡنَا ٱلۡعِظَٰمَ لَحۡمٗا ثُمَّ أَنشَأۡنَٰهُ خَلۡقًا ءَاخَرَۚ فَتَبَارَكَ ٱللَّهُ أَحۡسَنُ ٱلۡخَٰلِقِينَ
14. Markaasaan ka abuurnaa dhibicdaa xinjir, kana abuurnaa xinjirta cad yar oo hilib ah, kana abuurnaa cadkaa hilibka lafo, waxaana huwinnaa lafahaa hilib, markaasaan ka unugnaa abuur kale. Ee waxaa barako iyo khayr Badan Allaah, Kan u Wanaagsan abuurayaasha [3].
[3]. Kan ugu farsamo wanaagsan ee ah abuuraha Keliya ee Runta ah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ثُمَّ إِنَّكُم بَعۡدَ ذَٰلِكَ لَمَيِّتُونَ
15. Markaas kaddib, waad dhimaneysaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ثُمَّ إِنَّكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ تُبۡعَثُونَ
16. Markaas Maalinta Qiyaamaha baa la idin soo bixin.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا فَوۡقَكُمۡ سَبۡعَ طَرَآئِقَ وَمَا كُنَّا عَنِ ٱلۡخَلۡقِ غَٰفِلِينَ
17. Waxaana xaqiiq abuurnay korkiinna toddoba samo oo kala korreeya, mana nahin kuwo moog uunka.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: മുഅ്മിനൂൻ
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക