Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: മർയം   ആയത്ത്:
فَكُلِي وَٱشۡرَبِي وَقَرِّي عَيۡنٗاۖ فَإِمَّا تَرَيِنَّ مِنَ ٱلۡبَشَرِ أَحَدٗا فَقُولِيٓ إِنِّي نَذَرۡتُ لِلرَّحۡمَٰنِ صَوۡمٗا فَلَنۡ أُكَلِّمَ ٱلۡيَوۡمَ إِنسِيّٗا
26. Cun oo cab il qabowsona, haddaad aragto cid uun dadka ka mid ah, dheh: Waxaan anigu u nidray Naxariistaha (Alle) soon (af qabsi), marka lama hadlayo maanta cidna aadmi ah.”
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَأَتَتۡ بِهِۦ قَوۡمَهَا تَحۡمِلُهُۥۖ قَالُواْ يَٰمَرۡيَمُ لَقَدۡ جِئۡتِ شَيۡـٔٗا فَرِيّٗا
27. Waxay ula timid (Ciise) dadkeedii, iyadoo xambaarsan. Waxay yidhaahdeen: “Maryameey, Waxaad la timid wax weyn.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
يَٰٓأُخۡتَ هَٰرُونَ مَا كَانَ أَبُوكِ ٱمۡرَأَ سَوۡءٖ وَمَا كَانَتۡ أُمُّكِ بَغِيّٗا
28. Haaruun Walaashiiseey, aabbahaa ma ahayn nin xun, mana ahayn hooyadaa zaaniyad.”
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَأَشَارَتۡ إِلَيۡهِۖ قَالُواْ كَيۡفَ نُكَلِّمُ مَن كَانَ فِي ٱلۡمَهۡدِ صَبِيّٗا
29. Waxay u tilmaantay (wiilka) xaggiisa. Waxay yidhaahdeen, “Sidee baan ula hadleynaa mid dhabta lagu hayoo ilmo yaroo dhashay ah"?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قَالَ إِنِّي عَبۡدُ ٱللَّهِ ءَاتَىٰنِيَ ٱلۡكِتَٰبَ وَجَعَلَنِي نَبِيّٗا
30. (Ciise) wuxuu yidhi: "Anigu waxaan ahay addoon Alle, wuxuu i siin Kitaab (Injiil) oo uu iga yeeli Nabi;”
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَجَعَلَنِي مُبَارَكًا أَيۡنَ مَا كُنتُ وَأَوۡصَٰنِي بِٱلصَّلَوٰةِ وَٱلزَّكَوٰةِ مَا دُمۡتُ حَيّٗا
31. Wuxuuna iga yeelay mid barakaysan meel aan joogaba, oo ii dardaarmay inaan oogo salaadda oo bixiyo Zakada intaan noolahay.”
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَبَرَّۢا بِوَٰلِدَتِي وَلَمۡ يَجۡعَلۡنِي جَبَّارٗا شَقِيّٗا
32. Iyo inaan baarri u ahaado hooyaday, igamana dhigin macangag, khayr daran.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَٱلسَّلَٰمُ عَلَيَّ يَوۡمَ وُلِدتُّ وَيَوۡمَ أَمُوتُ وَيَوۡمَ أُبۡعَثُ حَيّٗا
33. Nabadi ha ahaato korkayga maalintaan dhashay iyo maalintaan dhiman iyo maalinta la i soo bixin anoo nool”.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ذَٰلِكَ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَۖ قَوۡلَ ٱلۡحَقِّ ٱلَّذِي فِيهِ يَمۡتَرُونَ
34. Kaasi waa Ciise ina Maryam, Qowlka Xaqa ah oo ay ka shakisan yihiin (kana ay doodi).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
مَا كَانَ لِلَّهِ أَن يَتَّخِذَ مِن وَلَدٖۖ سُبۡحَٰنَهُۥٓۚ إِذَا قَضَىٰٓ أَمۡرٗا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ
35. Kuma habboona Alle inuu yeesho wiil (ilmo). Subxaanah (wuu ka hufan yahay nuqsaan). markuu arrin gooyo, wuxuu uun ku yidhaahdaa “Ahaw!” waana uu yahay.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَإِنَّ ٱللَّهَ رَبِّي وَرَبُّكُمۡ فَٱعۡبُدُوهُۚ هَٰذَا صِرَٰطٞ مُّسۡتَقِيمٞ
36. (Ciise wuxuu yidhi): “Xaqiiqna Alle waa Rabbigay iyo Rabbigiinba. Ee caabuda Isagoo Keliya, kan baa ah Jid Toosan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَٱخۡتَلَفَ ٱلۡأَحۡزَابُ مِنۢ بَيۡنِهِمۡۖ فَوَيۡلٞ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن مَّشۡهَدِ يَوۡمٍ عَظِيمٍ
37. Wayse is khilaafeen xisbiyadii dhexdoo- da (xagga Ciise), ee hoog bay leeyihiin kuwa gaalooba ka soo gaadhi kulan Maalin weyn.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَسۡمِعۡ بِهِمۡ وَأَبۡصِرۡ يَوۡمَ يَأۡتُونَنَا لَٰكِنِ ٱلظَّٰلِمُونَ ٱلۡيَوۡمَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
38. Wax maqli ogaa oo arki ogaa Maalinta la keenayo Hortayada! Daalimiintu se maanta waxay ku sugan yihiin habow cad.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: മർയം
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക