Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): መርየም   አንቀፅ:
فَكُلِي وَٱشۡرَبِي وَقَرِّي عَيۡنٗاۖ فَإِمَّا تَرَيِنَّ مِنَ ٱلۡبَشَرِ أَحَدٗا فَقُولِيٓ إِنِّي نَذَرۡتُ لِلرَّحۡمَٰنِ صَوۡمٗا فَلَنۡ أُكَلِّمَ ٱلۡيَوۡمَ إِنسِيّٗا
26. Cun oo cab il qabowsona, haddaad aragto cid uun dadka ka mid ah, dheh: Waxaan anigu u nidray Naxariistaha (Alle) soon (af qabsi), marka lama hadlayo maanta cidna aadmi ah.”
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَأَتَتۡ بِهِۦ قَوۡمَهَا تَحۡمِلُهُۥۖ قَالُواْ يَٰمَرۡيَمُ لَقَدۡ جِئۡتِ شَيۡـٔٗا فَرِيّٗا
27. Waxay ula timid (Ciise) dadkeedii, iyadoo xambaarsan. Waxay yidhaahdeen: “Maryameey, Waxaad la timid wax weyn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
يَٰٓأُخۡتَ هَٰرُونَ مَا كَانَ أَبُوكِ ٱمۡرَأَ سَوۡءٖ وَمَا كَانَتۡ أُمُّكِ بَغِيّٗا
28. Haaruun Walaashiiseey, aabbahaa ma ahayn nin xun, mana ahayn hooyadaa zaaniyad.”
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَأَشَارَتۡ إِلَيۡهِۖ قَالُواْ كَيۡفَ نُكَلِّمُ مَن كَانَ فِي ٱلۡمَهۡدِ صَبِيّٗا
29. Waxay u tilmaantay (wiilka) xaggiisa. Waxay yidhaahdeen, “Sidee baan ula hadleynaa mid dhabta lagu hayoo ilmo yaroo dhashay ah"?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ إِنِّي عَبۡدُ ٱللَّهِ ءَاتَىٰنِيَ ٱلۡكِتَٰبَ وَجَعَلَنِي نَبِيّٗا
30. (Ciise) wuxuu yidhi: "Anigu waxaan ahay addoon Alle, wuxuu i siin Kitaab (Injiil) oo uu iga yeeli Nabi;”
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَجَعَلَنِي مُبَارَكًا أَيۡنَ مَا كُنتُ وَأَوۡصَٰنِي بِٱلصَّلَوٰةِ وَٱلزَّكَوٰةِ مَا دُمۡتُ حَيّٗا
31. Wuxuuna iga yeelay mid barakaysan meel aan joogaba, oo ii dardaarmay inaan oogo salaadda oo bixiyo Zakada intaan noolahay.”
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَبَرَّۢا بِوَٰلِدَتِي وَلَمۡ يَجۡعَلۡنِي جَبَّارٗا شَقِيّٗا
32. Iyo inaan baarri u ahaado hooyaday, igamana dhigin macangag, khayr daran.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱلسَّلَٰمُ عَلَيَّ يَوۡمَ وُلِدتُّ وَيَوۡمَ أَمُوتُ وَيَوۡمَ أُبۡعَثُ حَيّٗا
33. Nabadi ha ahaato korkayga maalintaan dhashay iyo maalintaan dhiman iyo maalinta la i soo bixin anoo nool”.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ذَٰلِكَ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَۖ قَوۡلَ ٱلۡحَقِّ ٱلَّذِي فِيهِ يَمۡتَرُونَ
34. Kaasi waa Ciise ina Maryam, Qowlka Xaqa ah oo ay ka shakisan yihiin (kana ay doodi).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مَا كَانَ لِلَّهِ أَن يَتَّخِذَ مِن وَلَدٖۖ سُبۡحَٰنَهُۥٓۚ إِذَا قَضَىٰٓ أَمۡرٗا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ
35. Kuma habboona Alle inuu yeesho wiil (ilmo). Subxaanah (wuu ka hufan yahay nuqsaan). markuu arrin gooyo, wuxuu uun ku yidhaahdaa “Ahaw!” waana uu yahay.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِنَّ ٱللَّهَ رَبِّي وَرَبُّكُمۡ فَٱعۡبُدُوهُۚ هَٰذَا صِرَٰطٞ مُّسۡتَقِيمٞ
36. (Ciise wuxuu yidhi): “Xaqiiqna Alle waa Rabbigay iyo Rabbigiinba. Ee caabuda Isagoo Keliya, kan baa ah Jid Toosan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَٱخۡتَلَفَ ٱلۡأَحۡزَابُ مِنۢ بَيۡنِهِمۡۖ فَوَيۡلٞ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن مَّشۡهَدِ يَوۡمٍ عَظِيمٍ
37. Wayse is khilaafeen xisbiyadii dhexdoo- da (xagga Ciise), ee hoog bay leeyihiin kuwa gaalooba ka soo gaadhi kulan Maalin weyn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَسۡمِعۡ بِهِمۡ وَأَبۡصِرۡ يَوۡمَ يَأۡتُونَنَا لَٰكِنِ ٱلظَّٰلِمُونَ ٱلۡيَوۡمَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
38. Wax maqli ogaa oo arki ogaa Maalinta la keenayo Hortayada! Daalimiintu se maanta waxay ku sugan yihiin habow cad.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): መርየም
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት