Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: ഇസ്റാഅ്   ആയത്ത്:
وَإِذَا مَسَّكُمُ ٱلضُّرُّ فِي ٱلۡبَحۡرِ ضَلَّ مَن تَدۡعُونَ إِلَّآ إِيَّاهُۖ فَلَمَّا نَجَّىٰكُمۡ إِلَى ٱلۡبَرِّ أَعۡرَضۡتُمۡۚ وَكَانَ ٱلۡإِنسَٰنُ كَفُورًا
67. Marka dhibaato idinku taabato badda, waad weydaan kuwaad u yeedhataan (baridaan) Alle maahee. markase uu idinku keeno nabad barriga, waa jeedsataan. Aadmigu waa abaal dhac badan yahay.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَفَأَمِنتُمۡ أَن يَخۡسِفَ بِكُمۡ جَانِبَ ٱلۡبَرِّ أَوۡ يُرۡسِلَ عَلَيۡكُمۡ حَاصِبٗا ثُمَّ لَا تَجِدُواْ لَكُمۡ وَكِيلًا
68. Ma waxaad aamin ka tihiin inuu idinla gooyo dhinac dhulka ka mid ah, ama idin ku soo diro dabeyl daran oo quruurux wadata? markaas, ma heleysaan wax idinka dhowra (cadaabka).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَمۡ أَمِنتُمۡ أَن يُعِيدَكُمۡ فِيهِ تَارَةً أُخۡرَىٰ فَيُرۡسِلَ عَلَيۡكُمۡ قَاصِفٗا مِّنَ ٱلرِّيحِ فَيُغۡرِقَكُم بِمَا كَفَرۡتُمۡ ثُمَّ لَا تَجِدُواْ لَكُمۡ عَلَيۡنَا بِهِۦ تَبِيعٗا
69. Mise, waxaad aamin ka tihiin inuu dib idiinku soo celiyo (badda) mar kale oo markaas idiin soo diro dabeyl daran oo idin harqiyo gaalnimadiinna darteed,markaasna ma heleysaan wax nooga kiin gargaara?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
۞ وَلَقَدۡ كَرَّمۡنَا بَنِيٓ ءَادَمَ وَحَمَلۡنَٰهُمۡ فِي ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِ وَرَزَقۡنَٰهُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ وَفَضَّلۡنَٰهُمۡ عَلَىٰ كَثِيرٖ مِّمَّنۡ خَلَقۡنَا تَفۡضِيلٗا
70. Waxaanu dhab ahaan sharafnay ilma Aadam, oo ku qaadnay barriga iyo baddaba, oo ku irsaaqnay waxyaalaha wanaagsan, waxaana ka kormarinnay in badan oo waxaan abuurnay ah kor marin.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
يَوۡمَ نَدۡعُواْ كُلَّ أُنَاسِۭ بِإِمَٰمِهِمۡۖ فَمَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ فَأُوْلَٰٓئِكَ يَقۡرَءُونَ كِتَٰبَهُمۡ وَلَا يُظۡلَمُونَ فَتِيلٗا
71. (Xusuuso) Maalintaan u yeedhi dad walbaa isagoo imaamkoodii [25] la jiro. Markaas mid kastoo lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig, kuwaa baa akhriyi Kitaabkooda (iyagoo faraxsan) lagamana dulmiyo wax le’eg xuub timireedna.
[25]. Waxaa loola jeedaa kitaabka camalkooda ama hoggaamiyahooda ama midkay raaceen.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَمَن كَانَ فِي هَٰذِهِۦٓ أَعۡمَىٰ فَهُوَ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ أَعۡمَىٰ وَأَضَلُّ سَبِيلٗا
72. Qofkii ku indha la’ tani (adduunka oo xaqa ka beyra), wuxuu ahaan mid indha la’ Aakhirada, oo ka sii habowsan Jidka.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَإِن كَادُواْ لَيَفۡتِنُونَكَ عَنِ ٱلَّذِيٓ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ لِتَفۡتَرِيَ عَلَيۡنَا غَيۡرَهُۥۖ وَإِذٗا لَّٱتَّخَذُوكَ خَلِيلٗا
73. Waxay u dhowaadeen (gaaladu) inay kaa jeediyaan waxaan kuu soo waxyoonnay (Qur’aanka) si aad noogu been abuurato waxaan isaga ahayn, markaasna waxay kaa yeelan lahaayeen saaxiib gaar ah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَلَوۡلَآ أَن ثَبَّتۡنَٰكَ لَقَدۡ كِدتَّ تَرۡكَنُ إِلَيۡهِمۡ شَيۡـٔٗا قَلِيلًا
74. Haddaanan kugu sugin (Xaqa) waxaad ku sigatay inaad u iilato xaggooda wax yar.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِذٗا لَّأَذَقۡنَٰكَ ضِعۡفَ ٱلۡحَيَوٰةِ وَضِعۡفَ ٱلۡمَمَاتِ ثُمَّ لَا تَجِدُ لَكَ عَلَيۡنَا نَصِيرٗا
75. Markaas waxaan ku dhadhansiin lahayn (cadaab) laban laab ah noloshan iyo (cadaab) labanlaab ah dhimashada kaddib, mana hesheen wax nooga kaa gargaara.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: ഇസ്റാഅ്
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക