Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: ഇസ്റാഅ്   ആയത്ത്:
وَبِٱلۡحَقِّ أَنزَلۡنَٰهُ وَبِٱلۡحَقِّ نَزَلَۗ وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ إِلَّا مُبَشِّرٗا وَنَذِيرٗا
105. Xaq baana (Qur’aanka) ku soo dejinnay, Xaq buuna ku soo degay [36]. Kuumana aanu soo dirin (Nabiyow) waxaan aheyn inaad ahaato bishaareeye iyo dige ahaan.
[36]. Ma jiro Qur’aanka wax iska hor imaanaya, mana ku jiro wax ka weecasho ah Xaqa.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَقُرۡءَانٗا فَرَقۡنَٰهُ لِتَقۡرَأَهُۥ عَلَى ٱلنَّاسِ عَلَىٰ مُكۡثٖ وَنَزَّلۡنَٰهُ تَنزِيلٗا
106. Waana Qur’aan aan u soo dejinnay qayb qayb [37], si aad ugu akhrido dadka aayar. Waxaana u soo dejinnay heerar kala duwan soo dejin dhan.
[37]. 23 sano gudahood.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قُلۡ ءَامِنُواْ بِهِۦٓ أَوۡ لَا تُؤۡمِنُوٓاْۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ مِن قَبۡلِهِۦٓ إِذَا يُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ يَخِرُّونَۤ لِلۡأَذۡقَانِۤ سُجَّدٗاۤ
107. Dheh: Rumeeya (Qur’aanka) ama ha rumaynina. kuwa la siiyey cilmiga isaga horti [38], marka loo akhriyo, waxay ula dhacaan 'dhulka' gadhadhkooda 'iyo wejiyadooda' sujuud.
[38]. Dadka wanaagsan ee ku jira Ehlu Kitaabka 'Yuhuudda iyo Nasaarada soo Islaamay', ee garta xaqa ku sugan Qur’aanka.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَيَقُولُونَ سُبۡحَٰنَ رَبِّنَآ إِن كَانَ وَعۡدُ رَبِّنَا لَمَفۡعُولٗا
108. Waxayna yidhaahdaan: Waxaa xurmo oo dhan iska leh Rabbigeen oo ka Hufan (ceeb iyo nuqsaan)! Ballan qaadka Rabbigayo waa mid fula.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَيَخِرُّونَ لِلۡأَذۡقَانِ يَبۡكُونَ وَيَزِيدُهُمۡ خُشُوعٗا۩
109. Waxay 'dhulka' ula dhacaan gadhadhkooda 'iyo wejiyadooda' iyagoo ooyaya, wuxuuna u kordhiyaa (Qur’aanku) khushuuc.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قُلِ ٱدۡعُواْ ٱللَّهَ أَوِ ٱدۡعُواْ ٱلرَّحۡمَٰنَۖ أَيّٗا مَّا تَدۡعُواْ فَلَهُ ٱلۡأَسۡمَآءُ ٱلۡحُسۡنَىٰۚ وَلَا تَجۡهَرۡ بِصَلَاتِكَ وَلَا تُخَافِتۡ بِهَا وَٱبۡتَغِ بَيۡنَ ذَٰلِكَ سَبِيلٗا
110. Dheh: Ku barya Allaah ama ku barya Ar-Raxmaan, midkaad ku baridaanba (waa isku mid), Isagaa iska leh Magacyada aad u wanaagsan ee Quruxda badan. Ha la tannaagoonin (akhriskaaga) salaadda gudaheeda, hana qarasn si hoose, ee doon labadaa dhexdooda jid (dhexdhexaad) ah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَقُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي لَمۡ يَتَّخِذۡ وَلَدٗا وَلَمۡ يَكُن لَّهُۥ شَرِيكٞ فِي ٱلۡمُلۡكِ وَلَمۡ يَكُن لَّهُۥ وَلِيّٞ مِّنَ ٱلذُّلِّۖ وَكَبِّرۡهُ تَكۡبِيرَۢا
111. Dheh: Ammaan (oo idil) iyo mahad waxaa mudan Allaah, aan yeelan ilmo, oo aan lahayn wax shariig ah oo la wadaaga mulkiga (iyo maamulka uunka), oo aan (u baahneyn inuu yeesho) gargaare tabar yari darteed, ee weynee weyneyn dhan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: ഇസ്റാഅ്
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക