Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: യൂസുഫ്   ആയത്ത്:
وَمَا تَسۡـَٔلُهُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۚ إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ لِّلۡعَٰلَمِينَ
104. Wax abaalgud ahna kuma weydiisatid (Qur’aan)kani darti; (Qur’aankani) wax kale ma aha aan aheyn waanada Caalamka.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَكَأَيِّن مِّنۡ ءَايَةٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ يَمُرُّونَ عَلَيۡهَا وَهُمۡ عَنۡهَا مُعۡرِضُونَ
105. Badanaa waxa calaamo ku sugan samooyinka iyo arlada ay soo maraan iyagoo ka jeedsan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَمَا يُؤۡمِنُ أَكۡثَرُهُم بِٱللَّهِ إِلَّا وَهُم مُّشۡرِكُونَ
106. Badankoodna ma rumeeyaan Alle
iyagoo wax la wadaajinaya (cibaadada) maahee oo u shariig yeelaya.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَفَأَمِنُوٓاْ أَن تَأۡتِيَهُمۡ غَٰشِيَةٞ مِّنۡ عَذَابِ ٱللَّهِ أَوۡ تَأۡتِيَهُمُ ٱلسَّاعَةُ بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
107. Ee ma waxay (dadku) ka yihiin aamin inay u timaaddo daboosho Cadaabka Alle ah, ama ugu timaaddo Saacadda (Qiyaame) kedis iyagoon dareemeyn.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قُلۡ هَٰذِهِۦ سَبِيلِيٓ أَدۡعُوٓاْ إِلَى ٱللَّهِۚ عَلَىٰ بَصِيرَةٍ أَنَا۠ وَمَنِ ٱتَّبَعَنِيۖ وَسُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ وَمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
108. Dheh: Kani (Islaamka) waa jidkayga; Waxaan ugu baaqaa dadka xagga Alle, Aniga iyo cid kastoo i raacdaba innagoo yaqiinsan oo ku sugan xujo cad. Xurmo oo dhanna waxaa iska leh oo (xumaan) ka Hufan Alle, aniguna ka mid ma ahi mushrikiinta.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ إِلَّا رِجَالٗا نُّوحِيٓ إِلَيۡهِم مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡقُرَىٰٓۗ أَفَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۗ وَلَدَارُ ٱلۡأٓخِرَةِ خَيۡرٞ لِّلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
109. Ma aanu soo dirin hortaa waxaan ahayn rag ka tirsan dadka magaalooyinka kuwaasoo aan u waxyoonnay. Ee miyeyna [33] marin dhulka oo fiirinin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey (ee Xaqa beeniyey)? Daarta Aakhiro baana u khayr badan kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo xumaha). Ee miyeydaan garowsaneyn?
[33]. Kuwa beeniya Nabi Muxammad s.c.w.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
حَتَّىٰٓ إِذَا ٱسۡتَيۡـَٔسَ ٱلرُّسُلُ وَظَنُّوٓاْ أَنَّهُمۡ قَدۡ كُذِبُواْ جَآءَهُمۡ نَصۡرُنَا فَنُجِّيَ مَن نَّشَآءُۖ وَلَا يُرَدُّ بَأۡسُنَا عَنِ ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ
110. Jeer markay Rusushu quustaan oo ya- qiinsadaan in la beeniyey, markaas ayaa waxaa u yimaada gargaarkayaga, oo aan badbaadinnaa ciddaan doonno, lagamana celiyo Baaskayaga qoloda denbiilayaasha ah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
لَقَدۡ كَانَ فِي قَصَصِهِمۡ عِبۡرَةٞ لِّأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِۗ مَا كَانَ حَدِيثٗا يُفۡتَرَىٰ وَلَٰكِن تَصۡدِيقَ ٱلَّذِي بَيۡنَ يَدَيۡهِ وَتَفۡصِيلَ كُلِّ شَيۡءٖ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٗ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
111. Waxaa dhab ahaan ugu sugan qisooyinkooda cashar ay ku cibrad qaataan wax garadka. Ma aha (Qur’aankani) hadal la been abuurtay, waase rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah), iyo caddeynta wax kasta [34], waana u hanuun iyo naxariis ciddii rumayn (Xaqa).
[34]. Caqiidada, axkaanta, xalaasha xaaraanta, adaabta iyo debciga san.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: യൂസുഫ്
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക