Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: യൂസുഫ്   ആയത്ത്:
قَالَ مَعَاذَ ٱللَّهِ أَن نَّأۡخُذَ إِلَّا مَن وَجَدۡنَا مَتَٰعَنَا عِندَهُۥٓ إِنَّآ إِذٗا لَّظَٰلِمُونَ
79. Wuxuu yidhi: Allaan ka magan galay inaan qaadanno qofaan aheyn midkaan alaabtayada ka hellay agtiisa. (Haddaan sidaas yeello), waxaan markaas innagu nahay daalimiin (gar ma qaatayaal).
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
فَلَمَّا ٱسۡتَيۡـَٔسُواْ مِنۡهُ خَلَصُواْ نَجِيّٗاۖ قَالَ كَبِيرُهُمۡ أَلَمۡ تَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ أَبَاكُمۡ قَدۡ أَخَذَ عَلَيۡكُم مَّوۡثِقٗا مِّنَ ٱللَّهِ وَمِن قَبۡلُ مَا فَرَّطتُمۡ فِي يُوسُفَۖ فَلَنۡ أَبۡرَحَ ٱلۡأَرۡضَ حَتَّىٰ يَأۡذَنَ لِيٓ أَبِيٓ أَوۡ يَحۡكُمَ ٱللَّهُ لِيۖ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلۡحَٰكِمِينَ
80. Markay ka quusteen bay isula baxeen faq gaar ah. Koodii u weynaa (Rubiin) baa wuxuu yidhi: Ma waydaan ogeyn in aabbihiin ballan adag idiinka qaaday Magaca Alle, iyo sidaad horeyba ugu gabood fasheen arrinkii Yuusuf? Sidaa awgeed anigu kama tegayo arladan jeer aabbahay ii idmo, ama Alle xukumo arrinkayga [26], Isagaana u wanaagsan inta wax Xukunta.
[26]. Xukun aniga ii dan ah oo la xidhiidha soo deynta Binyaamiin.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
ٱرۡجِعُوٓاْ إِلَىٰٓ أَبِيكُمۡ فَقُولُواْ يَٰٓأَبَانَآ إِنَّ ٱبۡنَكَ سَرَقَ وَمَا شَهِدۡنَآ إِلَّا بِمَا عَلِمۡنَا وَمَا كُنَّا لِلۡغَيۡبِ حَٰفِظِينَ
81. U noqda Aabbihiin oo dhaha, Aabbow! Wiilkaagii wax buu xaday, mana marag fureyno waxaan ognahay mooyee, mana nihin kuwo og waxa qarsoon aan muuqan [27].
[27]. Macnaha waa ma aanan ogeyn markii aan wacad kula galnay, inuu wax xadayo oo la qabanayo.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَسۡـَٔلِ ٱلۡقَرۡيَةَ ٱلَّتِي كُنَّا فِيهَا وَٱلۡعِيرَ ٱلَّتِيٓ أَقۡبَلۡنَا فِيهَاۖ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ
82. Weydii (dadka) magaaladii aan joognay iyo safarradii aan la soo noqonnay, oo run baan sheegeynaa.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
قَالَ بَلۡ سَوَّلَتۡ لَكُمۡ أَنفُسُكُمۡ أَمۡرٗاۖ فَصَبۡرٞ جَمِيلٌۖ عَسَى ٱللَّهُ أَن يَأۡتِيَنِي بِهِمۡ جَمِيعًاۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡحَكِيمُ
83. (Yacquub) wuxuu yidhi: Mayee, nafahiinna baa idiin qurxisay arrin. Ee samir qurxoon (baa ila gudboon). Waa intaasoo Alle (dib) iigu keeno iyagoo dhan. Waa Isaga Wax kasta Ogsoonaha, Xakiimka ah.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَتَوَلَّىٰ عَنۡهُمۡ وَقَالَ يَٰٓأَسَفَىٰ عَلَىٰ يُوسُفَ وَٱبۡيَضَّتۡ عَيۡنَاهُ مِنَ ٱلۡحُزۡنِ فَهُوَ كَظِيمٞ
84. Wuuna ka jeesaday xaggoodii oo yidhi: u walbahaarkaygow Yuusuf! Waxayna la caddaadeen indhahiisu murugo darteed [28] isagoo ahaa mid tiiraanyeysan.
[28]. Wuxuu beelay araggiisa.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
قَالُواْ تَٱللَّهِ تَفۡتَؤُاْ تَذۡكُرُ يُوسُفَ حَتَّىٰ تَكُونَ حَرَضًا أَوۡ تَكُونَ مِنَ ٱلۡهَٰلِكِينَ
85. Waxay yidhaahdeen: Tallaahi! ma dayn doontid hadal haynta Yuusuf jeer aad bukaan jiif noqoto ama (jeer) aad dhimato.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
قَالَ إِنَّمَآ أَشۡكُواْ بَثِّي وَحُزۡنِيٓ إِلَى ٱللَّهِ وَأَعۡلَمُ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ
86. Wuxuu yidhi: Waxaan uun u sheegan baahideyda iyo walbahaarkeyga Alle, waxaana ka ogahay xagga Alle [29] wax aydaan ogayn.
[29]. Uma uusan muujin inta ay gaarsiisan tahay ka xumaantiisa ama cadhadiisa waxa uu ka shakiyey ilmahiisa inay faleen, wuuse iska samrayey, isagoo isku halleynaya Alle oo ka doonaya kaalmo.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: യൂസുഫ്
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അടക്കുക