Check out the new design

Kilniojo Korano reikšmių vertimas - Vertimas į somaliečių k. - Abdullah Hasan Jakūb * - Vertimų turinys

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Reikšmių vertimas Sūra: Al-An’am   Aja (Korano eilutė):
وَهُوَ ٱلَّذِي يَتَوَفَّىٰكُم بِٱلَّيۡلِ وَيَعۡلَمُ مَا جَرَحۡتُم بِٱلنَّهَارِ ثُمَّ يَبۡعَثُكُمۡ فِيهِ لِيُقۡضَىٰٓ أَجَلٞ مُّسَمّٗىۖ ثُمَّ إِلَيۡهِ مَرۡجِعُكُمۡ ثُمَّ يُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
60. (Alle) waa Kan oofsada nafahiinna habeenka (hurdada gudaheeda), wuxuuna ogsoon yahay waxaad kasabtaan maalinnimada (oo khayr ama shar ah), haddana idinka soo kiciya mar kale si loo oofiyo muddo magacaaban, Xaggiisaana la idiin celin, markaasuu idiin sheegi wixii aad fasheen (oo dhan).
Tafsyrai arabų kalba:
وَهُوَ ٱلۡقَاهِرُ فَوۡقَ عِبَادِهِۦۖ وَيُرۡسِلُ عَلَيۡكُمۡ حَفَظَةً حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءَ أَحَدَكُمُ ٱلۡمَوۡتُ تَوَفَّتۡهُ رُسُلُنَا وَهُمۡ لَا يُفَرِّطُونَ
61. Waa Maquuniyaha awoodda badan, ee ka korreeya addoomahiisa, wuxuu idiin soo diraa ilaalo (malaa'ig) korkiinna ah, jeer markuu midkiin u yimaado mowtku, waxaa oofsada Rusushayada (Malaa’igta ah), mana gabood falaan.
Tafsyrai arabų kalba:
ثُمَّ رُدُّوٓاْ إِلَى ٱللَّهِ مَوۡلَىٰهُمُ ٱلۡحَقِّۚ أَلَا لَهُ ٱلۡحُكۡمُ وَهُوَ أَسۡرَعُ ٱلۡحَٰسِبِينَ
62. Markaasaa waxaa dib loogu celiyaa Allaah, Mudanahooda Xaqa ah. Isagaa leh go’aanka, waana Kan u dhaqso badan inta wax xisaabisa.
Tafsyrai arabų kalba:
قُلۡ مَن يُنَجِّيكُم مِّن ظُلُمَٰتِ ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِ تَدۡعُونَهُۥ تَضَرُّعٗا وَخُفۡيَةٗ لَّئِنۡ أَنجَىٰنَا مِنۡ هَٰذِهِۦ لَنَكُونَنَّ مِنَ ٱلشَّٰكِرِينَ
63. Dheh: Waa kuma kaa idinka badbaadiya halisaha barriga iyo badda (marka) aad baridaan (si caddaan ah) isu dulleyn iyo qarsoodiba (idinkoo dhihi): Hadduu naga badbaadiyo (halis) tan, waxaanu ka mid noqon kuwa mahadiya.
Tafsyrai arabų kalba:
قُلِ ٱللَّهُ يُنَجِّيكُم مِّنۡهَا وَمِن كُلِّ كَرۡبٖ ثُمَّ أَنتُمۡ تُشۡرِكُونَ
64. Dheh: Alle baa idinka badbaadiya halis iyo kurba kasta, markaas ayaad haddana u shariig yeeshaan.
Tafsyrai arabų kalba:
قُلۡ هُوَ ٱلۡقَادِرُ عَلَىٰٓ أَن يَبۡعَثَ عَلَيۡكُمۡ عَذَابٗا مِّن فَوۡقِكُمۡ أَوۡ مِن تَحۡتِ أَرۡجُلِكُمۡ أَوۡ يَلۡبِسَكُمۡ شِيَعٗا وَيُذِيقَ بَعۡضَكُم بَأۡسَ بَعۡضٍۗ ٱنظُرۡ كَيۡفَ نُصَرِّفُ ٱلۡأٓيَٰتِ لَعَلَّهُمۡ يَفۡقَهُونَ
65. Dheh: Wuxuu Karaa inuu idiinka soo diro cadaab korkiinna ama lugihiinna hoostooda [3] ama idin geliyo jahawareer (isagoo idinka dhigaya) kooxo kala duwan, oo ka yeelo qaarkiin inay dhadhamiyaan dhibka qaarka kale. Eeg sidaan ugu soo celcelinno Aayadaha inay fahmaan.
[3]. “ Cadaab korkiinna ah” waa sida roob dhagax ah iyo biriqda iyo danabka, iwm, iyo “ lugahiinna hoostooda” sida dhul gariirrada iyo daadadka, iwm
Tafsyrai arabų kalba:
وَكَذَّبَ بِهِۦ قَوۡمُكَ وَهُوَ ٱلۡحَقُّۚ قُل لَّسۡتُ عَلَيۡكُم بِوَكِيلٖ
66.Dadkaaguna way beeniyaan (Qur’aanka) isagoo Xaq ah. Dheh: Anigu ma ahi wakiil dushiinna.
Tafsyrai arabų kalba:
لِّكُلِّ نَبَإٖ مُّسۡتَقَرّٞۚ وَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ
67. War walbaa wuxuu leeyahay sal dhig iyo muddo uu ku dhammado, waadna ogaan doontaan (gaaloy waxa idinku dhaca).
Tafsyrai arabų kalba:
وَإِذَا رَأَيۡتَ ٱلَّذِينَ يَخُوضُونَ فِيٓ ءَايَٰتِنَا فَأَعۡرِضۡ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ يَخُوضُواْ فِي حَدِيثٍ غَيۡرِهِۦۚ وَإِمَّا يُنسِيَنَّكَ ٱلشَّيۡطَٰنُ فَلَا تَقۡعُدۡ بَعۡدَ ٱلذِّكۡرَىٰ مَعَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ
68. Markaad aragto kuwaa gala warar been ah ay ka sheegaan Aayadahayaga iyagoo ku jeesjeesaya, ka dheerow, jeer ay galaan war kale.Hadduu shaydaan ku hilmaansiiyo ha la fadhiisan xusuus ka dambow dadka daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
Tafsyrai arabų kalba:
 
Reikšmių vertimas Sūra: Al-An’am
Sūrų turinys Puslapio numeris
 
Kilniojo Korano reikšmių vertimas - Vertimas į somaliečių k. - Abdullah Hasan Jakūb - Vertimų turinys

Išvertė Abdullah Hasan Jakūb.

Uždaryti