Check out the new design

Kilniojo Korano reikšmių vertimas - Vertimas į somaliečių k. - Abdullah Hasan Jakūb * - Vertimų turinys

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Reikšmių vertimas Sūra: Al-An’am   Aja (Korano eilutė):

Al-ancaam

ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَجَعَلَ ٱلظُّلُمَٰتِ وَٱلنُّورَۖ ثُمَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِرَبِّهِمۡ يَعۡدِلُونَ
1. Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo yeelay mugdiyada iyo nuurka, sidaa oy tahay kuwa gaalada ah waxay u yeelaan shariigyo ay la mid dhigaan Rabbigood.
Tafsyrai arabų kalba:
هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن طِينٖ ثُمَّ قَضَىٰٓ أَجَلٗاۖ وَأَجَلٞ مُّسَمًّى عِندَهُۥۖ ثُمَّ أَنتُمۡ تَمۡتَرُونَ
2. (Alle) waa Kan idinka abuuray dhoobo, markaas (idiin) qaddaray muddo (aad ku dhimataan), waxaana jira muddo (kale oo) magaacaban (Saacadda Qiyaame) uu Isagu (Alle keliya) Og yahay, idinkuse (gaaloy) waad ka shakisan tihiin oo ka dooddaan.
Tafsyrai arabų kalba:
وَهُوَ ٱللَّهُ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَفِي ٱلۡأَرۡضِ يَعۡلَمُ سِرَّكُمۡ وَجَهۡرَكُمۡ وَيَعۡلَمُ مَا تَكۡسِبُونَ
3. (Alle) waa Isaga Ilaaha (Keliyee Xaqa ah ee lagu caabudo) samooyinka gudahooda iyo arlada, wuxuu Ogsoon yahay sirtiinna iyo caadkiinnaba, wuxuuna Ogsoon yahay waxaad kasbataan (oo camallo ah khayr ama shar).
Tafsyrai arabų kalba:
وَمَا تَأۡتِيهِم مِّنۡ ءَايَةٖ مِّنۡ ءَايَٰتِ رَبِّهِمۡ إِلَّا كَانُواْ عَنۡهَا مُعۡرِضِينَ
4. Uma timaaddo Aayad (Calaamad, mucjiso, xujo, daliil, iwm) ka mid ah Aayadaha Rabbigood, waase ka jeesadaan.
Tafsyrai arabų kalba:
فَقَدۡ كَذَّبُواْ بِٱلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمۡ فَسَوۡفَ يَأۡتِيهِمۡ أَنۢبَٰٓؤُاْ مَا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
5. Waxay beeniyeen Xaqa markuu u yimid, waxaase u iman doona xaqiiqda arrinkay ku jees jeesayeen.
Tafsyrai arabų kalba:
أَلَمۡ يَرَوۡاْ كَمۡ أَهۡلَكۡنَا مِن قَبۡلِهِم مِّن قَرۡنٖ مَّكَّنَّٰهُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ مَا لَمۡ نُمَكِّن لَّكُمۡ وَأَرۡسَلۡنَا ٱلسَّمَآءَ عَلَيۡهِم مِّدۡرَارٗا وَجَعَلۡنَا ٱلۡأَنۡهَٰرَ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهِمۡ فَأَهۡلَكۡنَٰهُم بِذُنُوبِهِمۡ وَأَنشَأۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِمۡ قَرۡنًا ءَاخَرِينَ
6. Miyey ogaan intaan hallignay hortood (wax badan) oo facyo ah, kuwaasoo aan ku awood siinnay dhulka si aanaan idiinku awood siin? Waxaan uga soo dirnay daruuraha (roob) mahiigaan ah, waxaana ka yeelnay webiyada kuwo socda hoostooda, waanse hallignay denbiyadoodii dartood, waxaana ahaysiinnay iyaga kaddib facyo kale.
Tafsyrai arabų kalba:
وَلَوۡ نَزَّلۡنَا عَلَيۡكَ كِتَٰبٗا فِي قِرۡطَاسٖ فَلَمَسُوهُ بِأَيۡدِيهِمۡ لَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّبِينٞ
7. Haddaan kugu soo dejinno (Nabiyow) qoraal ku yaal waraaq, markaas ay ku taabtaan gacmahooda, waxay gaalada odhan lahaayeen: Kanu ma aha waxaan aheyn sixir cad.
Tafsyrai arabų kalba:
وَقَالُواْ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ مَلَكٞۖ وَلَوۡ أَنزَلۡنَا مَلَكٗا لَّقُضِيَ ٱلۡأَمۡرُ ثُمَّ لَا يُنظَرُونَ
8. Waxay yidhaahdeen: Maxaa malag loola soo diri waayey? Haddaan soo dejinno malag, arrinka mid la gooyo buu ahaan lahaa, markaasna lama siiyeen fursad (ay ku tawbad keenaan).
Tafsyrai arabų kalba:
 
Reikšmių vertimas Sūra: Al-An’am
Sūrų turinys Puslapio numeris
 
Kilniojo Korano reikšmių vertimas - Vertimas į somaliečių k. - Abdullah Hasan Jakūb - Vertimų turinys

Išvertė Abdullah Hasan Jakūb.

Uždaryti