Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: サバア章   節:
وَلَا تَنفَعُ ٱلشَّفَٰعَةُ عِندَهُۥٓ إِلَّا لِمَنۡ أَذِنَ لَهُۥۚ حَتَّىٰٓ إِذَا فُزِّعَ عَن قُلُوبِهِمۡ قَالُواْ مَاذَا قَالَ رَبُّكُمۡۖ قَالُواْ ٱلۡحَقَّۖ وَهُوَ ٱلۡعَلِيُّ ٱلۡكَبِيرُ
23. Ma anfacdo shafeeco (Alle) Agtiisa, mid uu u idmo ma’ahee [15]. (Kuwaasna way sugaan) ilaa, marka laga faydo cabsida quluubtooda [16]: waxay odhan: Waa Maxay waxaa uu yidhi Rabbigiin? waxay odhan: Xaq. Waana Sarreeyaha, Weyn.
[15]. Aayaddani waxay muujineysaa inaysan cidna u shafeeci karin cid kale inuu Alle idmo maahee oo ka raalli yahay in loo shafeeco qofkaa, waana inay kan shafeecaya iyo kan loo shafeecayo ay ka baqaan Allaah oo rajeeyaan oo yihiin dad heystay towxiidka iyo sunnada.
[16]. Waa quluubta malaa’igta ee loo oggolaan doono inay shafeecaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
۞ قُلۡ مَن يَرۡزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ قُلِ ٱللَّهُۖ وَإِنَّآ أَوۡ إِيَّاكُمۡ لَعَلَىٰ هُدًى أَوۡ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
24. Dheh: Yaa idinka irsaaqa samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Innaga ama idinkana mid uun baa hanuunsan ama ku sugan habow cad.
アラビア語 クルアーン注釈:
قُل لَّا تُسۡـَٔلُونَ عَمَّآ أَجۡرَمۡنَا وَلَا نُسۡـَٔلُ عَمَّا تَعۡمَلُونَ
25. Dheh: La idin weydiin maayo wax ku saabsan dunuubtayada, innagana nala weydiin maayo waxaad fashaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
قُلۡ يَجۡمَعُ بَيۡنَنَا رَبُّنَا ثُمَّ يَفۡتَحُ بَيۡنَنَا بِٱلۡحَقِّ وَهُوَ ٱلۡفَتَّاحُ ٱلۡعَلِيمُ
26. Dheh: Rabbigeen baa na soo kulmin innagoo dhammi, markaasuu inoo kala garsoori si xaq ah, waana Garsooraha weyn, wax kasta Og.
アラビア語 クルアーン注釈:
قُلۡ أَرُونِيَ ٱلَّذِينَ أَلۡحَقۡتُم بِهِۦ شُرَكَآءَۖ كَلَّاۚ بَلۡ هُوَ ٱللَّهُ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
27.Dheh: I tusa kuwa aad Alle la wadaajiseen shuruko ahaan cibaadada, mayee (ma jiraan cid wax la wadaagta), waase Alle (Keliya), Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ إِلَّا كَآفَّةٗ لِّلنَّاسِ بَشِيرٗا وَنَذِيرٗا وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
28. Kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn dadka oo dhan bishaareeye iyo dige ahaan, dadku se badankoodu ma oga.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
29. Waxay odhan: Waa goorma yaboohaasi (soo bixinta Qiyaame) haddaad run sheegaysaan?
アラビア語 クルアーン注釈:
قُل لَّكُم مِّيعَادُ يَوۡمٖ لَّا تَسۡتَـٔۡخِرُونَ عَنۡهُ سَاعَةٗ وَلَا تَسۡتَقۡدِمُونَ
30. Dheh: Waqtiga la idiin qabtay waa Maalin aydaan saacad ka dib dhaceyn kana hor dhaceyn.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَن نُّؤۡمِنَ بِهَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ وَلَا بِٱلَّذِي بَيۡنَ يَدَيۡهِۗ وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذِ ٱلظَّٰلِمُونَ مَوۡقُوفُونَ عِندَ رَبِّهِمۡ يَرۡجِعُ بَعۡضُهُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٍ ٱلۡقَوۡلَ يَقُولُ ٱلَّذِينَ ٱسۡتُضۡعِفُواْ لِلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُواْ لَوۡلَآ أَنتُمۡ لَكُنَّا مُؤۡمِنِينَ
31. Kuwa gaaloobay waxay yidhaahdeen: "Ma rumeyneyno Qur’aankan iyo wixii ka horreeyay midna (oo Kutub Alle ah)". Haddaadse arki lahayd marka daalimiinta la soo hor joojin Rabbigood, iyagoo isku tuurtuuraya hadalka oo qaarba qaarka kale eedeynayo. Kuwii la daciifsaday (raciyadda) waxay ku odhan kuwii isla weynaa (madaxda): Haddaydaan jirteen waxaan ahaan laheyn mu’miniin.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: サバア章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる