Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 節: (30) 章: 巡礼章
ذَٰلِكَۖ وَمَن يُعَظِّمۡ حُرُمَٰتِ ٱللَّهِ فَهُوَ خَيۡرٞ لَّهُۥ عِندَ رَبِّهِۦۗ وَأُحِلَّتۡ لَكُمُ ٱلۡأَنۡعَٰمُ إِلَّا مَا يُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡۖ فَٱجۡتَنِبُواْ ٱلرِّجۡسَ مِنَ ٱلۡأَوۡثَٰنِ وَٱجۡتَنِبُواْ قَوۡلَ ٱلزُّورِ
30. Waa sidaase, qofkii weyneeya oo iska jira waxyaalahuu Alle caagay [8], isagay khayr u tahay Rabbigi agtiis. Waxaa la idiin xalaaleeyay xoolaha nicmooleyda ah, marka laga reebo (waxa la idinku dul) akhiryo 'oo laga soo reebay' [9] Ee ka fogaada waxa xun ee faddarada ah (caabudidda) sanamyada, kana fogaada hadalka beenta ah.
[8]. Xurumaat ee ku soo arooray Aayadda waxaa loola jeedaa bilaha xurmadda gaarka ah leh waa: Muxarram, Rajab, Dul Qicdah, iyo Dul Xijjah, waxyaalaha la reebay gaar ahaan bilahaas iyo guud ahaan bilaha oo dhanba. Waxaa sidoo kale loola jeedaa dhulka Xaramka ee ka caaggan in xitaa la damco in xumo lagu falo, waa Kacbada, maqaamu Ibraahiim, xuduudda Xaramka, iwm. Eeg Suuradda 2 Al-Baqara , Aayadda 191.
[9]. Eeg Suuradda 5: Aayadda 3.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 節: (30) 章: 巡礼章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる