Check out the new design

Traduction des sens du Noble Coran - La traduction somalienne - 'AbdaLlah Hasan Ya'qûb * - Lexique des traductions

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Traduction des sens Sourate: Al A'raf   Verset:
وَجَٰوَزۡنَا بِبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱلۡبَحۡرَ فَأَتَوۡاْ عَلَىٰ قَوۡمٖ يَعۡكُفُونَ عَلَىٰٓ أَصۡنَامٖ لَّهُمۡۚ قَالُواْ يَٰمُوسَى ٱجۡعَل لَّنَآ إِلَٰهٗا كَمَا لَهُمۡ ءَالِهَةٞۚ قَالَ إِنَّكُمۡ قَوۡمٞ تَجۡهَلُونَ
138. Waxaana ka yeelnay Ilmahii Israa’iil inay ka tillaabbaan (si nabad ah) badda, markaasay waxay ku yimaadeen dad dul yuurarsan sanammadooda (oo caabudaya). Waxay yidhahadeen: Muusow! Noo yeel ilaah innagana siday iyaguba u leeyihiin ilaahyo. Wuxuu (Muuse) yidhi: Waxaad tihiin qolo jaahiliin ah [4].
[4]. Oo aan garanaeyn Weynida Alle iyo Haybaddiisa iyo waajibka idin saaran oo ah inaad caabuddaan Alle oo keliya oo waxbana u shariig yeelin.
Les exégèses en arabe:
إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ مُتَبَّرٞ مَّا هُمۡ فِيهِ وَبَٰطِلٞ مَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
139. Hubaal, kuwani (gaalada ahi) waxay ku sugan yihiin waa baabbi’i, waana baadil waxay falayaan.
Les exégèses en arabe:
قَالَ أَغَيۡرَ ٱللَّهِ أَبۡغِيكُمۡ إِلَٰهٗا وَهُوَ فَضَّلَكُمۡ عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ
140. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaan idiin doonaa ilaah kale aan aheyn Alle, isagoo idinka faddilay caalamka.
Les exégèses en arabe:
وَإِذۡ أَنجَيۡنَٰكُم مِّنۡ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ يَسُومُونَكُمۡ سُوٓءَ ٱلۡعَذَابِ يُقَتِّلُونَ أَبۡنَآءَكُمۡ وَيَسۡتَحۡيُونَ نِسَآءَكُمۡۚ وَفِي ذَٰلِكُم بَلَآءٞ مِّن رَّبِّكُمۡ عَظِيمٞ
141. Xusuusta markaan idinka samata bixinnay reer Fircoon ee idin dhadhansii- yey cadaab daran, iyagoo dilayey wiilashiin- na, oo u deynayey haweenkiinna nolol (si ay ugu adeegtaan). Arrinkaana waxaa ku sugnaa imtixaan weyn xagga Rabbigiin ah.
Les exégèses en arabe:
۞ وَوَٰعَدۡنَا مُوسَىٰ ثَلَٰثِينَ لَيۡلَةٗ وَأَتۡمَمۡنَٰهَا بِعَشۡرٖ فَتَمَّ مِيقَٰتُ رَبِّهِۦٓ أَرۡبَعِينَ لَيۡلَةٗۚ وَقَالَ مُوسَىٰ لِأَخِيهِ هَٰرُونَ ٱخۡلُفۡنِي فِي قَوۡمِي وَأَصۡلِحۡ وَلَا تَتَّبِعۡ سَبِيلَ ٱلۡمُفۡسِدِينَ
142. Waxaan la ballannay Muuse muddo soddon habeen ah, kuna taam yeelnay inaan ku darno toban dheeri ah, marka muddada ballanka Rabbigi waxay ahayd afartan habeen oo buuxda. Muuse wuxuu ku yidhi walaalki Haaruun: "Qabo xilkeyga qolodeyda dhexdood intaan maqnahay , u dhaqan si wanaagsan, hana raacin jidka kuwa wax fasahaadsha".
Les exégèses en arabe:
وَلَمَّا جَآءَ مُوسَىٰ لِمِيقَٰتِنَا وَكَلَّمَهُۥ رَبُّهُۥ قَالَ رَبِّ أَرِنِيٓ أَنظُرۡ إِلَيۡكَۚ قَالَ لَن تَرَىٰنِي وَلَٰكِنِ ٱنظُرۡ إِلَى ٱلۡجَبَلِ فَإِنِ ٱسۡتَقَرَّ مَكَانَهُۥ فَسَوۡفَ تَرَىٰنِيۚ فَلَمَّا تَجَلَّىٰ رَبُّهُۥ لِلۡجَبَلِ جَعَلَهُۥ دَكّٗا وَخَرَّ مُوسَىٰ صَعِقٗاۚ فَلَمَّآ أَفَاقَ قَالَ سُبۡحَٰنَكَ تُبۡتُ إِلَيۡكَ وَأَنَا۠ أَوَّلُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
143. Markuu u yimid Muuse ballankayagii oo Rabbigi la hadlay, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iskay tus aan ku eegee. (Alle) Wuxuu yidhi: Ima arki kareysid (adduunka oo ma awooddid), laakiinse eeg buurta, hadday ku sugnaato meesheeda markaas ayaad i arki. Markiise uu Rabbigi isu muujiyey buurtii [5], wuxuu ka yeelay burbur, Muusena dhulkuu ugu dhacay suuxdin. Markuu soo miyirsaday wuxuu yidhi: Xurmo oo dhan Adigaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan), waan kuu tawbad keenay (Allow), waxaana ahay kan ugu horreeya mu'miniinta.
[5]. Wuxuu Alle isu muujiyey buurta qaddar dhan ciddida far yarada, markaasay buurtii burburtay oo budo noqotay. Muuqashada Alle la mid ma aha muuqashada Aadmiga, ee waa si ku habboon oo u qalma Weynida Alle, dadku ma ay suureysan karaan arrinkaasi.
Les exégèses en arabe:
 
Traduction des sens Sourate: Al A'raf
Lexique des sourates Numéro de la page
 
Traduction des sens du Noble Coran - La traduction somalienne - 'AbdaLlah Hasan Ya'qûb - Lexique des traductions

Traduit par 'AbdaLlâh Ḥasan Ya'qûb.

Fermeture