Check out the new design

Traduction des sens du Noble Coran - La traduction somalienne - 'AbdaLlah Hasan Ya'qûb * - Lexique des traductions

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Traduction des sens Sourate: Al An'am   Verset:
وَمَا لَكُمۡ أَلَّا تَأۡكُلُواْ مِمَّا ذُكِرَ ٱسۡمُ ٱللَّهِ عَلَيۡهِ وَقَدۡ فَصَّلَ لَكُم مَّا حَرَّمَ عَلَيۡكُمۡ إِلَّا مَا ٱضۡطُرِرۡتُمۡ إِلَيۡهِۗ وَإِنَّ كَثِيرٗا لَّيُضِلُّونَ بِأَهۡوَآئِهِم بِغَيۡرِ عِلۡمٍۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُعۡتَدِينَ
119. Maxaad la cuni weydeen waxa (hilibka neefka) lagu xusay Magaca Alle (markii la gowracayey), Wuxuu horay (Alle) idiinku caddeeyey wuxuu idinka xaaraanshay - waxay dani idinku qabato ma'ahee. Kuwo badan baa ku lumiya (dadka) hawadooda aqoon la’aan darteed. Rabbigaa waa Og yahay kuwa xadgudba.
Les exégèses en arabe:
وَذَرُواْ ظَٰهِرَ ٱلۡإِثۡمِ وَبَاطِنَهُۥٓۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَكۡسِبُونَ ٱلۡإِثۡمَ سَيُجۡزَوۡنَ بِمَا كَانُواْ يَقۡتَرِفُونَ
120. Ka taga denbiga muuqda iyo kan qarsoonba. Kuwa kasbada denbiga waxaa laga goyn waxay kasbadeen.
Les exégèses en arabe:
وَلَا تَأۡكُلُواْ مِمَّا لَمۡ يُذۡكَرِ ٱسۡمُ ٱللَّهِ عَلَيۡهِ وَإِنَّهُۥ لَفِسۡقٞۗ وَإِنَّ ٱلشَّيَٰطِينَ لَيُوحُونَ إِلَىٰٓ أَوۡلِيَآئِهِمۡ لِيُجَٰدِلُوكُمۡۖ وَإِنۡ أَطَعۡتُمُوهُمۡ إِنَّكُمۡ لَمُشۡرِكُونَ
121. Ha cunina waxa (hilibka neefka) aan lagu xusin Magaca Alle (markii la gowracayey), waayo waa caasiyoobid. Shaydaammaduna waxay u soo jeediyaan saaxiibbadood inay idin la doodaan [8], haddaad adeecdaan, waxaad idinkuna tihiin gaalo mushrikiin ah.
[8]. Taasina waxay ahayd in mushrikiinta yidhaahdeen: Muxammadow bal waxaad nooga warrantaa ri’da? Hadday dhimato yaa dilay? Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle baa dilay. Waxay yidhaahdeen: Haddaba ma waxaad ku andacooneysaa waxaad dishaan adiga iyo asxaabtaada inay yihiin xalaal, waxana ay dilaan eyga iyo galleyrka iyo haramcadka ay yihiin xalaal, waxase uu Alle dilo ay xaaraan tahay in la cuno. Markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan.
Les exégèses en arabe:
أَوَمَن كَانَ مَيۡتٗا فَأَحۡيَيۡنَٰهُ وَجَعَلۡنَا لَهُۥ نُورٗا يَمۡشِي بِهِۦ فِي ٱلنَّاسِ كَمَن مَّثَلُهُۥ فِي ٱلظُّلُمَٰتِ لَيۡسَ بِخَارِجٖ مِّنۡهَاۚ كَذَٰلِكَ زُيِّنَ لِلۡكَٰفِرِينَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
122. Ma mid ahaa meyd markaas aan noolaynay, oo aan u yeelnay Nuur uu ku dhex socdo dadka, baa la mid ah mid ku sugan mugdiyo uusan ka soo baxayn? Sidaasaa loogu qurxiyey gaalada waxay falaan.
Les exégèses en arabe:
وَكَذَٰلِكَ جَعَلۡنَا فِي كُلِّ قَرۡيَةٍ أَكَٰبِرَ مُجۡرِمِيهَا لِيَمۡكُرُواْ فِيهَاۖ وَمَا يَمۡكُرُونَ إِلَّا بِأَنفُسِهِمۡ وَمَا يَشۡعُرُونَ
123. Sidaasaan u yeelnay magaalo walba gudaheed denbiilayaal waaweyn (madax iyo maalqabeenno xun) si ay ugu dhex maleegaan qorshe (xun), umase maleegaan qorshe (xun) waxaan ahayn nafahooda, mase dareensana.
Les exégèses en arabe:
وَإِذَا جَآءَتۡهُمۡ ءَايَةٞ قَالُواْ لَن نُّؤۡمِنَ حَتَّىٰ نُؤۡتَىٰ مِثۡلَ مَآ أُوتِيَ رُسُلُ ٱللَّهِۘ ٱللَّهُ أَعۡلَمُ حَيۡثُ يَجۡعَلُ رِسَالَتَهُۥۗ سَيُصِيبُ ٱلَّذِينَ أَجۡرَمُواْ صَغَارٌ عِندَ ٱللَّهِ وَعَذَابٞ شَدِيدُۢ بِمَا كَانُواْ يَمۡكُرُونَ
124. Markay calaamo u timaaddo, waxay yidhaahdaan: Rumeyn meyno jeer nala siiyo wax la mid ah waxa la siiyey Rususha Alle. Alle baa ogsoon meesha uu dhigayo Dhambaalkiisa. Waxaa ku dhici denbiilayaasha dulli xag Alle ah iyo cadaab daran waxay qorshe xun maleegi jireen awgeed.
Les exégèses en arabe:
 
Traduction des sens Sourate: Al An'am
Lexique des sourates Numéro de la page
 
Traduction des sens du Noble Coran - La traduction somalienne - 'AbdaLlah Hasan Ya'qûb - Lexique des traductions

Traduit par 'AbdaLlâh Ḥasan Ya'qûb.

Fermeture