Check out the new design

Traduction des sens du Noble Coran - La traduction somalienne - 'AbdaLlah Hasan Ya'qûb * - Lexique des traductions

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Traduction des sens Sourate: Luqmân   Verset:

Luqmaan

الٓمٓ
1. Alif Laam Miim [1].
[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1.
Les exégèses en arabe:
تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡحَكِيمِ
2. Kuwakani waa Aayado ka mid ah Kitaabka (Qur’aanka) Xikmadda badan [2].
[2]. Xakiim waa tilmaanta qofka warkiisa iyo ficilkiisa salka ku hayaan garasho iyo aragti dheer. waxaa loola jeedaa tilmaamaha doonista, hadaf yeelashada, war samida, falsamada, wax kala saaridda iyo xog ogaanta, aragti dheerida, abwaanka ah.
Les exégèses en arabe:
هُدٗى وَرَحۡمَةٗ لِّلۡمُحۡسِنِينَ
3. Hanuun iyo Naxariis u ah sama falayaasha.
Les exégèses en arabe:
ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ يُوقِنُونَ
4. Kuwa ooga salaadda, bixiyana Zakada, ahna kuwo iyagu Aakhiro yaqiinsan.
Les exégèses en arabe:
أُوْلَٰٓئِكَ عَلَىٰ هُدٗى مِّن رَّبِّهِمۡۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ
5. Kuwaasi waxay ku sugan yihiin hanuun xagga Rabbigood ah, waana kuwaa liibaanayaasha.
Les exégèses en arabe:
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَشۡتَرِي لَهۡوَ ٱلۡحَدِيثِ لِيُضِلَّ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ بِغَيۡرِ عِلۡمٖ وَيَتَّخِذَهَا هُزُوًاۚ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٞ مُّهِينٞ
6. Waxaa ka mid ah dadka mid gadan hadal uu isku maaweeliyo [3] si uu uga lumiyo (naftiisa iyo dadkaba) Jidka Alle (Islaamka) cilmi la'aan, oo ku jees-jeesa (diinta). Kuwaa waxay leeyihiin Cadaab Silcisa.
[3]. Hadalka maaweelada ah waxay culimadu qaar ku fasireen shirkiga, qaarna wararka dadka lagu lumiyo, heesaha anshax darrada ah, ama Miyuusigga ruxa dadka ee keena is walaaqa, waxaase dhab ahaan soo galaya hadalka maaweelada ah wax kasta oo dadka ka shuqliya Qur’aanka iyo Sunnada Rasuulka.
Les exégèses en arabe:
وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ءَايَٰتُنَا وَلَّىٰ مُسۡتَكۡبِرٗا كَأَن لَّمۡ يَسۡمَعۡهَا كَأَنَّ فِيٓ أُذُنَيۡهِ وَقۡرٗاۖ فَبَشِّرۡهُ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ
7. Marka loo akhriyo Aayadahayaga (Qur’aanka), ka jeesta kibir darti, sida inaanu maqal, sidiiyoo uu qabo dhego culeys, ee ugu bishaaree Cadaab xanuun badan.
Les exégèses en arabe:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمۡ جَنَّٰتُ ٱلنَّعِيمِ
8. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin beero barwaaqo ah 'Janno'.
Les exégèses en arabe:
خَٰلِدِينَ فِيهَاۖ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٗاۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
9. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood, waa Ballan Alle oo Xaq ah. Alle waa Adkaadaha Sare , Xakiimka ah.
Les exégèses en arabe:
خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ بِغَيۡرِ عَمَدٖ تَرَوۡنَهَاۖ وَأَلۡقَىٰ فِي ٱلۡأَرۡضِ رَوَٰسِيَ أَن تَمِيدَ بِكُمۡ وَبَثَّ فِيهَا مِن كُلِّ دَآبَّةٖۚ وَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوۡجٖ كَرِيمٍ
10. Wuxuu abuuray samooyinka tiirar la’aan aad aragtaan, wuxuuna ku tuuray dhulka buuro sugan si aanu idiin la dhaqdhaqaaqin, wuxuuna ku fidiyey dhexdeeda nafley nooc kasta leh. Waxaanu ka soo dejinnay biyo (roob) daruuraha, waxaana ku soo bixinnay (dhir) nooc kasta oo wanaagsan.
Les exégèses en arabe:
هَٰذَا خَلۡقُ ٱللَّهِ فَأَرُونِي مَاذَا خَلَقَ ٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦۚ بَلِ ٱلظَّٰلِمُونَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
11. Kani waa Abuurka Alle ee i tusa waxay abuureen kuwa sokadi (la caabudo). Mayee, dulmi (shirki iyo xume) falayaashu waxay ku jiraan habow cad.
Les exégèses en arabe:
 
Traduction des sens Sourate: Luqmân
Lexique des sourates Numéro de la page
 
Traduction des sens du Noble Coran - La traduction somalienne - 'AbdaLlah Hasan Ya'qûb - Lexique des traductions

Traduit par 'AbdaLlâh Ḥasan Ya'qûb.

Fermeture