Check out the new design

Traduction des sens du Noble Coran - La traduction somalienne - 'AbdaLlah Hasan Ya'qûb * - Lexique des traductions

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Traduction des sens Sourate: Ar Rûm   Verset:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦٓ أَن تَقُومَ ٱلسَّمَآءُ وَٱلۡأَرۡضُ بِأَمۡرِهِۦۚ ثُمَّ إِذَا دَعَاكُمۡ دَعۡوَةٗ مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ إِذَآ أَنتُمۡ تَخۡرُجُونَ
25. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inay samada iyo arlada ku taagan yihiin (jiraan) Amarkiisa, haddana markuu idiinka yeedho yeermo keliya dhulka, aad kolkiiba soo baxeysaan.
Les exégèses en arabe:
وَلَهُۥ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ كُلّٞ لَّهُۥ قَٰنِتُونَ
26. (Alle) baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, kulligood Isagay u hoggaansan yihiin (oo adeecaan).
Les exégèses en arabe:
وَهُوَ ٱلَّذِي يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ وَهُوَ أَهۡوَنُ عَلَيۡهِۚ وَلَهُ ٱلۡمَثَلُ ٱلۡأَعۡلَىٰ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
27. Waa Kan billaabay uunka, haddana soo nooleyn dhimasho kaddib, wayna u fududdahay arrintaasu. Isagaa iska leh sifooyinka sare samooyinka iyo arlada gudahooda. Waa Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
Les exégèses en arabe:
ضَرَبَ لَكُم مَّثَلٗا مِّنۡ أَنفُسِكُمۡۖ هَل لَّكُم مِّن مَّا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُم مِّن شُرَكَآءَ فِي مَا رَزَقۡنَٰكُمۡ فَأَنتُمۡ فِيهِ سَوَآءٞ تَخَافُونَهُمۡ كَخِيفَتِكُمۡ أَنفُسَكُمۡۚ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
28. Wuxuu idiin yeelay tusaale nafahiinna ah, miyey idinla wadaaagaan kuway midigtiinnu hanato waxa aan idin siinnay oo aad idinku u wada siman tihiin oo aad uga cabsataan sidaad isaga cabsataan intiinna xorta ahi? Sidaasaan ugu yeelnaa Aayadaha caddaan ciddii wax fahmi.
Les exégèses en arabe:
بَلِ ٱتَّبَعَ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ أَهۡوَآءَهُم بِغَيۡرِ عِلۡمٖۖ فَمَن يَهۡدِي مَنۡ أَضَلَّ ٱللَّهُۖ وَمَا لَهُم مِّن نَّٰصِرِينَ
29. Hase yeeshee, kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) waxay raacaan hawadooda cilmi la'aan, ee yaa hanuunin mid uu Alle lumiyo? Mana laha wax u soo gargaari (Aakhirada).
Les exégèses en arabe:
فَأَقِمۡ وَجۡهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفٗاۚ فِطۡرَتَ ٱللَّهِ ٱلَّتِي فَطَرَ ٱلنَّاسَ عَلَيۡهَاۚ لَا تَبۡدِيلَ لِخَلۡقِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ ٱلدِّينُ ٱلۡقَيِّمُ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
30. Ee u jeedi wejigaaga toos diinta adigoo aan ka iilan, waa abuurista (wanaagsan) uu Alle ku beeray dadka. Waa inaysan jirin beddelaad uunka Alle (iyo diintiisa), sidaa uu (kugu amray) baa ah Jidka Toosan, dadka badankiisuse ma ay oga.
Les exégèses en arabe:
۞ مُنِيبِينَ إِلَيۡهِ وَٱتَّقُوهُ وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَلَا تَكُونُواْ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
31. (idinkoo) Alle u noqon oo tawbad keen ah, dhowrana (amarradiisa), oo ooga salaadda, hana ka mid ahaannina Mushrikiinta.
Les exégèses en arabe:
مِنَ ٱلَّذِينَ فَرَّقُواْ دِينَهُمۡ وَكَانُواْ شِيَعٗاۖ كُلُّ حِزۡبِۭ بِمَا لَدَيۡهِمۡ فَرِحُونَ
32. Kuwaasi kala qaybshay diintooda oo noqday kooxo, xizbi walbaa waxay haystaan [7] ay ku faraxsan yihiin.
[7]. Waxay heystaan oo caqiidooyin ah, caadooyin , dhaqammo, iwm.
Les exégèses en arabe:
 
Traduction des sens Sourate: Ar Rûm
Lexique des sourates Numéro de la page
 
Traduction des sens du Noble Coran - La traduction somalienne - 'AbdaLlah Hasan Ya'qûb - Lexique des traductions

Traduit par 'AbdaLlâh Ḥasan Ya'qûb.

Fermeture