Check out the new design

Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Tippudi firooji ɗii

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore: Simoore yimooɓe   Aaya:
وَٱتَّقُواْ ٱلَّذِي خَلَقَكُمۡ وَٱلۡجِبِلَّةَ ٱلۡأَوَّلِينَ
184. Oo ka cabsada (Alle ee ah) Kan idin abuuray idinka iyo uumankii horeba.
Faccirooji aarabeeji:
قَالُوٓاْ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلۡمُسَحَّرِينَ
185. Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran [12].
[12]. Waa haddii loo akhriyo “ minal mussaxariin” waxaa sidoo kale loo akhiryaa akhrin kale “ minal mussaxiriin” markaas mancaha waa kuwa wax sixra.
Faccirooji aarabeeji:
وَمَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُنَا وَإِن نَّظُنُّكَ لَمِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ
186. Ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah, waxaana malaynaynaa inaad ka mid tahay beenlowyada.
Faccirooji aarabeeji:
فَأَسۡقِطۡ عَلَيۡنَا كِسَفٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
187. Ee nagu soo rid gabal samada ah haddaad run sheegi.
Faccirooji aarabeeji:
قَالَ رَبِّيٓ أَعۡلَمُ بِمَا تَعۡمَلُونَ
188. Wuxuu yidhi: Rabbigay baa Ogsoon waxaad fashaan.
Faccirooji aarabeeji:
فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمۡ عَذَابُ يَوۡمِ ٱلظُّلَّةِۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٍ
189. Wayse beeniyeen, markaasaa cadaab maalintii harka (daruur madow) qabatay, waxay aheyd cadaab Maalin daran.
Faccirooji aarabeeji:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
190. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
Faccirooji aarabeeji:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
191. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
Faccirooji aarabeeji:
وَإِنَّهُۥ لَتَنزِيلُ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
192. Oo hubaal, (Qur’aan)kani waa Waxyi ka soo degay xagga Rabbiga uumanka.
Faccirooji aarabeeji:
نَزَلَ بِهِ ٱلرُّوحُ ٱلۡأَمِينُ
193. Ruuxa aaminka ah (Jabriil) baa la soo degey (oo ku shubay) .
Faccirooji aarabeeji:
عَلَىٰ قَلۡبِكَ لِتَكُونَ مِنَ ٱلۡمُنذِرِينَ
194. Qalbigaaga (Nabi Muxammadow) si aad uga mid noqoto Digayaasha.
Faccirooji aarabeeji:
بِلِسَانٍ عَرَبِيّٖ مُّبِينٖ
195. Isagoo af Carabi faseex ah.
Faccirooji aarabeeji:
وَإِنَّهُۥ لَفِي زُبُرِ ٱلۡأَوَّلِينَ
196. Wuxuuna xaqiiq ku yaal Kutubtii dadkii hore (Towraadda iyo Injiilka).
Faccirooji aarabeeji:
أَوَلَمۡ يَكُن لَّهُمۡ ءَايَةً أَن يَعۡلَمَهُۥ عُلَمَٰٓؤُاْ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ
197. Miyeyna calaamo u ahayn inay culimidii reer Israa'iil ogaayeen?
Faccirooji aarabeeji:
وَلَوۡ نَزَّلۡنَٰهُ عَلَىٰ بَعۡضِ ٱلۡأَعۡجَمِينَ
198. Haddaan ku soo dejin laheyn (Qur’aankani) cajamiga midkood [13].
[13]. Macnaha waa aan ku soo dejin lahayn Qur’aanka cid kale aan Carab ahayn, ama si fiican u aqoon afka Carabiga oo aan faseex ahayn.
Faccirooji aarabeeji:
فَقَرَأَهُۥ عَلَيۡهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ مُؤۡمِنِينَ
199. Oo uu ku dul akhriyi lahaa, ma ay rumeeyeen waxa ku soo arooray [14].
[14]. Mucjiso ahaan xagga Alle.
Faccirooji aarabeeji:
كَذَٰلِكَ سَلَكۡنَٰهُ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ
200. Sidaasaan u galinnaa 'diiddada Xaqa' quluubta denbiilayaasha.
Faccirooji aarabeeji:
لَا يُؤۡمِنُونَ بِهِۦ حَتَّىٰ يَرَوُاْ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ
201. Ma ay rumaynayaan (Xaqa) jeeray arkaan cadaabka xanuunka badan.
Faccirooji aarabeeji:
فَيَأۡتِيَهُم بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
202. Oo ugu imaan si kedis ah iyagoo aan fileyn.
Faccirooji aarabeeji:
فَيَقُولُواْ هَلۡ نَحۡنُ مُنظَرُونَ
203. Markaasay odhan: Ma nala siinayaa fursad (aan ku rumeyno)?
Faccirooji aarabeeji:
أَفَبِعَذَابِنَا يَسۡتَعۡجِلُونَ
204. Ee ma cadaabkayaga bay degdegsan?
Faccirooji aarabeeji:
أَفَرَءَيۡتَ إِن مَّتَّعۡنَٰهُمۡ سِنِينَ
205. Bal ka warran, haddaan u deyno inay raaxeystaan sanooyin.
Faccirooji aarabeeji:
ثُمَّ جَآءَهُم مَّا كَانُواْ يُوعَدُونَ
206. Markaas uu u yimaado ciqaabka loogu gooddiyo.
Faccirooji aarabeeji:
 
Firo maanaaji Simoore: Simoore yimooɓe
Tippudi cimooje Tonngoode hello ngoo
 
Firo maanaaji al-quraan tedduɗo oo - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Tippudi firooji ɗii

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddude