Check out the new design

Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Loowdi firooji ɗi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore.: Simoore hajju   Aaya.:
أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ سَخَّرَ لَكُم مَّا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَٱلۡفُلۡكَ تَجۡرِي فِي ٱلۡبَحۡرِ بِأَمۡرِهِۦ وَيُمۡسِكُ ٱلسَّمَآءَ أَن تَقَعَ عَلَى ٱلۡأَرۡضِ إِلَّا بِإِذۡنِهِۦٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِٱلنَّاسِ لَرَءُوفٞ رَّحِيمٞ
65. Miyaanad arag inuu Alle idiin sakhiray waxa ku sugan dhulka, iyo doonyaha ku socda badda Amarkiisa? Wuxuuna ka hayaa cirka inuu ku soo dhaco dhulka Isagoo idmo ma ahee. Alle waa Mid dadka u Turid iyo Naxariis Badan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَهُوَ ٱلَّذِيٓ أَحۡيَاكُمۡ ثُمَّ يُمِيتُكُمۡ ثُمَّ يُحۡيِيكُمۡۗ إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ لَكَفُورٞ
66. Waa Isaga 'Alle' Kan idin nooleeya, haddana idin dhinsiiya, haddana idin soo nooleyn mar kale (Qiyaamaha). Aadmigu xaqiiq waa mid abaal dhac badan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
لِّكُلِّ أُمَّةٖ جَعَلۡنَا مَنسَكًا هُمۡ نَاسِكُوهُۖ فَلَا يُنَٰزِعُنَّكَ فِي ٱلۡأَمۡرِۚ وَٱدۡعُ إِلَىٰ رَبِّكَۖ إِنَّكَ لَعَلَىٰ هُدٗى مُّسۡتَقِيمٖ
67. Ummad walba waxaan u yeellay hab cibaado oo ay ku cibaadeystaan ee yeyna kugula doodin arrinka, oo ugu yeedh xagga Rabbigaa. Hubaal, Adigu waxaad ku sugan tahay hanuun toosan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَإِن جَٰدَلُوكَ فَقُلِ ٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا تَعۡمَلُونَ
68. Hadday kula doodaan, dheh: Alle baa dhab u ogsoon waxaad fashaan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
ٱللَّهُ يَحۡكُمُ بَيۡنَكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فِيمَا كُنتُمۡ فِيهِ تَخۡتَلِفُونَ
69. Alle baa idiin kala garsoori dhexdiinna Maalinta Qiyaamaha waxaad isku khilaafsaneydeen.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
أَلَمۡ تَعۡلَمۡ أَنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا فِي ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِۚ إِنَّ ذَٰلِكَ فِي كِتَٰبٍۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٞ
70. Miyaadan ogayn inuu Alle og yahay waxa ku sugan samada iyo arlada? Hubaal, arrinkani wuxuu ku yaal Kitaab [19]. Hubaal, arrinkani wuu u fudud yahay Alle.
[19]. Waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka uu Alle ku heysto agtiisa.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَيَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَمۡ يُنَزِّلۡ بِهِۦ سُلۡطَٰنٗا وَمَا لَيۡسَ لَهُم بِهِۦ عِلۡمٞۗ وَمَا لِلظَّٰلِمِينَ مِن نَّصِيرٖ
71. Waxay caabudaan Alle sokadi wax uusan u soo dejin wax xujo ah, iyo waxaa aysan u lahayn wax cilmi ah. Daalimiinta (gaalada, mushrikiinta, iwm) ma heli doonaan wax u soo gargaara.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٖ تَعۡرِفُ فِي وُجُوهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱلۡمُنكَرَۖ يَكَادُونَ يَسۡطُونَ بِٱلَّذِينَ يَتۡلُونَ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتِنَاۗ قُلۡ أَفَأُنَبِّئُكُم بِشَرّٖ مِّن ذَٰلِكُمُۚ ٱلنَّارُ وَعَدَهَا ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ
72. Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, waxaad ka garan wejiyada kuwa gaalooba nac! Waxay ku sigtaan inay ku soo boodaan kuwa u akhriya Aayadahayaga. Dheh: “Ma idiin sheegaa wax waxakani ka xun [20]? waa Naarta, Alle wuxuu u yaboohay kuwa gaalada ah, iyadaana u xun meel la ahaado.
[20]. Ka daran cadhada aad u qabtaan kuwa akhriya Aayadaha Alle ama ka daran waxa aad ugu gooddisaan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
 
Firo maanaaji Simoore.: Simoore hajju
Loowdi cimooje ɗe Tonngoode hello ngon
 
Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Loowdi firooji ɗi

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddu