Check out the new design

Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Loowdi firooji ɗi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore.: Simoore hajju   Aaya.:
وَكَذَٰلِكَ أَنزَلۡنَٰهُ ءَايَٰتِۭ بَيِّنَٰتٖ وَأَنَّ ٱللَّهَ يَهۡدِي مَن يُرِيدُ
16. Sidaasaan u soo dejinnay (Qur’aankan) isagoo xujooyin cad ah, Allena wuxuu hanuuniyaa cidduu doono.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَٱلَّذِينَ هَادُواْ وَٱلصَّٰبِـِٔينَ وَٱلنَّصَٰرَىٰ وَٱلۡمَجُوسَ وَٱلَّذِينَ أَشۡرَكُوٓاْ إِنَّ ٱللَّهَ يَفۡصِلُ بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٌ
17. Hubaal, kuwa 'xaqa' rumeeyey (Muslimiinta) iyo kuwa heysta Yuhuudiyada, Saabi’iinta, Nasaarada, Majuusta iyo Mushrikiinta, Alle baa kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaamaha. Alle wax walba waa ka Markhaati oo Arkaa.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ يَسۡجُدُۤ لَهُۥۤ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ وَٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُ وَٱلنُّجُومُ وَٱلۡجِبَالُ وَٱلشَّجَرُ وَٱلدَّوَآبُّ وَكَثِيرٞ مِّنَ ٱلنَّاسِۖ وَكَثِيرٌ حَقَّ عَلَيۡهِ ٱلۡعَذَابُۗ وَمَن يُهِنِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِن مُّكۡرِمٍۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَفۡعَلُ مَا يَشَآءُ۩
18. Miyaadan ogeyn inay Alle u sujuudaan (oo adeecaan) waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada: qorraxda, dayaxa, xiddigaha, buuraha, geedaha, nafleyda dhul ku socodka ah, iyo in badan (oo dadka) ka mid ah, in badanna cadaabku u waajibay [3]. Qofkii uu Alle dulleeyo, ma leh wax darajeyn. Hubaal Alle wuxuu Falaa wuxuu doono.
[3]. Oo sidaas awgeed loo qoray oo qaddaray.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
۞ هَٰذَانِ خَصۡمَانِ ٱخۡتَصَمُواْ فِي رَبِّهِمۡۖ فَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ قُطِّعَتۡ لَهُمۡ ثِيَابٞ مِّن نَّارٖ يُصَبُّ مِن فَوۡقِ رُءُوسِهِمُ ٱلۡحَمِيمُ
19. Kuwani [4] waa labo is-haya ee isku haya arrinka Rabbigood, kuwa gaaloobay waxaa loo goyn maryo Naar ah, waxaana lagu shubi madaxyadooda korkooda biyo kulul oo karaya .
[4]. Waxaa loola jeedaa mu’miniinta iyo gaalada.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
يُصۡهَرُ بِهِۦ مَا فِي بُطُونِهِمۡ وَٱلۡجُلُودُ
20. Waxaa lagula dhalaaliyaa waxa ku jira uurarkoooda iyo haragga (jirkooda).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَلَهُم مَّقَٰمِعُ مِنۡ حَدِيدٖ
21. Waxay (gaaladu) ku mudan Naarta dubbayaal bir ah (oo lagu garaaco).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
كُلَّمَآ أَرَادُوٓاْ أَن يَخۡرُجُواْ مِنۡهَا مِنۡ غَمٍّ أُعِيدُواْ فِيهَا وَذُوقُواْ عَذَابَ ٱلۡحَرِيقِ
22. Mar kasta oo ay doonaan inay ka soo baxaan xaggeeda, murugada heysata darteed, dib baa loogu celiyaa (iyagoo lagu dhihi): “Dhadhamiya cadaabka gubashada leh."
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
إِنَّ ٱللَّهَ يُدۡخِلُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ يُحَلَّوۡنَ فِيهَا مِنۡ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٖ وَلُؤۡلُؤٗاۖ وَلِبَاسُهُمۡ فِيهَا حَرِيرٞ
23. Hubaal, Alle wuxuu gelin kuwa Xaqa rumeeyey oo samaha fala Jannooyin (beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, waxaa loo xidhi gudaheeda qurxin darteed jijimo dahab iyo luul ah, dharkooduna gudaheeda waa xadhiidh.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
 
Firo maanaaji Simoore.: Simoore hajju
Loowdi cimooje ɗe Tonngoode hello ngon
 
Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Loowdi firooji ɗi

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddu