Check out the new design

Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Loowdi firooji ɗi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore.: Simoorw Taahaa   Aaya.:
فَتَعَٰلَى ٱللَّهُ ٱلۡمَلِكُ ٱلۡحَقُّۗ وَلَا تَعۡجَلۡ بِٱلۡقُرۡءَانِ مِن قَبۡلِ أَن يُقۡضَىٰٓ إِلَيۡكَ وَحۡيُهُۥۖ وَقُل رَّبِّ زِدۡنِي عِلۡمٗا
114. Ee waxaa Sarreeya oo ka kor ah (dhammaan uumanka) Allaah, Boqorka Xaqa ah. Ee (Muxammadow) ha ku degdegin Qur'aanka (akhriskiisa) ka hor inta aan laguu dhammayn Waxyigiisa, oo dheh: “Rabbiyow ii kordhi cilmi.”
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَلَقَدۡ عَهِدۡنَآ إِلَىٰٓ ءَادَمَ مِن قَبۡلُ فَنَسِيَ وَلَمۡ نَجِدۡ لَهُۥ عَزۡمٗا
115. Waxaan dhab ahaan la galnay ballan Aadam mar hore [24], wuuse illoobay, kamana aanu helin go’aan adag.
[24]. Waxaa axdigaa lagu xusay Suuradda 2 Al-Baqara : Aayadda 35, wuxuuna Allaah halkan ku xusay inaan laga helin Aadam go’aan adag si uu uga hortago fidnada shaydaanka.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَإِذۡ قُلۡنَا لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ ٱسۡجُدُواْ لِأٓدَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآ إِبۡلِيسَ أَبَىٰ
116. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, wayna sujuudeen (dhammaan) Ibliis maahee, wuu diiday.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَقُلۡنَا يَٰٓـَٔادَمُ إِنَّ هَٰذَا عَدُوّٞ لَّكَ وَلِزَوۡجِكَ فَلَا يُخۡرِجَنَّكُمَا مِنَ ٱلۡجَنَّةِ فَتَشۡقَىٰٓ
117. Waxaanu nidhi: Aadamow! Kani (Ibliis) waa kuu cadow adiga iyo xaaskaagaba. Ee yuusan idinka saarin Jannada, si aydaan u dhibtoon.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
إِنَّ لَكَ أَلَّا تَجُوعَ فِيهَا وَلَا تَعۡرَىٰ
118. Waxaa kuu sugnaaday halkaan inaadan ku gaajoon kuna arradin.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَأَنَّكَ لَا تَظۡمَؤُاْ فِيهَا وَلَا تَضۡحَىٰ
119. Oo aad ku harraadeyn, qorrax kulkeedna kugu dhaceyn.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَوَسۡوَسَ إِلَيۡهِ ٱلشَّيۡطَٰنُ قَالَ يَٰٓـَٔادَمُ هَلۡ أَدُلُّكَ عَلَىٰ شَجَرَةِ ٱلۡخُلۡدِ وَمُلۡكٖ لَّا يَبۡلَىٰ
120. Markaasuu shaydaan si hoose wax ugu sheegay, isagoo ku leh: “Aadamow! Ma ku tusaa geedka waaridda iyo boqortooyo aan dhammaaneyn?”
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَأَكَلَا مِنۡهَا فَبَدَتۡ لَهُمَا سَوۡءَٰتُهُمَا وَطَفِقَا يَخۡصِفَانِ عَلَيۡهِمَا مِن وَرَقِ ٱلۡجَنَّةِۚ وَعَصَىٰٓ ءَادَمُ رَبَّهُۥ فَغَوَىٰ
121. Markaasay (Aadam iyo Xawwaa) wax ka cuneen (geedkii), saa waxaa u muuqday cawradoodii, waxayna billaabeen inay ku dhejiyaan (asturaan) korkooda caleemihii Jannada. Wuxuu Aadam ku caasiyey Rabbigi oo wuu habaabay [25].
[25]. Eeg sharaxa Suuradda 9 Al-Acraaf: Aayadda 19.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
ثُمَّ ٱجۡتَبَٰهُ رَبُّهُۥ فَتَابَ عَلَيۡهِ وَهَدَىٰ
122. Markaas waxaa doortay Rabbigiis wuuna ka tawbad aqbalay oo hanuuniyey.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
قَالَ ٱهۡبِطَا مِنۡهَا جَمِيعَۢاۖ بَعۡضُكُمۡ لِبَعۡضٍ عَدُوّٞۖ فَإِمَّا يَأۡتِيَنَّكُم مِّنِّي هُدٗى فَمَنِ ٱتَّبَعَ هُدَايَ فَلَا يَضِلُّ وَلَا يَشۡقَىٰ
123. (Alle) wuxuu yidhi: Ka dega (Jannadan) dhammaantiin, iyagoo qaarkiinba cadow u yahay qaar kale. Hadduu idiinka yimaado Xaggayga hanuun, qofkii raaca hanuunkayga ma ku lumayo (adduunkan), mana ku dar xumaanayo (Aakhirada).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَمَنۡ أَعۡرَضَ عَن ذِكۡرِي فَإِنَّ لَهُۥ مَعِيشَةٗ ضَنكٗا وَنَحۡشُرُهُۥ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ أَعۡمَىٰ
124. Qofkii se ka jeesta Xuskayga (Qur’aankan) wuxuu mudan nolol adag oo cidhiidhi ah, waxaana la soo kulmin Maalinta Qiyaamaha isagoo indha la'.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
قَالَ رَبِّ لِمَ حَشَرۡتَنِيٓ أَعۡمَىٰ وَقَدۡ كُنتُ بَصِيرٗا
125. Wuxuu odhan: Rabbiyow! Maxaad ii soo kulmisay (ii keentay Qiyaamada) anoo indha la’ anoo (hadda ka hor) wax arki jiray.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
 
Firo maanaaji Simoore.: Simoorw Taahaa
Loowdi cimooje ɗe Tonngoode hello ngon
 
Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Loowdi firooji ɗi

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddu