Check out the new design

Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Loowdi firooji ɗi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore.: Simoorw Taahaa   Aaya.:
فَأَخۡرَجَ لَهُمۡ عِجۡلٗا جَسَدٗا لَّهُۥ خُوَارٞ فَقَالُواْ هَٰذَآ إِلَٰهُكُمۡ وَإِلَٰهُ مُوسَىٰ فَنَسِيَ
88. Wuxuuna uga soo saaray (muuqaal) dibi oo cod leh. Waxayna yidhaahdeen: "Kan waa ilaahiinna iyo ilaaha Muuse, wuuse illoobay.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
أَفَلَا يَرَوۡنَ أَلَّا يَرۡجِعُ إِلَيۡهِمۡ قَوۡلٗا وَلَا يَمۡلِكُ لَهُمۡ ضَرّٗا وَلَا نَفۡعٗا
89. Miyeynan arkayn in aanu u soo celin kareyn kelmadna (wax jawaab ah), oo aanu u haynin dhib iyo dheef midna?.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَلَقَدۡ قَالَ لَهُمۡ هَٰرُونُ مِن قَبۡلُ يَٰقَوۡمِ إِنَّمَا فُتِنتُم بِهِۦۖ وَإِنَّ رَبَّكُمُ ٱلرَّحۡمَٰنُ فَٱتَّبِعُونِي وَأَطِيعُوٓاْ أَمۡرِي
90. Wuxuuna ku yidhi Haaruun kal hore (intaanu soo laaban Muuse):Tolkayow! Waxaad tihiin kuwo uun lagu imtixaanay arrintani, Rabbigiinna waa Raxmaanka ee i soo raaca, adeecana amarkayga.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
قَالُواْ لَن نَّبۡرَحَ عَلَيۡهِ عَٰكِفِينَ حَتَّىٰ يَرۡجِعَ إِلَيۡنَا مُوسَىٰ
91. Waxay yidhaahdeen: “Ma deyneyno caabudidda (dibiga) intuu nooga soo noqon Muuse.”
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
قَالَ يَٰهَٰرُونُ مَا مَنَعَكَ إِذۡ رَأَيۡتَهُمۡ ضَلُّوٓاْ
92. (Muuse) wuxuu yidhi: Haaruunow! Maxaa kuu diiday markaad aragtay inay lumeen.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
أَلَّا تَتَّبِعَنِۖ أَفَعَصَيۡتَ أَمۡرِي
93. Inaad I soo raacdo (oo ka soo tagto)? Ma waxaad caasiday amarkaygii?.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
قَالَ يَبۡنَؤُمَّ لَا تَأۡخُذۡ بِلِحۡيَتِي وَلَا بِرَأۡسِيٓۖ إِنِّي خَشِيتُ أَن تَقُولَ فَرَّقۡتَ بَيۡنَ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ وَلَمۡ تَرۡقُبۡ قَوۡلِي
94. (Haaruun) wuxuu yidhi: “Ina hooyow! Ha iga soo qaban garkeyga ama madaxeyga midkoodna. Anigu waxaan ka baqay inaad tidhaahdo: “Waxaad kala qaybisay ilmihii Israa’iil, mana aadan dhowrin (sugin) qowlkeyga.”
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
قَالَ فَمَا خَطۡبُكَ يَٰسَٰمِرِيُّ
95. (Muuse) wuxuu yidhi: “Muxuu yahay xaalkaagu Saamiriyow?
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
قَالَ بَصُرۡتُ بِمَا لَمۡ يَبۡصُرُواْ بِهِۦ فَقَبَضۡتُ قَبۡضَةٗ مِّنۡ أَثَرِ ٱلرَّسُولِ فَنَبَذۡتُهَا وَكَذَٰلِكَ سَوَّلَتۡ لِي نَفۡسِي
96. Wuxuu yidhi: “Waxaan arkay wax aysan arag. Waxaana ka soo qaaatay sacab muggi (oo carro ah) raadkii Rasuulka [18] (Faraskii Jabriil) oo aan ku tuuray [19]. Sidaasayna ii qurxisay nafteydu.
[18]. Raadka Rasuulka waxaa loola jeedaa Raadka qoobka faraskii uu watay Jabriil c.s. Waxaa kaloo lagu fasiray Raadka Rasuulka:Risaaladii Rasuulka oo ah sharciga uu la yimid Muuse, inuu Saamiri isaga tagay sharcigaas.
[19]. Dabkii lagu riday alaabadii ay isku qurxin jireen reer Fircoon si aan uga sameeyo sawir dibi.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
قَالَ فَٱذۡهَبۡ فَإِنَّ لَكَ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ أَن تَقُولَ لَا مِسَاسَۖ وَإِنَّ لَكَ مَوۡعِدٗا لَّن تُخۡلَفَهُۥۖ وَٱنظُرۡ إِلَىٰٓ إِلَٰهِكَ ٱلَّذِي ظَلۡتَ عَلَيۡهِ عَاكِفٗاۖ لَّنُحَرِّقَنَّهُۥ ثُمَّ لَنَنسِفَنَّهُۥ فِي ٱلۡيَمِّ نَسۡفًا
97. (Muuse) wuxuu yidhi: Tag oo naga fagow! Waxaa kuu sugnaaday noloshan inaad tidhaahdo: "Taabasho ma jirto" [20], waxaa kaloo leedahay ballan aad dib uga dhici doonin (oo ah cadaabka Aakhiro). Eegna ilaah ku sheeggaagii aad in door ah dul joogtay ee aad caabudaysay. Waanu gubi (oo aanu ka dhigi dambas) aanu badda ku firdhinno oo waxba aanu ka hari doonin.’
[20]. “ Ha i taabaannina” waa ciqaab ahaan adduunka, waayo waxaa la amray inay dadku u gooyaan si dhan oo waxba ku darsan. Aakhirona waxaa sugaya Naar olol badan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
إِنَّمَآ إِلَٰهُكُمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِي لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۚ وَسِعَ كُلَّ شَيۡءٍ عِلۡمٗا
98. Ilaahiinnu waa oo keliya Allaah, ee aanu jirin Ilaah (xaq ah) oo aan Isaga ahayn. Wuxuu ku koobay wax walba Cilmi.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
 
Firo maanaaji Simoore.: Simoorw Taahaa
Loowdi cimooje ɗe Tonngoode hello ngon
 
Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Loowdi firooji ɗi

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddu