Check out the new design

Traducción de los significados del Sagrado Corán - Traducción Somalí - Abdullah Hassan Yaqub * - Índice de traducciones

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Traducción de significados Capítulo: Al-Maaida   Versículo:
وَإِذَا نَادَيۡتُمۡ إِلَى ٱلصَّلَوٰةِ ٱتَّخَذُوهَا هُزُوٗا وَلَعِبٗاۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ قَوۡمٞ لَّا يَعۡقِلُونَ
58. Markaad u addintaan salaadda, waxay (gaaladu) ka dhigtaan jees jees iyo cayaar. Arrinkani waxaa ugu wacan waa qolo aan garasho lahayn.
Las Exégesis Árabes:
قُلۡ يَٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ هَلۡ تَنقِمُونَ مِنَّآ إِلَّآ أَنۡ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَمَآ أُنزِلَ إِلَيۡنَا وَمَآ أُنزِلَ مِن قَبۡلُ وَأَنَّ أَكۡثَرَكُمۡ فَٰسِقُونَ
59. Dheh: Ehlu-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ma waxaad nagu eedeysaan waxaan ahayn inaan rumeynay Allaah, iyo waxa naloo soo dejiyey oo Waxyi ah iyo wixii la soo dejiyey oo Waxyi ah awal hore, iyo inaad badankiin idinku tihiin caasiyaal.
Las Exégesis Árabes:
قُلۡ هَلۡ أُنَبِّئُكُم بِشَرّٖ مِّن ذَٰلِكَ مَثُوبَةً عِندَ ٱللَّهِۚ مَن لَّعَنَهُ ٱللَّهُ وَغَضِبَ عَلَيۡهِ وَجَعَلَ مِنۡهُمُ ٱلۡقِرَدَةَ وَٱلۡخَنَازِيرَ وَعَبَدَ ٱلطَّٰغُوتَۚ أُوْلَٰٓئِكَ شَرّٞ مَّكَانٗا وَأَضَلُّ عَن سَوَآءِ ٱلسَّبِيلِ
60. Dheh: Ma idiin sheegaa (waxa) ka meeqaan liita kani abaal marin ahaan xagga Alle, (waxaa ka meeqaan liita) kan uu Alle nacladay oo u cadhooday, oo uu ka yeelay daayeerro iyo doofaarro, iyo kan caabuday Shaydaanka; kuwaa baa u liita meeqaan ahaan aadna uga lunsan Jidka Toosan (ee Islaamka).
Las Exégesis Árabes:
وَإِذَا جَآءُوكُمۡ قَالُوٓاْ ءَامَنَّا وَقَد دَّخَلُواْ بِٱلۡكُفۡرِ وَهُمۡ قَدۡ خَرَجُواْ بِهِۦۚ وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا كَانُواْ يَكۡتُمُونَ
61. Markay idiin yimaadaan waxay yidhaahdaan: Waanu rumeynay (Xaqa); iyagoo xaqiiq la soo gala gaalnimo, oo la baxa. Alle wuu og yahay waxay qarin.
Las Exégesis Árabes:
وَتَرَىٰ كَثِيرٗا مِّنۡهُمۡ يُسَٰرِعُونَ فِي ٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡعُدۡوَٰنِ وَأَكۡلِهِمُ ٱلسُّحۡتَۚ لَبِئۡسَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
62. Waxaad arkeysaa in badan oo ka mid ah oo kula tartamaya midkoodba kan kale u degdegidda denbiga iyo xad gudubka, iyo cunistooda waxa xaq darrada lagu kasbado. Xumaan badanaa waxay falaan.
Las Exégesis Árabes:
لَوۡلَا يَنۡهَىٰهُمُ ٱلرَّبَّٰنِيُّونَ وَٱلۡأَحۡبَارُ عَن قَوۡلِهِمُ ٱلۡإِثۡمَ وَأَكۡلِهِمُ ٱلسُّحۡتَۚ لَبِئۡسَ مَا كَانُواْ يَصۡنَعُونَ
63. Maxay uga reebi waayeen Rabbi yaqaannada iyo culimadu hadalkooda denbiga ah iyo cuniddooda waxa xaqdarrada lagu kasbado. Xumaan badanaa waxay sameeyaan.
Las Exégesis Árabes:
وَقَالَتِ ٱلۡيَهُودُ يَدُ ٱللَّهِ مَغۡلُولَةٌۚ غُلَّتۡ أَيۡدِيهِمۡ وَلُعِنُواْ بِمَا قَالُواْۘ بَلۡ يَدَاهُ مَبۡسُوطَتَانِ يُنفِقُ كَيۡفَ يَشَآءُۚ وَلَيَزِيدَنَّ كَثِيرٗا مِّنۡهُم مَّآ أُنزِلَ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَ طُغۡيَٰنٗا وَكُفۡرٗاۚ وَأَلۡقَيۡنَا بَيۡنَهُمُ ٱلۡعَدَٰوَةَ وَٱلۡبَغۡضَآءَ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ كُلَّمَآ أَوۡقَدُواْ نَارٗا لِّلۡحَرۡبِ أَطۡفَأَهَا ٱللَّهُۚ وَيَسۡعَوۡنَ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَسَادٗاۚ وَٱللَّهُ لَا يُحِبُّ ٱلۡمُفۡسِدِينَ
64. Yuhuuddu waxay yidhaahdeen: Gacanta Alle way xidhan tahay! Gacmahoodu baa la xidhi oo waxaa loo nacladaa waxay ku hadleen dartii. Mayee, Labadiisa Gacmood way fidsan yihiin. Wuxuu (Alle) wax u baxshaa siduu doono. Wuxuu u kordhiyaa kuwo badan oo ka mid ah iyaga waxa lagaaga soo dejiyey oo Waxyi ah xagga Rabbigaa xadgudub iyo gaalnimo. Waxaana dhignay cadaawad iyo isnac dhexdooda ilaa Maalinta Qiyaamaha; Mar kasta oo ay huriyaan dab dagaal, Alle baa damiya; waxayna ku dadaalaan inay ku fidiyaan fasahaad arlada. Alle ma jecla kuwa fasahaad falayaasha ah.
Las Exégesis Árabes:
 
Traducción de significados Capítulo: Al-Maaida
Índice de Capítulos Número de la página
 
Traducción de los significados del Sagrado Corán - Traducción Somalí - Abdullah Hassan Yaqub - Índice de traducciones

Traducida por Abdullah Hassan Yaqub.

Cerrar