Check out the new design

Traducción de los significados del Sagrado Corán - Traducción Somalí - Abdullah Hassan Yaqub * - Índice de traducciones

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Traducción de significados Capítulo: Al-Baqara   Versículo:
إِنَّ فِي خَلۡقِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَٱخۡتِلَٰفِ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ وَٱلۡفُلۡكِ ٱلَّتِي تَجۡرِي فِي ٱلۡبَحۡرِ بِمَا يَنفَعُ ٱلنَّاسَ وَمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مِن مَّآءٖ فَأَحۡيَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَا وَبَثَّ فِيهَا مِن كُلِّ دَآبَّةٖ وَتَصۡرِيفِ ٱلرِّيَٰحِ وَٱلسَّحَابِ ٱلۡمُسَخَّرِ بَيۡنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
164. Dhab ahaan abuurista samooyinka iyo arlada iyo is dhaafka habeenka iyo maalinta iyo doonyaha kula dhex maaxa badda wax anfaca dadka, iyo wuxuu Alle ka soo shubo daruuraha oo biyo (roob) ah ee uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, oo uu ku fidsho gudaheeda (nooc) kasta ee nafleyda ah, iyo isbeddelka dabeylaha iyo daruuraha la sakhiray samooyinka iyo arlada dhexdooda, waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii garasho leh.
Las Exégesis Árabes:
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَتَّخِذُ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَندَادٗا يُحِبُّونَهُمۡ كَحُبِّ ٱللَّهِۖ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَشَدُّ حُبّٗا لِّلَّهِۗ وَلَوۡ يَرَى ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ إِذۡ يَرَوۡنَ ٱلۡعَذَابَ أَنَّ ٱلۡقُوَّةَ لِلَّهِ جَمِيعٗا وَأَنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعَذَابِ
165. Waxaa ka mid ah dadka kuwo yeesha Alle sokadi wax ay la mid dhigaan oo u shariig yeelaan ayna u jecel yihiin siday u jecel yihiin Alle. Kuwase (Xaqa) rumeysan ayaa ka daran oo xooggan jaceylka ay u hayaan Alle. Hadday arki lahaayeenna kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale), markay arkaan cadaabka, in Xoog oo dhan uu leeyahay Alle, iyo in Alle uu Daran yahay Cadaabkiisu.
Las Exégesis Árabes:
إِذۡ تَبَرَّأَ ٱلَّذِينَ ٱتُّبِعُواْ مِنَ ٱلَّذِينَ ٱتَّبَعُواْ وَرَأَوُاْ ٱلۡعَذَابَ وَتَقَطَّعَتۡ بِهِمُ ٱلۡأَسۡبَابُ
166. Marka kuwii la raacay (ee madaxda ahaa) iska barii yeelaan kuwii raacay, oo ay arkaan cadaabka, oo uu kala go'o xidhiidhkoodii.
Las Exégesis Árabes:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ ٱتَّبَعُواْ لَوۡ أَنَّ لَنَا كَرَّةٗ فَنَتَبَرَّأَ مِنۡهُمۡ كَمَا تَبَرَّءُواْ مِنَّاۗ كَذَٰلِكَ يُرِيهِمُ ٱللَّهُ أَعۡمَٰلَهُمۡ حَسَرَٰتٍ عَلَيۡهِمۡۖ وَمَا هُم بِخَٰرِجِينَ مِنَ ٱلنَّارِ
167. Kuwii raacayna waxay odhan: Haddii uun aan lahaan laheyn dib u laabasho (adduunka), markaa waxaan uga barii noqon lahayn siday nooga barii noqdeen. Sidaasuu Alle u tusi acmaashooda oo qoomammo daran ku ah. Ma ahana kuwo laga soo bixin Naarta.
Las Exégesis Árabes:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ كُلُواْ مِمَّا فِي ٱلۡأَرۡضِ حَلَٰلٗا طَيِّبٗا وَلَا تَتَّبِعُواْ خُطُوَٰتِ ٱلشَّيۡطَٰنِۚ إِنَّهُۥ لَكُمۡ عَدُوّٞ مُّبِينٌ
168. Dadow! Ka cuna xalaasha wanaagsan waxa laga helo dhulka [34], hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal wuxuu idiin yahay cadow cad.
[34]. Waxaa la soo weriyey in Sacad bin Abii Waqqaas a.k.r. ku yidhi Nabiga s.c.w.: Alle ii bari inuu ducadayda aqbalo. Markaasuu Nabigu s.c.w. ku yidhi: Ahow xalaal quute, markaas ducadaada waa la aqbali.
Las Exégesis Árabes:
إِنَّمَا يَأۡمُرُكُم بِٱلسُّوٓءِ وَٱلۡفَحۡشَآءِ وَأَن تَقُولُواْ عَلَى ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ
169. Wuxuu (Shaydaan) uun idinku amraa macsi iyo xumaan [35], iyo inaad ka sheegtaan Alle wax aydaan u lahayn aqoon.
[35]. Sida zinada, ku daadinta dhiig xaq darro, xatooyada, cabbista khamrada, ribada, iwm.
Las Exégesis Árabes:
 
Traducción de significados Capítulo: Al-Baqara
Índice de Capítulos Número de página
 
Traducción de los significados del Sagrado Corán - Traducción Somalí - Abdullah Hassan Yaqub - Índice de traducciones

Traducida por Abdullah Hassan Yaqub.

Cerrar