Check out the new design

Traducción de los significados del Sagrado Corán - Traducción Somalí - Abdullah Hassan Yaqub * - Índice de traducciones

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Traducción de significados Capítulo: Al-Israa   Versículo:
۞ قُلۡ كُونُواْ حِجَارَةً أَوۡ حَدِيدًا
50. Dheh: Noqda dhagxaan ama bir.
Las Exégesis Árabes:
أَوۡ خَلۡقٗا مِّمَّا يَكۡبُرُ فِي صُدُورِكُمۡۚ فَسَيَقُولُونَ مَن يُعِيدُنَاۖ قُلِ ٱلَّذِي فَطَرَكُمۡ أَوَّلَ مَرَّةٖۚ فَسَيُنۡغِضُونَ إِلَيۡكَ رُءُوسَهُمۡ وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هُوَۖ قُلۡ عَسَىٰٓ أَن يَكُونَ قَرِيبٗا
51. Ama abuur kale ka mid ah waxaa ay aad u adag tahay (in la siiyo nolol) siday idinkula tahay maankiinna.Waxay odhan: Yaa na soo celin? Dheh: Kan idin abuuray kal horeba! Markaa waxay ruxi madaxya- dooda xaggaaga iyagoo leh: Waa goorma? dheh: Waa intaasoo uu dhow yahay.
Las Exégesis Árabes:
يَوۡمَ يَدۡعُوكُمۡ فَتَسۡتَجِيبُونَ بِحَمۡدِهِۦ وَتَظُنُّونَ إِن لَّبِثۡتُمۡ إِلَّا قَلِيلٗا
52. Maalinta uu idiin yeedhi, oo aad ajiibi idinkoo u jeedin ammaan, waxaadna moodi inaydan nagaanin wax yar ma’ahee.
Las Exégesis Árabes:
وَقُل لِّعِبَادِي يَقُولُواْ ٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُۚ إِنَّ ٱلشَّيۡطَٰنَ يَنزَغُ بَيۡنَهُمۡۚ إِنَّ ٱلشَّيۡطَٰنَ كَانَ لِلۡإِنسَٰنِ عَدُوّٗا مُّبِينٗا
53. Ku dheh addoomahayga (inay) ku hadlaan hadal kan u wanaagsan. Hubaal Shaydaanku wuxuu ka dhex abuuraa is nac, kala fogaansho iyo is af garan waa’. Shaydaanna aadmiga abad waa u cadow cad.
Las Exégesis Árabes:
رَّبُّكُمۡ أَعۡلَمُ بِكُمۡۖ إِن يَشَأۡ يَرۡحَمۡكُمۡ أَوۡ إِن يَشَأۡ يُعَذِّبۡكُمۡۚ وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ عَلَيۡهِمۡ وَكِيلٗا
54. Rabbigiin baa aad idin yaqaan, hadduu doono, wuu idiin naxariisan, ama hadduu doono, wuu idin cadaabi, kuugumana aanu soo dirin 'Nabiyow' inaad wakiil ka ahaato.
Las Exégesis Árabes:
وَرَبُّكَ أَعۡلَمُ بِمَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ وَلَقَدۡ فَضَّلۡنَا بَعۡضَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ عَلَىٰ بَعۡضٖۖ وَءَاتَيۡنَا دَاوُۥدَ زَبُورٗا
55. Rabbigaa baana aad u ogsoon waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Waxaan dhab ahaan ka kormarinnay qaar ka mid ah anbiyada qaar kale, Waxaana siinnay Daawuud Zabuur.
Las Exégesis Árabes:
قُلِ ٱدۡعُواْ ٱلَّذِينَ زَعَمۡتُم مِّن دُونِهِۦ فَلَا يَمۡلِكُونَ كَشۡفَ ٱلضُّرِّ عَنكُمۡ وَلَا تَحۡوِيلًا
56. Dheh: Bal u yeedha kuwa aad sheegtaan (baridaan Alle) Sokadi [19], ma laha awood ay idiinka feydaan waxyeello ama idiinka wareejiyaan (cid kale).
[19]. Waxay u nisbeeyaan Rabbigood inay shuruko la yihiin ee leh asnaam, malaa’ig, jin, anbiyo, awliyo, iwm.
Las Exégesis Árabes:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ يَبۡتَغُونَ إِلَىٰ رَبِّهِمُ ٱلۡوَسِيلَةَ أَيُّهُمۡ أَقۡرَبُ وَيَرۡجُونَ رَحۡمَتَهُۥ وَيَخَافُونَ عَذَابَهُۥٓۚ إِنَّ عَذَابَ رَبِّكَ كَانَ مَحۡذُورٗا
57. Kuwaas ay baryaan (caabudaan), iyaga naf ahaantooda ayaa doona asbaabta u dhowaanshaha Rabbigood [20]– koodii ugu dhowaansho badnaan - waxayna rajeeyaan Naxariistiisa, oo ka cabasadaan Cadaabkii- sa. Cadaabka Rabbigaana waa wax laga digtoonaado.
[20]. Waxay mushrikiinta caabudeen Nabigii Alle ee Ciise c.s. iyo malaa’igta, iyo qeyrkoodba, oo ka yeesheen wax u dhoweeya oo ku xiriirsha Alle. Tafsiir kale waa inay Raalli geliyaan, iyagoo qiraya Sarreyntiisa.
Las Exégesis Árabes:
وَإِن مِّن قَرۡيَةٍ إِلَّا نَحۡنُ مُهۡلِكُوهَا قَبۡلَ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ أَوۡ مُعَذِّبُوهَا عَذَابٗا شَدِيدٗاۚ كَانَ ذَٰلِكَ فِي ٱلۡكِتَٰبِ مَسۡطُورٗا
58. Ma jirto magaalo aynu halaageyn ka hor Maalinta Qiyaame ama aynu cadaabeyn cadaab daran: kani wuxuu ku qoran yahay Kitaabka (Looxa Maxfuudka).
Las Exégesis Árabes:
 
Traducción de significados Capítulo: Al-Israa
Índice de Capítulos Número de página
 
Traducción de los significados del Sagrado Corán - Traducción Somalí - Abdullah Hassan Yaqub - Índice de traducciones

Traducida por Abdullah Hassan Yaqub.

Cerrar