Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Al-Jinn   Verse:

Al-jin

قُلۡ أُوحِيَ إِلَيَّ أَنَّهُ ٱسۡتَمَعَ نَفَرٞ مِّنَ ٱلۡجِنِّ فَقَالُوٓاْ إِنَّا سَمِعۡنَا قُرۡءَانًا عَجَبٗا
1. (Nabi Muxammadow) dheh: Waxaa la ii waxyooday inay koox Jin ahi dhegaysteen (Qur’aanka). Markaasay yidhaahdeen: Waxaanu maqallay Qur'aan cajab leh.
Arabic Tafsirs:
يَهۡدِيٓ إِلَى ٱلرُّشۡدِ فَـَٔامَنَّا بِهِۦۖ وَلَن نُّشۡرِكَ بِرَبِّنَآ أَحَدٗا
2. Oo wax ku hanuunin dhabbaha toosan ee abbaarta ah, markaasaan rumeynay, umana shariig yeeleyno cidna Rabbigayo.
Arabic Tafsirs:
وَأَنَّهُۥ تَعَٰلَىٰ جَدُّ رَبِّنَا مَا ٱتَّخَذَ صَٰحِبَةٗ وَلَا وَلَدٗا
3. Waxaa sarreeya Sharafta iyo Haybadda (Alle) Rabbigeen, ma uusan yeelan xaas iyo ilmo midna [1].
[1]. Waxay qaarkood rumeysnaayeen jinku inuu Allaah leeyahay xaas iyo ilmo, laakiin kaddib markay soo Islameen waa ka hareen odhaahdaasi xun iyo caqiidadaas gurracan oo ka hufeen Alle inuu leeyahay wiil ama gabdho ama shariigyo.
Arabic Tafsirs:
وَأَنَّهُۥ كَانَ يَقُولُ سَفِيهُنَا عَلَى ٱللَّهِ شَطَطٗا
4. Wuxuu ahaa kan maan gaabka ahi [2] ee dhexdeenna ah mid ka sheega hadallo xadgudub ah aan habbooneyn Alle.
[2]. Ibliis. Waxaa sidoo kale lagu fasiri karaa wadar ahaan, markaas waa in la yidhaahdo: “iyo in kuweenna maangaabka ahi ee naga mid ah”.
Arabic Tafsirs:
وَأَنَّا ظَنَنَّآ أَن لَّن تَقُولَ ٱلۡإِنسُ وَٱلۡجِنُّ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗا
5. Waxaan u malaynaynay inaysan dadka iyo jinkaba ka been sheegin Alle.
Arabic Tafsirs:
وَأَنَّهُۥ كَانَ رِجَالٞ مِّنَ ٱلۡإِنسِ يَعُوذُونَ بِرِجَالٖ مِّنَ ٱلۡجِنِّ فَزَادُوهُمۡ رَهَقٗا
6. Waxay rag ku jira dadka magan galayeen rag ku jira jinka, markaasay u kordhiyeen dhib iyo culeys (denbi).
Arabic Tafsirs:
وَأَنَّهُمۡ ظَنُّواْ كَمَا ظَنَنتُمۡ أَن لَّن يَبۡعَثَ ٱللَّهُ أَحَدٗا
7. Waxay moodeen sidaad idinkuba mooddeen inuusan Alle ka soo bixineyn (iilka) qofna.
Arabic Tafsirs:
وَأَنَّا لَمَسۡنَا ٱلسَّمَآءَ فَوَجَدۡنَٰهَا مُلِئَتۡ حَرَسٗا شَدِيدٗا وَشُهُبٗا
8. Waxaan doonnay inaan gaarno samada, waxaanse la kulannay iyadoo laga buuxiyey ilaalooyin adag iyo danabyo.
Arabic Tafsirs:
وَأَنَّا كُنَّا نَقۡعُدُ مِنۡهَا مَقَٰعِدَ لِلسَّمۡعِۖ فَمَن يَسۡتَمِعِ ٱلۡأٓنَ يَجِدۡ لَهُۥ شِهَابٗا رَّصَدٗا
9. Waxaan ka fadhiisan jirnay rugag laga fadhiisto si aan u raaricinno maqalka, kiise (isku dayaa) inuu wax soo dhegaysto haatan wuxuu la kulmayaa danab sugaya.
Arabic Tafsirs:
وَأَنَّا لَا نَدۡرِيٓ أَشَرٌّ أُرِيدَ بِمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ أَمۡ أَرَادَ بِهِمۡ رَبُّهُمۡ رَشَدٗا
10. Ma ogin in shar lala maagay waxa jooga dhulka korkiisa, ama in Rabbigood la doonay hanuun toosan.
Arabic Tafsirs:
وَأَنَّا مِنَّا ٱلصَّٰلِحُونَ وَمِنَّا دُونَ ذَٰلِكَۖ كُنَّا طَرَآئِقَ قِدَدٗا
11. Waxaa naga mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo kaleba aan sidaasi ahayn, waxaanu nahay kooxo raaca dariiqooyin kala duwan.
Arabic Tafsirs:
وَأَنَّا ظَنَنَّآ أَن لَّن نُّعۡجِزَ ٱللَّهَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَن نُّعۡجِزَهُۥ هَرَبٗا
12. Waxaan hubnaa inaan uga fakan karin (ciqaabka) Alle dhulka, oo ugama fakan karno (ciqaabka) carar.
Arabic Tafsirs:
وَأَنَّا لَمَّا سَمِعۡنَا ٱلۡهُدَىٰٓ ءَامَنَّا بِهِۦۖ فَمَن يُؤۡمِنۢ بِرَبِّهِۦ فَلَا يَخَافُ بَخۡسٗا وَلَا رَهَقٗا
13. Markaan maqallay Hanuunkana waan rumaynay, qofkii rumeeya Rabbigi (Alle) kama baqo nuqsaan ajar ama dulmi midna.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Al-Jinn
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close