Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Al-A‘rāf   Verse:
۞ وَإِذۡ نَتَقۡنَا ٱلۡجَبَلَ فَوۡقَهُمۡ كَأَنَّهُۥ ظُلَّةٞ وَظَنُّوٓاْ أَنَّهُۥ وَاقِعُۢ بِهِمۡ خُذُواْ مَآ ءَاتَيۡنَٰكُم بِقُوَّةٖ وَٱذۡكُرُواْ مَا فِيهِ لَعَلَّكُمۡ تَتَّقُونَ
171. (Xus) markaan gilgilnay buurtii (Siinaay) dushooda sidii isagoo harayn dallad oo kale, waxayna moodeen inuu ku soo kor dhacayo. (Waxaanu ku nidhi): Ku qaata waxaanu idin siiinnay (Towraadda) go’aan adag, oo xusuusnaada waxa ku yaal si aad uga dhowrsataan (shirkiga iyo xumaha kale).
Arabic Tafsirs:
وَإِذۡ أَخَذَ رَبُّكَ مِنۢ بَنِيٓ ءَادَمَ مِن ظُهُورِهِمۡ ذُرِّيَّتَهُمۡ وَأَشۡهَدَهُمۡ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمۡ أَلَسۡتُ بِرَبِّكُمۡۖ قَالُواْ بَلَىٰ شَهِدۡنَآۚ أَن تَقُولُواْ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ إِنَّا كُنَّا عَنۡ هَٰذَا غَٰفِلِينَ
172. Oo (xus) markuu Rabbigaa ka soo saaray ilma Aadam dhabarradooda durriyadooda oo uu uga markhaati dhigay nafahooda: Miyaan Anigu ahayn Rabbigiin? Waxay yidhaahdeen: Haayoo! Markhaati baan ka nahay. Waa si aydaan u odhan Maalinta Qiyaamaha: Waxaan Innagu ahayn kuwo arrinkani moogganaa.
Arabic Tafsirs:
أَوۡ تَقُولُوٓاْ إِنَّمَآ أَشۡرَكَ ءَابَآؤُنَا مِن قَبۡلُ وَكُنَّا ذُرِّيَّةٗ مِّنۢ بَعۡدِهِمۡۖ أَفَتُهۡلِكُنَا بِمَا فَعَلَ ٱلۡمُبۡطِلُونَ
173. Ama aydaan u odhan: Waxaa wax la wadaajiyey (Alle cibaadada) aabbayaasha- yadii awal hore [10], waxaan innaguna aheyn durriyad timid iyaga kaddib; ee ma waxaad noo halaageysaa waxay faleen baadil raaca?
[10]. Si aanay u odhan mushrikiinta in aabbayaashood ay yihiin kuwa la wadaajiyey cid kale (cibaadada) Alle. Mana ay garaneyn inuu shirkigu yahay denbi iyo gef weyn iyo gardarro, ma garanayn dariiq kale aan ahayn inay raacaan aabbayaashood, sida awgeed waxay iyagu qabaan inaysan mudneyn cadaab sbabta gefka aabbayaashood.
Arabic Tafsirs:
وَكَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ وَلَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ
174. Sidaasaan u caddeynaa Aayadaha iyo inay u soo laabtaan (Xaqa).
Arabic Tafsirs:
وَٱتۡلُ عَلَيۡهِمۡ نَبَأَ ٱلَّذِيٓ ءَاتَيۡنَٰهُ ءَايَٰتِنَا فَٱنسَلَخَ مِنۡهَا فَأَتۡبَعَهُ ٱلشَّيۡطَٰنُ فَكَانَ مِنَ ٱلۡغَاوِينَ
175. U akhri (Nabiyow) warka ninkii [11] aan siinnay Aayadahayaga, ha yeeshee ka siibtay iyagii oo sheydaan duufsaday, ee ka mid noqday kuwa habowsan.
[11]. Reer banii Israa'iil ahaa waa Balaam ina Bocor.
Arabic Tafsirs:
وَلَوۡ شِئۡنَا لَرَفَعۡنَٰهُ بِهَا وَلَٰكِنَّهُۥٓ أَخۡلَدَ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ وَٱتَّبَعَ هَوَىٰهُۚ فَمَثَلُهُۥ كَمَثَلِ ٱلۡكَلۡبِ إِن تَحۡمِلۡ عَلَيۡهِ يَلۡهَثۡ أَوۡ تَتۡرُكۡهُ يَلۡهَثۚ ذَّٰلِكَ مَثَلُ ٱلۡقَوۡمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَاۚ فَٱقۡصُصِ ٱلۡقَصَصَ لَعَلَّهُمۡ يَتَفَكَّرُونَ
176. Haddaan doonno kor ayaan ugu soo qaadi laheyn, laakiinse dhulka buu isku dhajiyey oo raacay hawadiisa. Marka waxaa uu ka dhigan yahay sida Eeyga, haddaad eryato carrabka laalaadsha; haddaad iska deysana weli laalaadsha carrabkiisa; kani waa mataalka dadka beeniya Aayadahayaga. Ee uga qisee qisooyinka bal inay fakaraan.
Arabic Tafsirs:
سَآءَ مَثَلًا ٱلۡقَوۡمُ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا وَأَنفُسَهُمۡ كَانُواْ يَظۡلِمُونَ
177. Xumaa mataalka qoloda beeniya Aayadahayaga, nafahoodana dulmiya.
Arabic Tafsirs:
مَن يَهۡدِ ٱللَّهُ فَهُوَ ٱلۡمُهۡتَدِيۖ وَمَن يُضۡلِلۡ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ
178. Qofkii Alle hanuuniyo uun baa hanuunsan, qofkiina uu dhumiyo [12], waa kuwaa kuwa khasaaray.
[12]. Ku adkeysashadiisa denbiga iyo diiddadiisa Xaqa darteed.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Al-A‘rāf
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close