Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: At-Talāq   Verse:
أَسۡكِنُوهُنَّ مِنۡ حَيۡثُ سَكَنتُم مِّن وُجۡدِكُمۡ وَلَا تُضَآرُّوهُنَّ لِتُضَيِّقُواْ عَلَيۡهِنَّۚ وَإِن كُنَّ أُوْلَٰتِ حَمۡلٖ فَأَنفِقُواْ عَلَيۡهِنَّ حَتَّىٰ يَضَعۡنَ حَمۡلَهُنَّۚ فَإِنۡ أَرۡضَعۡنَ لَكُمۡ فَـَٔاتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ وَأۡتَمِرُواْ بَيۡنَكُم بِمَعۡرُوفٖۖ وَإِن تَعَاسَرۡتُمۡ فَسَتُرۡضِعُ لَهُۥٓ أُخۡرَىٰ
6. Dejiya (haweenka ciddada ku jira) meeshaad deggan tihiin, hadba sida karaankiinnu yahay, hana dhibina si aad u gelisaan cidhiidhi [6]. Hadday leeyihiinna uur, masruufa intay ka dhigaan culeyskooda (dhalaan). Markaas hadday idiin nuujiyaan (ilmaha), siiya gunnadooda, oo is amra dhexdiinna sama falka, haddaad is khilaaftaanna mid kale ayaa u nuujin [7].
[6]. Dhanka hab dhaqanka, degaanka iyo masruufka si ay isu madax furtaan.
[7]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 233.
Arabic Tafsirs:
لِيُنفِقۡ ذُو سَعَةٖ مِّن سَعَتِهِۦۖ وَمَن قُدِرَ عَلَيۡهِ رِزۡقُهُۥ فَلۡيُنفِقۡ مِمَّآ ءَاتَىٰهُ ٱللَّهُۚ لَا يُكَلِّفُ ٱللَّهُ نَفۡسًا إِلَّا مَآ ءَاتَىٰهَاۚ سَيَجۡعَلُ ٱللَّهُ بَعۡدَ عُسۡرٖ يُسۡرٗا
7. Kan ladani wax ha ka bixiyo maalka loo waasiciyey. Kii ilaha ay wax ka soo galaan cidhiidhi yihiin, ha bixiyo wax ka mid ah wuxuu Alle siiyey. Alle kuma kallifo nafna wuxuusan siin. Alle wuxuu keeni faraj iyo fudayd dhibaatada kaddib.
Arabic Tafsirs:
وَكَأَيِّن مِّن قَرۡيَةٍ عَتَتۡ عَنۡ أَمۡرِ رَبِّهَا وَرُسُلِهِۦ فَحَاسَبۡنَٰهَا حِسَابٗا شَدِيدٗا وَعَذَّبۡنَٰهَا عَذَابٗا نُّكۡرٗا
8. Badanaa inta magaalo ku caasiday Amarka Rabbigeed iyo Rusushiisa, markaas aan ugu yeernay xisaab daran (adduunka), oo aan ku cadaabi cadaab adag (Aakhirada).
Arabic Tafsirs:
فَذَاقَتۡ وَبَالَ أَمۡرِهَا وَكَانَ عَٰقِبَةُ أَمۡرِهَا خُسۡرًا
9. Oo dhadhamisay cidhib xumadii arrinkeeda, cidhibteedana ku dambeysey khasaaro.
Arabic Tafsirs:
أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُمۡ عَذَابٗا شَدِيدٗاۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ يَٰٓأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۚ قَدۡ أَنزَلَ ٱللَّهُ إِلَيۡكُمۡ ذِكۡرٗا
10. Alle wuxuu u diyaariyey kuwaa cadaab daran. Ee dhowra (amarrada) Alle oo iska jira xumaha wax garadkow (Xaqa) rumeeyey. Wuxuu Alle idiin soo dejiyey Waano (Qur’aankan).
Arabic Tafsirs:
رَّسُولٗا يَتۡلُواْ عَلَيۡكُمۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ مُبَيِّنَٰتٖ لِّيُخۡرِجَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ مِنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِۚ وَمَن يُؤۡمِنۢ بِٱللَّهِ وَيَعۡمَلۡ صَٰلِحٗا يُدۡخِلۡهُ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ قَدۡ أَحۡسَنَ ٱللَّهُ لَهُۥ رِزۡقًا
11. Rasuulna (wuu idiin soo diray) idiin akhriya Aayadaha Alle ee cad, si uu ugaga saaro kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala mugdiyada xagga Nuurka; qofkii rumeeya Alle oo sama fala, Wuxuu galin Jannooyin ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya waligood. Alle Waa uu wanaajiyey kaasi risiqa.
Arabic Tafsirs:
ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَ سَبۡعَ سَمَٰوَٰتٖ وَمِنَ ٱلۡأَرۡضِ مِثۡلَهُنَّۖ يَتَنَزَّلُ ٱلۡأَمۡرُ بَيۡنَهُنَّ لِتَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ وَأَنَّ ٱللَّهَ قَدۡ أَحَاطَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عِلۡمَۢا
12. Alle waa Kan abuuray toddoba samood, arladana intaa oo kale 'ka abuuray' [8]. Amarkiisa ka soo dego dhexdooda, si aad u ogaataan inuu Alle wax walba Karo iyo in Alle ku koobo wax walba ogaal.
[8]. Macnaha waa tiro la mid ah: toddobo arlo. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii dulmiyaa oo ku qaata xaq darro taako dhul ah, waxaa qoorta loo suraa Maalinta Qiyaamaha toddobo dhul”.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: At-Talāq
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close