Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Ar-Rahmān   Verse:
مَرَجَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ يَلۡتَقِيَانِ
19. Wuxuu dareersiiyey labada badood [4] iyagoo kulmi.
[4]. Labada badood: Midda biyaha macaan iyo midda biyaha dhanaan.
Arabic Tafsirs:
بَيۡنَهُمَا بَرۡزَخٞ لَّا يَبۡغِيَانِ
20. Dhexdooda waxaa ah shareer (soohdin), iskuma xad gudbaan.
Arabic Tafsirs:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
21. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
Arabic Tafsirs:
يَخۡرُجُ مِنۡهُمَا ٱللُّؤۡلُؤُ وَٱلۡمَرۡجَانُ
22. Waxaa ka soo baxa labadaba luul mid weyn iyo mid yarba.
Arabic Tafsirs:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
23. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
Arabic Tafsirs:
وَلَهُ ٱلۡجَوَارِ ٱلۡمُنشَـَٔاتُ فِي ٱلۡبَحۡرِ كَٱلۡأَعۡلَٰمِ
24. Isagaa (Alle) leh doonyaha dhex maaxa [5] badda ee buuraha la moodo.
[5]. Haddii loo akhriyo munshi’aatu markaas macnuhu wuxuu noqon ka muuqda.
Arabic Tafsirs:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
25. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
Arabic Tafsirs:
كُلُّ مَنۡ عَلَيۡهَا فَانٖ
26. Dhammaan waxa dhulka korkiisa ah way dhiman.
Arabic Tafsirs:
وَيَبۡقَىٰ وَجۡهُ رَبِّكَ ذُو ٱلۡجَلَٰلِ وَٱلۡإِكۡرَامِ
27. Waxaase waari abadki Wejiga Rabbigaa Haybadda iyo Sharafta Badan.
Arabic Tafsirs:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
28. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
Arabic Tafsirs:
يَسۡـَٔلُهُۥ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ كُلَّ يَوۡمٍ هُوَ فِي شَأۡنٖ
29. Waxaa wax weydiista (Alle) waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Goor kasta wuxuu agaasimaa arrin.
Arabic Tafsirs:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
30. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
Arabic Tafsirs:
سَنَفۡرُغُ لَكُمۡ أَيُّهَ ٱلثَّقَلَانِ
31. Waanu idinla xisaabtami labadiinna ciidammow culculus [6].
[6]. Waxaa loola jeedaa labadaa culculus dadka iyo jinka.
Arabic Tafsirs:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
32. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
Arabic Tafsirs:
يَٰمَعۡشَرَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ إِنِ ٱسۡتَطَعۡتُمۡ أَن تَنفُذُواْ مِنۡ أَقۡطَارِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ فَٱنفُذُواْۚ لَا تَنفُذُونَ إِلَّا بِسُلۡطَٰنٖ
33. Kulanka jinka iyo insigoow! Haddaad kartaan inaad ka soo gudubtaan nawaaxiga cirarka iyo dhulka, ka soo gudba. Ma ka soo gudbi kartaan amar la'aan (xag Alle ah).
Arabic Tafsirs:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
34. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
Arabic Tafsirs:
يُرۡسَلُ عَلَيۡكُمَا شُوَاظٞ مِّن نَّارٖ وَنُحَاسٞ فَلَا تَنتَصِرَانِ
35. Wuxuu idinku soo diri olol naar ah iyo maar 'la dhalaaliyey' [7], ma kareysaan inaad is difaacdaan.
[7]. Macne kale waa naxaas.
Arabic Tafsirs:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
36. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
Arabic Tafsirs:
فَإِذَا ٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتۡ وَرۡدَةٗ كَٱلدِّهَانِ
37. Markay samadu dillaacdo oo ay noqoto gaduud sida idiinta [8].
[8]. Sida harag (maqaar) la magdiyey ee gaduudan, waa Maalinta Qiyaamaha markaas baa la idin abaal marin.
Arabic Tafsirs:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
38. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin [9] beenineysaan?.
[9]. Macnaha Rabbi waa Abuuraha, Nooleeyaha, Dhinsiiyaha, maamulaha uunka, Irsaaqaha, iwm. Waana Allaah.
Arabic Tafsirs:
فَيَوۡمَئِذٖ لَّا يُسۡـَٔلُ عَن ذَنۢبِهِۦٓ إِنسٞ وَلَا جَآنّٞ
39. Maalinkaas waxba lagama weydiiyo denbigooda Insi iyo Jinba (oo waa cad yihiin oo la og yahay, waase lagu qiri).
Arabic Tafsirs:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
40. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
Arabic Tafsirs:
يُعۡرَفُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ بِسِيمَٰهُمۡ فَيُؤۡخَذُ بِٱلنَّوَٰصِي وَٱلۡأَقۡدَامِ
41. Denbiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, markaasaa laga soo qaban foodaha iyo cagaha (oo lagu tuuri Naarta).
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Ar-Rahmān
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close