Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Al-Mā’idah   Verse:
وَحَسِبُوٓاْ أَلَّا تَكُونَ فِتۡنَةٞ فَعَمُواْ وَصَمُّواْ ثُمَّ تَابَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡ ثُمَّ عَمُواْ وَصَمُّواْ كَثِيرٞ مِّنۡهُمۡۚ وَٱللَّهُ بَصِيرُۢ بِمَا يَعۡمَلُونَ
71. Waxay moodeen inaysan jireyn wax Fidna ah, markaasay noqdeen kuwo (ka) indha la’ oo dhega la’ (Xaqa), haddana Alle wuu ka tawbad aqbalay, haddana in badan oo ka mid ahi waxay noqdeen kuwo (ka) indha la’ oo dhega la’ (Xaqa). Alle wuu arkaa waxay falaan.
Arabic Tafsirs:
لَقَدۡ كَفَرَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡمَسِيحُ ٱبۡنُ مَرۡيَمَۖ وَقَالَ ٱلۡمَسِيحُ يَٰبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ رَبِّي وَرَبَّكُمۡۖ إِنَّهُۥ مَن يُشۡرِكۡ بِٱللَّهِ فَقَدۡ حَرَّمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ ٱلۡجَنَّةَ وَمَأۡوَىٰهُ ٱلنَّارُۖ وَمَا لِلظَّٰلِمِينَ مِنۡ أَنصَارٖ
72. Xaqiiq waa gaalo kuwa yidhaahda: Alle, waa Masiixa ina Maryam; Masiixuse wuxuu yidhi: Ilmahii Israa’iiloow! Caabuda Alle Keliya, Rabbigay iyo Rabbigiin. Qofkii wax la wadaajiya Alle (cibaadada), wuxuu Alle ka xaaraantinimeeyey Jannada, hoygiisuna waa Naarta. Daalimiinta ma leh wax u soo gargaari (Aakhirada ama u shafeeci).
Arabic Tafsirs:
لَّقَدۡ كَفَرَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ إِنَّ ٱللَّهَ ثَالِثُ ثَلَٰثَةٖۘ وَمَا مِنۡ إِلَٰهٍ إِلَّآ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۚ وَإِن لَّمۡ يَنتَهُواْ عَمَّا يَقُولُونَ لَيَمَسَّنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٌ
73. Xaqiiq waa gaalo kuwa yidhaahda: Alle, waa saddexeenka seddexda. Mase jiro Ilaah (xaq ah) aan ahayn Alle Keliya. Haddayna ka hari waayaan waxay leeyihiin, waxaa taaban kuwa gaaloobay oo ka mid ah cadaab xanuun badan.
Arabic Tafsirs:
أَفَلَا يَتُوبُونَ إِلَى ٱللَّهِ وَيَسۡتَغۡفِرُونَهُۥۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
74. Miyeyna u tawbad keeneyn Alle oo weydiisanayn Denbi Dhaafkiisa? Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Arabic Tafsirs:
مَّا ٱلۡمَسِيحُ ٱبۡنُ مَرۡيَمَ إِلَّا رَسُولٞ قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهِ ٱلرُّسُلُ وَأُمُّهُۥ صِدِّيقَةٞۖ كَانَا يَأۡكُلَانِ ٱلطَّعَامَۗ ٱنظُرۡ كَيۡفَ نُبَيِّنُ لَهُمُ ٱلۡأٓيَٰتِ ثُمَّ ٱنظُرۡ أَنَّىٰ يُؤۡفَكُونَ
75. Masiixa ina Maryam ma ahayn waxaan ahayn Rasuul; waxaa tagey hortiis Rusul badan, hooyadina waxay ahayd run badan; waxay labaduba cuni jireen cunnada. Eeg sidaan ugu caddeyno Aayadaha, misna eeg sida loo iilo.
Arabic Tafsirs:
قُلۡ أَتَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَمۡلِكُ لَكُمۡ ضَرّٗا وَلَا نَفۡعٗاۚ وَٱللَّهُ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
76. Dheh: Ma waxaad caabudeysaan Alle ka sokow wax aan idiin hanan karin dhib iyo dheef midna? Alle waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.
Arabic Tafsirs:
قُلۡ يَٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لَا تَغۡلُواْ فِي دِينِكُمۡ غَيۡرَ ٱلۡحَقِّ وَلَا تَتَّبِعُوٓاْ أَهۡوَآءَ قَوۡمٖ قَدۡ ضَلُّواْ مِن قَبۡلُ وَأَضَلُّواْ كَثِيرٗا وَضَلُّواْ عَن سَوَآءِ ٱلسَّبِيلِ
77. Dheh: Ehlu-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ha ku xad dhaafina camalkiinna xaq darro, hana raacina hawada dad dhumay mar hore, oo in badan dhumiyey, oo ka dhumay Jidka Toosan (ee Islaamka).
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Al-Mā’idah
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close