Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Al-Ahqāf   Verse:
وَإِذۡ صَرَفۡنَآ إِلَيۡكَ نَفَرٗا مِّنَ ٱلۡجِنِّ يَسۡتَمِعُونَ ٱلۡقُرۡءَانَ فَلَمَّا حَضَرُوهُ قَالُوٓاْ أَنصِتُواْۖ فَلَمَّا قُضِيَ وَلَّوۡاْ إِلَىٰ قَوۡمِهِم مُّنذِرِينَ
29. (Xus) markaan u soo weecinnay xaggaaga koox jin ah oo dhegaysan Qur’aanka, markay yimaadeen halkaasi, waxay yidhaahdeen: Aamusa. Markii la dhammeeyey waxay dib ugu laabteen tolkoodii iyagoo u digaya.
Arabic Tafsirs:
قَالُواْ يَٰقَوۡمَنَآ إِنَّا سَمِعۡنَا كِتَٰبًا أُنزِلَ مِنۢ بَعۡدِ مُوسَىٰ مُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِ يَهۡدِيٓ إِلَى ٱلۡحَقِّ وَإِلَىٰ طَرِيقٖ مُّسۡتَقِيمٖ
30. Waxay yidhaahdeen: Tolkayagow! Waxaan maqallay Kitaab (waa Qur'aanka) la soo dejiyey Muuse kaddib, oo rumeynaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Allle ah), oo wax ku hanuuninaya Xaqa iyo Jid Toosan .
Arabic Tafsirs:
يَٰقَوۡمَنَآ أَجِيبُواْ دَاعِيَ ٱللَّهِ وَءَامِنُواْ بِهِۦ يَغۡفِرۡ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمۡ وَيُجِرۡكُم مِّنۡ عَذَابٍ أَلِيمٖ
31. Tolkanagow! Raaca daaciga Alle [11] oo rumeeya, Wuxuu (Alle) idiin dhaafi denbiyadiinna, idinkana badbaadin cadaab xanuun badan.
[11]. Ugu yeerahaa dadka xagga Alle waa Nabi Muxammad s.c.w.
Arabic Tafsirs:
وَمَن لَّا يُجِبۡ دَاعِيَ ٱللَّهِ فَلَيۡسَ بِمُعۡجِزٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَيۡسَ لَهُۥ مِن دُونِهِۦٓ أَوۡلِيَآءُۚ أُوْلَٰٓئِكَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ
32. Qofkaan raacin daaciga Alle, kuma baxsanayo dhulka, mana jiro wax u gargaari (Alle) sokadi. Kuwaa waxay ku sugan yihiin habow cad.
Arabic Tafsirs:
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّ ٱللَّهَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَلَمۡ يَعۡيَ بِخَلۡقِهِنَّ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يُحۡـِۧيَ ٱلۡمَوۡتَىٰۚ بَلَىٰٓۚ إِنَّهُۥ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
33. Miyeyna ogayn in Alle ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo aan ku daalin abuuristooda uu awoodo inuu nooleeyo meytida? Haayoo, hubaal waa Kan wax walba Kara.
Arabic Tafsirs:
وَيَوۡمَ يُعۡرَضُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ عَلَى ٱلنَّارِ أَلَيۡسَ هَٰذَا بِٱلۡحَقِّۖ قَالُواْ بَلَىٰ وَرَبِّنَاۚ قَالَ فَذُوقُواْ ٱلۡعَذَابَ بِمَا كُنتُمۡ تَكۡفُرُونَ
34. Maalinta loo soo bandhigi kuwa gaalooba Naarta (waxaa lagu odhan): Waxakani sow ma aha Xaq? Waxay odhan: Haah Waa nagu Rabbigeene. Wuxuu odhan: Dhadhamiya Cadaabka, gaalnimadiinnii darteed.
Arabic Tafsirs:
فَٱصۡبِرۡ كَمَا صَبَرَ أُوْلُواْ ٱلۡعَزۡمِ مِنَ ٱلرُّسُلِ وَلَا تَسۡتَعۡجِل لَّهُمۡۚ كَأَنَّهُمۡ يَوۡمَ يَرَوۡنَ مَا يُوعَدُونَ لَمۡ يَلۡبَثُوٓاْ إِلَّا سَاعَةٗ مِّن نَّهَارِۭۚ بَلَٰغٞۚ فَهَلۡ يُهۡلَكُ إِلَّا ٱلۡقَوۡمُ ٱلۡفَٰسِقُونَ
35. Ee samir siday Rushushii sugnaanta iyo go’aanka adag lahaa u samreen [12], hana doondoonin in loo soo dedejiyo (cadaabka). Maalintay arki waxa loo yaboohay waxay ahaan sida inayan (ku) negaan (adduunka) waxaan ahayn saacad ka mid ah maalin; waa gaarsiin cad ee ma waxaa la rogaa waxaan aheyn fallaagada.
[12]. Rusushaas go’aanka adag waa Nuux, Ibraahiim, Muuse, Ciise, iyo Muxammad.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Al-Ahqāf
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close