Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Fussilat   Verse:
۞ إِلَيۡهِ يُرَدُّ عِلۡمُ ٱلسَّاعَةِۚ وَمَا تَخۡرُجُ مِن ثَمَرَٰتٖ مِّنۡ أَكۡمَامِهَا وَمَا تَحۡمِلُ مِنۡ أُنثَىٰ وَلَا تَضَعُ إِلَّا بِعِلۡمِهِۦۚ وَيَوۡمَ يُنَادِيهِمۡ أَيۡنَ شُرَكَآءِي قَالُوٓاْ ءَاذَنَّٰكَ مَا مِنَّا مِن شَهِيدٖ
47. Xaggiisaa loo celiyaa cilmiga Saacadda 'Qiyaame' [16]. Kama soo baxaan wax ka mid ah midhaha galalkooda, oo ma jirto dheddig uur qaaddaa, kumana dhasho waxaan aheyn Ogaalkiisa. Maalinta markuu u yeedhi: Meeye kuwa aad ila wadaajiseen 'cibaadada' [17]? Waxay odhan: Waxaan ku ogeysiin naguma jiro mid ka markhaati kici (inay yihiin shariigyadaada).
[16]. Ma jiro axad ogsoon goorta ay dhici doonto Qiyaamaha aan ahayn Allaah.
[17]. Asnaamta waxay ka dhigeen kuwo la shuruko ah ama la siman Alle.
Arabic Tafsirs:
وَضَلَّ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَدۡعُونَ مِن قَبۡلُۖ وَظَنُّواْ مَا لَهُم مِّن مَّحِيصٖ
48. Waxay waayi waxay horey ugu dhawaaqan jireen (oo ilaahyo been ah), waxayna yaqiinsan inaysan laheyn meel ay u baxsadaan.
Arabic Tafsirs:
لَّا يَسۡـَٔمُ ٱلۡإِنسَٰنُ مِن دُعَآءِ ٱلۡخَيۡرِ وَإِن مَّسَّهُ ٱلشَّرُّ فَيَـُٔوسٞ قَنُوطٞ
49. Aadmigu marnaba kama daalo khayr bariga, hadduuse shar taabto, markaas waa quustaa, rajo beel ah.
Arabic Tafsirs:
وَلَئِنۡ أَذَقۡنَٰهُ رَحۡمَةٗ مِّنَّا مِنۢ بَعۡدِ ضَرَّآءَ مَسَّتۡهُ لَيَقُولَنَّ هَٰذَا لِي وَمَآ أَظُنُّ ٱلسَّاعَةَ قَآئِمَةٗ وَلَئِن رُّجِعۡتُ إِلَىٰ رَبِّيٓ إِنَّ لِي عِندَهُۥ لَلۡحُسۡنَىٰۚ فَلَنُنَبِّئَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِمَا عَمِلُواْ وَلَنُذِيقَنَّهُم مِّنۡ عَذَابٍ غَلِيظٖ
50. Haddaan dhadhansiinno naxariis Xaggayaga ah kaddib dhibaato taabatay, wuxuu odhan: Kan anaa leh [18], mana filayo inay dhici Saacadda (Qiyaame), haddii la ii celiyona xagga Rabbigay, waxaan ka heli agtiisa wanaag. Waxaan u sheegi kuwa gaaloobay waxay faleen, waxaana dhadhansiin Cadaab Adag.
[18]. Macnaha waa waxaan ku helay xoogsigeyga, aqoonteyda, iyo wanaagga aan leeyahay, fadliga aan dheerahay dadka kale darteed, iwm.
Arabic Tafsirs:
وَإِذَآ أَنۡعَمۡنَا عَلَى ٱلۡإِنسَٰنِ أَعۡرَضَ وَنَـَٔا بِجَانِبِهِۦ وَإِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ فَذُو دُعَآءٍ عَرِيضٖ
51. Markaan u nicmeyno Aadmiga, wuu jeesadaa oo dhinac u baxaa, markuuse dhib taabto, wuu baryootan badan yahay.
Arabic Tafsirs:
قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِن كَانَ مِنۡ عِندِ ٱللَّهِ ثُمَّ كَفَرۡتُم بِهِۦ مَنۡ أَضَلُّ مِمَّنۡ هُوَ فِي شِقَاقِۭ بَعِيدٖ
52. Dheh: Bal ka warrama hadduu ka yimid (Qur’aanka) xagga Alle, markaas aad ku gaalowdaan - yaa ka lunsanaan badan kan ku sugan gaalnimo iyo khilaaf fog.
Arabic Tafsirs:
سَنُرِيهِمۡ ءَايَٰتِنَا فِي ٱلۡأٓفَاقِ وَفِيٓ أَنفُسِهِمۡ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَهُمۡ أَنَّهُ ٱلۡحَقُّۗ أَوَلَمۡ يَكۡفِ بِرَبِّكَ أَنَّهُۥ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٌ
53. Waxaan ka tusi doonnaa Calaamooyin- kayaga koonka iyo xagga nafahoodaba ilaa ay uga caddaato inuu (Alle, Qur’aanka) yahay Xaq. Miyuusan ku fillayn Rabbigaa inuu u jeedo wax walba oo ka yahay marag.
Arabic Tafsirs:
أَلَآ إِنَّهُمۡ فِي مِرۡيَةٖ مِّن لِّقَآءِ رَبِّهِمۡۗ أَلَآ إِنَّهُۥ بِكُلِّ شَيۡءٖ مُّحِيطُۢ
54. Ogaada, hubaal, Waxay (gaaladu) ka shaki qabaan la kulanka Rabbigood, ogaada, hubaal, (Alle) wuu koobaa wax kasta oo Ku Xeeran yahay.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Fussilat
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close