Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Ghāfir   Verse:
۞ وَيَٰقَوۡمِ مَا لِيٓ أَدۡعُوكُمۡ إِلَى ٱلنَّجَوٰةِ وَتَدۡعُونَنِيٓ إِلَى ٱلنَّارِ
41. Tolkayow! Maxaa ugu wacan inaan idiinku yeedho badbaadada, halkaad iigu yeedhaan Naar.
Arabic Tafsirs:
تَدۡعُونَنِي لِأَكۡفُرَ بِٱللَّهِ وَأُشۡرِكَ بِهِۦ مَا لَيۡسَ لِي بِهِۦ عِلۡمٞ وَأَنَا۠ أَدۡعُوكُمۡ إِلَى ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡغَفَّٰرِ
42. Waxaad iigu yeedhaan inaan ku gaa- loobo Alle oo la wadaajiyo (cibaadada) wax aan u heysan wax cilmi ah, aniguna waxaan idiinku yeedhaa xagga (Allaah) Adkaadaha Sarreeya, Denbi Dhaafka Badan.
Arabic Tafsirs:
لَا جَرَمَ أَنَّمَا تَدۡعُونَنِيٓ إِلَيۡهِ لَيۡسَ لَهُۥ دَعۡوَةٞ فِي ٱلدُّنۡيَا وَلَا فِي ٱلۡأٓخِرَةِ وَأَنَّ مَرَدَّنَآ إِلَى ٱللَّهِ وَأَنَّ ٱلۡمُسۡرِفِينَ هُمۡ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِ
43. Shaki ma leh, waxaad iigu yeedheysaan Xaggiisa ma hayaan (dhib iyo dheef) loogu yeedho adduun iyo aakhiraba, waxaana laynoo celin xagga Alle, kuwa ahna xad gudbayaasha waa iyaga uun Ehlu-Naarka.
Arabic Tafsirs:
فَسَتَذۡكُرُونَ مَآ أَقُولُ لَكُمۡۚ وَأُفَوِّضُ أَمۡرِيٓ إِلَى ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ بَصِيرُۢ بِٱلۡعِبَادِ
44. Marka waad xusuusan doontaan waxaan idinku leeyahay, waxaana u tala saartay arrinkayga Alle. Hubaal Alle wuu Arkaa addoomahiisa.
Arabic Tafsirs:
فَوَقَىٰهُ ٱللَّهُ سَيِّـَٔاتِ مَا مَكَرُواْۖ وَحَاقَ بِـَٔالِ فِرۡعَوۡنَ سُوٓءُ ٱلۡعَذَابِ
45. Markaasuu Alle ka dhowray xumaha waxay qooleen, oo cadaab tan u daran waxay ku degtay reer Fircoon.
Arabic Tafsirs:
ٱلنَّارُ يُعۡرَضُونَ عَلَيۡهَا غُدُوّٗا وَعَشِيّٗاۚ وَيَوۡمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ أَدۡخِلُوٓاْ ءَالَ فِرۡعَوۡنَ أَشَدَّ ٱلۡعَذَابِ
46. Naarta, waxaa loo soo bandhigaa aroor iyo galab 'kastaba' [9], Maalintay Saacadda (Qiyaame) dhacdona (waxaa la odhan): Ka yeela reer Fircoon inay galaan cadaab tan ugu daran.
[9]. Laga billaabo markay dhintaan ilaa Maalinta Qiyaamaha, marka loo kaxeyn xagga Naarta.
Arabic Tafsirs:
وَإِذۡ يَتَحَآجُّونَ فِي ٱلنَّارِ فَيَقُولُ ٱلضُّعَفَٰٓؤُاْ لِلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُوٓاْ إِنَّا كُنَّا لَكُمۡ تَبَعٗا فَهَلۡ أَنتُم مُّغۡنُونَ عَنَّا نَصِيبٗا مِّنَ ٱلنَّارِ
47. (Xus) markay iskula doodayaan Naarta gudaheeda, waxay kuwii ducafada (raciyada ahaa) ku odhan kuwii (madaxda ahaa) ee isla weynaa: Waxaan innagu ahayn kuwo idinka idin raacsan, ee ma naga qaadeysaan qayb ka mid ah Naarta?.
Arabic Tafsirs:
قَالَ ٱلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُوٓاْ إِنَّا كُلّٞ فِيهَآ إِنَّ ٱللَّهَ قَدۡ حَكَمَ بَيۡنَ ٱلۡعِبَادِ
48. Kuwii isla weynaa waxay odhan: Waxaanu innagu dhammaan nahay kuwo ku jira; hubaal Alle waa kala xukumay addoomahiisa dhexdooda.
Arabic Tafsirs:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ فِي ٱلنَّارِ لِخَزَنَةِ جَهَنَّمَ ٱدۡعُواْ رَبَّكُمۡ يُخَفِّفۡ عَنَّا يَوۡمٗا مِّنَ ٱلۡعَذَابِ
49. Oo kuwaas ku jira Naarta waxay ku odhan furahayeennada Naarta: Noo barya Rabbigiin hanaga fudaydsho maalin keliya cadaabka.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Ghāfir
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close