Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: An-Nisā’   Verse:
وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِأَعۡدَآئِكُمۡۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَلِيّٗا وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ نَصِيرٗا
45. Alle baana yaqaan cadowyadiinna. Alle ku filan Wali (Xafide) ahaan, oo Alle ku filan Gargaare ahaan.
Arabic Tafsirs:
مِّنَ ٱلَّذِينَ هَادُواْ يُحَرِّفُونَ ٱلۡكَلِمَ عَن مَّوَاضِعِهِۦ وَيَقُولُونَ سَمِعۡنَا وَعَصَيۡنَا وَٱسۡمَعۡ غَيۡرَ مُسۡمَعٖ وَرَٰعِنَا لَيَّۢا بِأَلۡسِنَتِهِمۡ وَطَعۡنٗا فِي ٱلدِّينِۚ وَلَوۡ أَنَّهُمۡ قَالُواْ سَمِعۡنَا وَأَطَعۡنَا وَٱسۡمَعۡ وَٱنظُرۡنَا لَكَانَ خَيۡرٗا لَّهُمۡ وَأَقۡوَمَ وَلَٰكِن لَّعَنَهُمُ ٱللَّهُ بِكُفۡرِهِمۡ فَلَا يُؤۡمِنُونَ إِلَّا قَلِيلٗا
46. Qaar ka mid ah kuwa heysta (diinta) Yuhuudiyadda (waxaa jira kuwo) ka duwa erayada meelahooda oo yidhaahda: Maqallay oo caasinnay, maqal, laguma maqashiiye eh, Raacinaa, iyagoo ku iilaya (kelmedda) carrabkooda oo ku duraya diinta, hadday odhan lahaayeen (taa beddelkeed): Waan maqallay waana adeecnay, maqaloo na soo day, baa u khayr badnaan lahayd oo u toosnaan lahayd, Alle baase ku lacnaday gaalnimadooda darteed, marka ma rumeeyaan wax yar maahee.
Arabic Tafsirs:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ ءَامِنُواْ بِمَا نَزَّلۡنَا مُصَدِّقٗا لِّمَا مَعَكُم مِّن قَبۡلِ أَن نَّطۡمِسَ وُجُوهٗا فَنَرُدَّهَا عَلَىٰٓ أَدۡبَارِهَآ أَوۡ نَلۡعَنَهُمۡ كَمَا لَعَنَّآ أَصۡحَٰبَ ٱلسَّبۡتِۚ وَكَانَ أَمۡرُ ٱللَّهِ مَفۡعُولًا
47. Kuwa la siiyeyow Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada)! Rumeeya waxaan soo dejinnay (Qur’aanka) ee xaqiijin waxaad haysataan (Towraadda iyo Injiilka) ka hor inta aanaan malaasin wajiyo markaas aan u celin dhabarradooda dushoood, ama aan u nacladin sidaan u nacladnay Sabti-jabiyayaashii. Amarka Alle waa mid abad fula.
Arabic Tafsirs:
إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَغۡفِرُ أَن يُشۡرَكَ بِهِۦ وَيَغۡفِرُ مَا دُونَ ذَٰلِكَ لِمَن يَشَآءُۚ وَمَن يُشۡرِكۡ بِٱللَّهِ فَقَدِ ٱفۡتَرَىٰٓ إِثۡمًا عَظِيمًا
48. Alle ma dhaafo in cid wax lala wadaajiyo, wuu se u dhaafaa waxa aan intaa ahayn qofkuu doono; qofkiina Alle wax la wadaajiya cibaadada, wuxuu been abuurtay denbi weyn [34].
[34]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle wuxuu ku odhan qofka ugu cadaab fudud naarta gudaheeda. Haddii aad leedahay waxa arlada korkeeda ah oo dhan ma u bixin lahayd madax furasho ahaan si aad naftaada uga xoreyso Naarta? Wuxuu odhan? Haa. Markaasuu Alle kor ahaaye wuxuu ku odhan: Adigoo ku jira dhabarka Aadam, waxaan kaa dalbay wax taa wax badan ka yar : inaadan cidna iigu shariik yeelin cibaadada, waxaadse ku adkeysatay shirkiga (inaad ila wadaajiso cid kale cibaadada). w.w.Al-Bukhaari.
Arabic Tafsirs:
أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ يُزَكُّونَ أَنفُسَهُمۚ بَلِ ٱللَّهُ يُزَكِّي مَن يَشَآءُ وَلَا يُظۡلَمُونَ فَتِيلًا
49. Miyaanad u fiirsan kuwa (Yuhuudda iyo Nasaarada ee) ku ammaana nafahooda daahirnimo [35]. Mayee Alle baa daahiriya qofkuu doono, lagamana dulmiyo kolay ku tahay wax le’eg xuubka ku dahaaran lafta timirta.
[35]. Waa inay yidhaahdaan waxaannu nahay ilmahii Alle iyo kuwa uu jecel yahay.
Arabic Tafsirs:
ٱنظُرۡ كَيۡفَ يَفۡتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَۖ وَكَفَىٰ بِهِۦٓ إِثۡمٗا مُّبِينًا
50. Fiiri, siday uga been sheegaan Alle, arrinkani baana ugu filan denbi cad.
Arabic Tafsirs:
أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ أُوتُواْ نَصِيبٗا مِّنَ ٱلۡكِتَٰبِ يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡجِبۡتِ وَٱلطَّٰغُوتِ وَيَقُولُونَ لِلَّذِينَ كَفَرُواْ هَٰٓؤُلَآءِ أَهۡدَىٰ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ سَبِيلًا
51. Miyaadan arag kuwa la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka (waa Yuhuudda)? Waxay rumeeyaan sixir iyo ilaahyo been ah, oo ka yidhaahdaan kuwa gaalooba 'mushrikiinta': kuwakani baa ka hanuunsan (toosan) kuwa (Xaqa) rumeeyey (Muslimiinta) jidkooda.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: An-Nisā’
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close