Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Āl-‘Imrān   Verse:
إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡقَصَصُ ٱلۡحَقُّۚ وَمَا مِنۡ إِلَٰهٍ إِلَّا ٱللَّهُۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
62. Kuwani waa qisooyinka runta ah, oo ma jiro ilaah (xaq ah) aan ahayn Allaah. Alle waa Adkaadaha, Xakiimka ah.
Arabic Tafsirs:
فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَإِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمُۢ بِٱلۡمُفۡسِدِينَ
63. Hadday (Xaqa ka) jeesadaan, Alle wuu ogsoon yahay kuwa wax fasaadiya.
Arabic Tafsirs:
قُلۡ يَٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ تَعَالَوۡاْ إِلَىٰ كَلِمَةٖ سَوَآءِۭ بَيۡنَنَا وَبَيۡنَكُمۡ أَلَّا نَعۡبُدَ إِلَّا ٱللَّهَ وَلَا نُشۡرِكَ بِهِۦ شَيۡـٔٗا وَلَا يَتَّخِذَ بَعۡضُنَا بَعۡضًا أَرۡبَابٗا مِّن دُونِ ٱللَّهِۚ فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَقُولُواْ ٱشۡهَدُواْ بِأَنَّا مُسۡلِمُونَ
64. Dheh: ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! U kaalaya Kelmed aan u simannahay ee noo dhaxeysa innaga iyo idinkaba, inaynaan caabudin cidna Alle maahee, iyo inaynaan la wadaajin (cibaadada) waxba, iyo (inaan) qaarkeen ka dhigan qaar kale rabbiyo ay la barbar caabudaan Alle. Hadday (Xaqa ka) jeesadaan, markaa dhaha: Ka markhaati ahaada inaan innagu nahay Muslimiin.
Arabic Tafsirs:
يَٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لِمَ تُحَآجُّونَ فِيٓ إِبۡرَٰهِيمَ وَمَآ أُنزِلَتِ ٱلتَّوۡرَىٰةُ وَٱلۡإِنجِيلُ إِلَّا مِنۢ بَعۡدِهِۦٓۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
65. Ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad uga doodeysaan arrinka Ibraahiim, lamana soo dejin Towraadda iyo Injiilka isaga kaddib maahee? Ee miyeydaan wax fahmeyn?
Arabic Tafsirs:
هَٰٓأَنتُمۡ هَٰٓؤُلَآءِ حَٰجَجۡتُمۡ فِيمَا لَكُم بِهِۦ عِلۡمٞ فَلِمَ تُحَآجُّونَ فِيمَا لَيۡسَ لَكُم بِهِۦ عِلۡمٞۚ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ وَأَنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ
66. Bal eega! Idinka weeye kuwa ku dooday waxaad aqoon u lahaydeen, Ee maxaad uga doodaysaan wax aydaan aqoon u lahayn? Alle baana ogsoon, idinkuse ma ogidin.
Arabic Tafsirs:
مَا كَانَ إِبۡرَٰهِيمُ يَهُودِيّٗا وَلَا نَصۡرَانِيّٗا وَلَٰكِن كَانَ حَنِيفٗا مُّسۡلِمٗا وَمَا كَانَ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
67. Ma uusan ahayn Ibraahiim Yuhuudi ama Nasraani midkoodna [10], wuxuuse ahaa toosane, Muslim ah, kamana uu mid aheyn mushrikiinta.
[10]. Labada qoloba ee Yuhuudda iyo Nassarada (Kirishtaanka) waxay sheegteen in Ibraahiim uu ka mid yahay xisbigooda, markaasuu Alle ugu jawaab celiyey in Ibraahiim uu ahaa iyaga hortood.
Arabic Tafsirs:
إِنَّ أَوۡلَى ٱلنَّاسِ بِإِبۡرَٰهِيمَ لَلَّذِينَ ٱتَّبَعُوهُ وَهَٰذَا ٱلنَّبِيُّ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۗ وَٱللَّهُ وَلِيُّ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
68. Kuwa u xiga Ibraahiim dadka waa kuwaa raacay, iyo Nabigaan (Nabi Muxammad) iyo kuwa rumeeyey (Muslimiinta). Alle waa Gargaaraha mu’miniinta.
Arabic Tafsirs:
وَدَّت طَّآئِفَةٞ مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ لَوۡ يُضِلُّونَكُمۡ وَمَا يُضِلُّونَ إِلَّآ أَنفُسَهُمۡ وَمَا يَشۡعُرُونَ
69. Qayb ka mid ah Ehlul Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay jecel yihiin inay idin lumiyaan. Mase lumiyaan waxaan aheyn nafahooda, mase dareensana.
Arabic Tafsirs:
يَٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لِمَ تَكۡفُرُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَأَنتُمۡ تَشۡهَدُونَ
70. Ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad ugu gaaloobeysaan Aayadaha Alle idinkoo marag ah (og Xaqnimadooda)?
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Āl-‘Imrān
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close